Maxamed Cali Maxamed (Timo Cadde) waxaan isbaranay horraantii 2002dii. Waxaa qoyskeennu berigaa soo dagay xaafad ka tirsan magaalada Gaalkacyo oo Garsoor la yiraahdo. Wax yar ka hor waqtigaas ayaa qoyskeennu ka soo guuray magaalada Kismaayo oo colaad darteed aan uga soo guurnay kadib labo sano oo aan ku noolayn.
Maxamed waxaan markii hore isku aragnay malcaamad quraan oo labadeenaba noo dhawayd. Markii danbe waxaan ku qalqaaliyey inuu soo galo iskuulkii umadda oo aan anigu uga horreeyey. Nasiib wanaag waalidkii waa ka aqbaly in halkaas la geeyo.
Waxaan iskuulkaas wada dhignaynay muddo sideed sano ah. Waxaan wada fariisan jirnay isku kursi innagoo sidoo kale mar walba ku dadaali jirnay inaan wada soconno.
Sanadkii 2008 innagoo markaas fasalka sideedaad ah ayaa Maxamed qoyskoodu ka soo guuray magaaladii Gaalkacyo. Waxaa ay u soo wareegeen magaalada Baladxaawo ee ku taal xuduudda wadamada Soomaaliya iyo Kenya.
Kadib soo tagistii qoyska Maxamed waxaan kala lunnay saaxiibkay Maxamed.
Kaliya saaxiib ma aanaan ahayn Maxamed oo kaliya marka uu soo tagayey ee waxaan ahayn koox dhalinyaro ah oo illaa shan qof ka kooban. Waxaan ahayn isku fasal, wada jaal ah oo aan marna kala harin. Waxaa sidoo kale aan ku midaysnayn koox kubbad cagta ah oo aan u bixinnay FC Friends(Koocdii Saaxiibada).
Waxaa jirtay in markii aan Maxamed waynay maadaama aysan xilligaa xoog badnayn teleefoonada gacanta ee moobeelada midkeenna uusan xilligaa wadan wax teleefan ah asna malaha uusan helin meel uu nagala soo xiriiro in aan baafinnay oo idaacadda BBC-da ka raadinnay. Balse nasiib darro Maxamed baafintaas kuma aanaan helin.
Afar sano kadib sanadkii dhammaadkii sanadkii 2011 ayaa Maxamed mar kale iska helnay khadka Internet-ka gaar ahaan Facebook. Waxaan u sheegay saaxiibaday kale in ninkii saaxiibkeen ahaa aan is helnay iyagoo arrintaas aad ugu farxay.
Waqtigaas aan Maxamed is helayno waxaa uu dugsiga sare ka dhiganayey waddanka Kenya. Raggeenii kale ee saaxiibka aan ahayn waxaan markaas sii dhamaynaynay dugsiga sare.
Intaas kadib saaxiibkay Maxamed waxaan lahayn xiriir jooto ah innagoo intaas kadib samaynay bar kulan dhanka khadka ah gaar ahaan barnaamijkii Nimbuz ee hadda suuqa ka baxay.
Markii aan dugsiga sare dhammeeyey waxaan ka tagay waddankii hooyo aniga oo lugtaydii u horraysay ku tagay waddanka Zambia oo muddo kooban aan joogay. Xilligaas waa dhammaadkii sanadkii 2012-ka.
Bishii January sanadkii 2013 ayaan imid waddanka Kenya oyadoo markaasna Maxamed fasax ku joogo iskuna diyaarinayo inuu dib ugu laabto iskuulkii uu dhiganayey. Waxaan kala soo hadlay Zambia aniga oo u sheegay inuu i sugo inta aan ka imaanayo si aan shan sano kadib dib isugu aragno.
Ilaahay wuxuu qadaray in Maxamed aan ka soo gaaro inta uusan ku noqon iskuulkiisii oo aan mar kale shan sano kadib dib isku aragno anigoo waliba soo daahay oo bartamihii bishii Jauary imid.
Maxamed waxaan hadda ku wada noolnahay magaalada Nayroobi ee caasimadda waddanka Kenya.
Waa saaxiibkay marna walaalkay oo kale ah. Waxaan leenahay xiriir joogto ah innagoo mararka qaar marka aan aad u kala mashquulno oo aanaan is arag muddo dheer meel ku balanna si aan u sheekaysanno.
Qof walba waa garan karaa sida ay xiisaha u leedahay saaxiibbo ku dhawaad labaatan sano is yaqaan haddana ku nool goob waddankoodii ka baxsan iyadoo qofba xaalad ku sugan yahay.
Ilaahay ha barakeeyo saaxiib walba oo ilaaliya muhiimadda asxaabtiisa. Sidoo kale Ilaahay ha waariyo asxaab kasta oo ku wada nool goob qura waa inta nolol jirtee.
DHAMMAAD

![]() |
| Maxamed oo ila taagan bartamaha xaafadda Islii maalintii meherka xaaskayga 17.07.2017 |

| Maxamed oo ila fadhiya xarunta idaacadda Iqra isagoo aan wax ka waydiinayo ciyaaro xiiso lahaa oo maalmahaas jiray. Taariikhdu waa 04.04.2019. |
Qof walba waa garan karaa sida ay xiisaha u leedahay saaxiibbo ku dhawaad labaatan sano is yaqaan haddana ku nool goob waddankoodii ka baxsan iyadoo qofba xaalad ku sugan yahay.
Ilaahay ha barakeeyo saaxiib walba oo ilaaliya muhiimadda asxaabtiisa. Sidoo kale Ilaahay ha waariyo asxaab kasta oo ku wada nool goob qura waa inta nolol jirtee.
DHAMMAAD

Sxb waqtiga isla soojoognay qoraal laguma sokobi karo.aadba ugumahadsantahay sida uxustay wayaha islasoqadanay inshaAllah waqti badan oo wanagsan Allaha nogudaro
ReplyDelete