Alle waxaa uu Quraankiisa Kariimka ah ku leeyahay “ Ilaahay qolo ma
badalo illaa ay iyagu naftooda badalaan” Suuratu Al Racd, Aayadda 11aad.
Waxaan aayadan oga gol leeyahay oo aan jeclahay inaan kaga waramo
xaaladda Islaamiyiinta Soomaaliya oo maalinba jawi cusub lasoo baxaysa
tan iyo markii aan bilaabay inaan la socdo hadba halka ay marayso.
Inkastoo da’deenu yar tahay marka laga eego dhacdooyinkii soomaaliya ee islaamiyiinta, hadana Shakhsiyan waxaan anigu bilaabay inaan raadraaco dhacdooyinka iyo waqtiyada isbadalaya sanadii 2006 markaas oo ciidamo Itoobiyaan ah ay gudaha usoo galeen gayiga soomaaliya iyagoo la dagaalamayey jamaacadii midowgii maxaakiimta Islaamiga oo xilligaas xukumayey badi gobolada dalka soomaaliya gaar ahaan koonfurta iyo bartamaha.
Halgamo kala duwan ayey soo mareen islaamiyiinta soomaaliya, inkastoo lagu kala gadisnaa halka uu ku dhamaaday mid waliba; qaar baa inta guulaystay kolkii hore kadib cadaw banaanka kaga yimid baabi’yey halka kuwa kalana gacmahooda isku burburiyeen.
Waxaan Shaki ku jirin in nidaam walba oo laga helo cadaalad ay ilaahay sunadiisu tahay inuu jiro oo uu waaro haba ahaado mid ay taladiisa hayaan dad aan muslimiin ahayn, sidaas badalkeedna inuu dumo oo uusan cago badan ku taagnaan maamul walba oo dulmigu dhexdiisu caado ka noqdo, waa laga yaabaa inuu baryo adduunka ku amar taagleeyo laakiin ugu danbayn waa la hubaa inuu ku biyo shuban doono baaba’ iyo bur bur.
Si aan iskula jaan qaadno waxaan jeclaan lahaa inaan idiin kormaro inta aan ka ogahay taariikhda islaamiyiinta soomaaliya anigoo ka bilaabay waqtigii midowgii maxaakimmta islaamiga ah.
Magaalada Muqdisho oo la oran karo waa magaalo aan haba yaraatee marna ka nasan colaadihii ragaadiyey umadda soomaaliyeed ayaa sandkii 2006 waxaa usoo iftiimay faraj Alle usoo mariyey wadaado ka dhiidhiyey dulli iyo hagardaamayn ay wadeen hogaamiye kooxeedyo caadaystay inay dhiibaan shacabka soomaaliyeed gaar ahaan qofkii lagu tuhmayo inuu ku adag yahay diintiisa islaamka. Wadaadan oo bilowgoodii ku socday xawli aan badnayn ayaa mar qura jabiyey raggii hogaamiye kooxeedyada ahaa ee ay maalgalinayeen maraykan iyo Itoobiya.
Arrintan ayaa mar qura waxaa soo dhaweeyey shucuub waynta soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyagoo hanbalyeyn udiray midowgii maxaakimmta oo markaas ku ekaa magaalada Muqdisho oo kaliya. Kuma aysan hakan magaalada Muqdisho wadaadadii kacdoonka ahaa ee waxay usii dhaqaaqeen gobolo badan oo isugu jiray bartamaha iyo koonfurta soomaaliya, iyagoo si dhib yar kula wareegay magaalooyin fara badan oo goboladaas ku yaalay.
Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa waqtigaa aad uwanaagsanaaday iyadoo la furay goobo xirnaa tan iyo burburkii dowladii dhexe waxaana meelaha laga xusi karo kamid ah garoonkii diyaaradaha oo hadda la yiraahdo Aadan Cadde Airport. Maxaakiimtu waxay si waangsan umaamulayeen goobihii ay gacanta ku hayeen iyagoo si cadaalad kujirto dadka ukala xukumayey. Dhowr bilood oo kaliya ayaa mar qura dadkii soomaaliyeed ee dibadda kunoolaa soo wada xaroodeen iyadoo qurbo jog badan oo tagi lahaa dalkii markaa kahor ay oga baqi jireen amaa lagu bar tilmaameedsadaa oo beesha aad kasoo jeedo darted laguu dilaa laakiin markan si nabad ah meel walba ku marayaan dhamaan goobihii ay gacanta ku hayeen midowgii maxaakiimta.
