“Madaxda kubadda cagta ee waddanka Senegal waxay danaynayeen tababarayaal caddaan ah oo lacag badan qaadanaya. Waxaan u tagay El-Haji Diouf iyo ciyaariyahanno hore si ay dowladda ugu tagaan ugana dalbaan inay aniga booskaas i siiyaan. Runtii way adkayd arrintaas, maxaa yeelay wasiirku wuxuu doonayey macallin Faransiis ah kaasoo ku howl galaya lacag malaayiin faranka Senegaal ah.
“Kadib wada xaajood dheer oo ay wada qaateen ninkii faransiiska ahaa walina aysan heshiis gaarin, waxaa xafiiskiisa iigu yeeray wasiirkii waxaana fursaddaas uga faa’idaystay inaan gudbiyo codsigayga. ‘Fadlan ma rabo wax lacag ah oo malaayiin gaaraysa, kaliya waxaan rabaa inaan waddankayga u shaqeeyo’.
Maanta si aan ciyaarta kama danbaysta ah u gaaro waxaan ka badiyey illaa sagaal waddan oo ay wateen ama tababarayaal u ahaayeen macallimiin reer Yurub ah. Waxaan rabaa inaan hoggaamiyayaasha Afrika ka codsado inay fursad siiyaan macallimiinta Afrika u dhalatay halkii ay malaayiin lacag ah ku bixin lahaayeen dad caddaan.

Macallinka xulka Senegal Aliou Cissé ayaa hadalkan yiri.
Xushmee qaaradda AFRIKA.
Xushmee qaaradda AFRIKA.
![]() |
| Macallinka xulka Senegal Aliou Cisséption |
Waan soo turjumay.

Comments
Post a Comment