Siyaasiga Beeshaadu Ma Ku Matalaa?

Labo maalin ka hor waxaa shir Nayroobi ugu dhammaaday siyaasiyiin mucaaradsan dowladda hadda talada haysa ee madaxwayne Farmaajo. Waxay soo saareen qoraal ay aad ugu dhaliileen dowladda hadda jirta.

Inkastoo wal wal laga muujin karo halka shirku ka dhacay iyo ragga ka qeyb galay oo dakharo badan ka muuqdaan haddana halka aan wax ka eegayo waa ka duwan tahay.


Sawirka waxaan ka soo qaatay BBC Somali.


Aniga oo aan ka hadlayn saxnaanshaha iyo khaldanaanta siyaasiyiintaas waxaan rabaa inaan hal su'aal ah iswaydiinno. Su'aashaas waxay tahay in siyaasiga Soomaaliga wax dan ah u hayo shacabka soomaaliyeed ee uu mar walba sheego inuu u qareemo.

Tan iyo markii aan dab ka leexday dhowr jeer ayaa dano kala gooni gooni ah iga gashay siyaasiyiinta reerkayga ku matela dowladaha Soomaaliya ka jira.

Waxaan jeclahay inaan idin la wadaago labo qiso oo kamid ah sheekooyinka iga soo maray siyaasiyiin beeshayda ah kuwaas oo xubno ka ah dowladaha Soomaaliya.

Qiso waxay ahayd mar aan u baahday nin aad iigu dhawaa aana oran karo wuxuuba ii ahaa adeerkay inkastoo waligay aana mudan ama wax waydiisan. Arrinta aan ka rabay oo ay adag tahay inaad hesho haddii cid meeshaas kaa caawisa aysan jirin ayaa igu kaliftay in aan ninkaas u sii maro. Iska daa inuu wax uun iga caawiyee waxaa uu ii geystay hagar daamo culus isagoo waliba raggii ka sokeeyey isaga ay inta lacag iga cuneen teleefanadii iga qaban waayeen. Taasi waxay ahayd jabkii ugu horreeyey ee igu dhaca inkastoo aan wali rajo ka qabay siyaasiyiinta i matala.

Mar kale waxay ahayd mar aan isna dan ka yeeshay mid kale oo galay booskii kii hore inkastoo aan islahaa waa dhaami doonaa kii hore.
Kan maadaama uu cusbaa waxaan u malaynayey in heerka tuugnimo iyo khiyaano uu kaas ka darajo hooseeyey oo uu masraxa siyaasadda ku cusbaa. Markan kaligay kuma ahayn dadka raba inay mar uun arkaan siyaasigaas oo markaas xildhibaan ahaa. Waa uu nala kulmay oo waliba si aftahanimo leh khudbo uu sheegay inaan xaqa aan raadinayno helayno noo sheegay. Balse maxaa xigay.
Maalmo kadib markii la gaaray inaan mar kale kulanno si bal waxa uu illaa hadda qabtay aan u ogaano wuxuu asna nagu dhagaystay teleefankii isagoo qaar naga mid ahna xannibaad (Block) iska saaray kadib markii ay aad ugu celceliyeen. Anigu maadaama aan khibrad hore lahaa lama yaabin ficilkaas foosha xumaa ee ninkaas sameeyey.

Waxaa jirta maraka qaarkood inaysan xattaa teleefanada ka qaban waalidiintood ama qaraabadooda aadka ugu dhow iska daa qof ay wadaagaan hayb qabiil ama jifo hoosaade.

Maalintaas wixii ka danbeeyey waxaan hoosta ka xariiqday inaana siyaasi danbe si kasta oo uu u sheeto inuu o matalo aana waxba u doonan. Waxaan go'aansaday in wixii aan ku heli karo aqoontayda iyo dadaalkaya kaliya aan raadiyo. Sidoo kale wixii qof saaxiibkaa ah kuu fududayn karana iyana meesha kama maqna.

Haddaba marka labadaas qiso aad dhuuxdo ma u malaynaysaa in siyaasiyiinta Soomaalida ah ee meelaha ka qeyliya ay u hadlayaan dadka ay matalaan mise waxay u ordayaan kaliya inay gaaraan hadafkooda siyaasadeed iyo danahooda shakhsiga ah. Jawaabta idinkaa idiin daynayaa.

DHAMMAAD

Comments