Dhanka kale waxaa waqtigaa gobolada soomaaliya qaar kamid ah haysta dowlad kumeel gaar ah oo xilligaa uu madax u ahaa nin ay aad isku neceb yihiin islaamiyiintan kacdoonka ah dhowr meelood oo horana kula soo dagaalamay kooxahan oo kale, waa Cabdulaahi Yuusuf oo markaas ay aad uwad wadaan wadamada reer galbeedku iyo dowladda Itoobiya oo ay xulafo dhow ahaayeen. Dowladii Cabdulaahi Yuusuf oo bilowgeedii hore Jowhar daganyd ayaa xilligan waxaa saldhig u ahaa magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, waxaana ay halkaa ku haysataa ciidamo aan sidaa usii awood badnayn laakiin ay kor ka ilaaliyaan ciidamo qarsoon oo dowladda itoobiya ay lahayd walaw ay beenin jireen in xilligaas ciidan itoobiyaan ahi joogaan gudaha wadanka soomaaliya.
Waxay arini halkaa martaba waxaa lagama maarmaan noqotay inay isfara saaraan labadii dhinac ee dowladii C/laahi Yuusuf iyo Ururkii maxaakiimtii Islaamiga ahaa, waxaana qolo walba adeegsatay waxay hub iyo ciidan haysatay. Dagaal socday maalmo kooban, inakstoo markii hore ay gacan sareeyeen maxaakiimtii, waxaa ugu danbyn halkaa ku jabay Ururkii Maxaakiimta iyadoona markii gacanta looga dhigay dhammaan goboladii kale laysla yimid magaalada Muqdisho, halkaasna ay hadana si fudud oga baxeen. Waxaa xusid mudan in ciidamada Itoobiya ay dagaalkaa si cad oga qeyb qaateen waxayna aad udifaacayeen xaruntii markaa dowladu daganayd ee Baydhabo.
Dhowr sababood ayaa laysla qiray inay kadanbaysay burburkii maxaakiimtii ISlaamiga waxaana ay kala yihiin:
Ururka Shabaab waxaa markii hore uu kamid ahaa kuna hoos jiray Maxaakiimtii Islaamiga ahaa, hayeeshee jabkii maxaakiimta waxaa uu gaar ola baxay ciidamadiisii ugaarka ahaa iyagoona markaa iclaamiyey inay dagaal kala hortagi doonaan dowladii cusbayd ee uu madaxda ka ahaa Shiikh Shariif.
Dadaalo badan oo ay sameeyeen dad isugu jiray culumo, waxgarad, Cuqaal iyo Aqoonyahan kale waxaa marna lagu baajin waayey dagaalkii ay iclaamiyeen Shabaab, waxayna soomaalidu tiraahdo haddii malag dhawaaqayo miidaani dhago maleh, Shabaab dad badan inay laayaan iyana laga laayo baa qornayd cid baajin kartana majirin waana tan keentay in mar kale Muqdisho ku noqoto colaadihii lagu yaqiin. Shabaab waxaa ay muddo ka dagaalamayeen gudaha magaalada Muqdisho, iyagoo geysanayey qaraxyo inta badan ku waxyeeloobaan dad Shacab ah iyo weeraro toos ah oo ay la beegsanayeen ciidamada dowladda iyo kuwa midowga Africa ee AMISOM. Dagaalo ay muddo wadeen kadib waxay iskaga baxeen magaaladii Muqdisho iyagoo arrintaasna ku tilmaamay xeelad dagaal, waxayna dib ugu gurteen goboladii kale ee ay maamulayeen.
Intaa kadib Ururka Shabaab waxaa uu qaaday tallaabo kasta oo uu ku dumi karay haday ahaan lahayd hab dhaqanka bulshada ay maamulayaan iyo cadaadiska uu ku hayey ninka ugu sareeya ururkan madaxda inteeda kale illaa qaar kamid ah iskaga tageen oo ugaleen maamul gobleedyada qaarkood.
Dilka, handadaada iyo cago juglaynta loo geysanayey shacab muslimiin ah oo aan waxba galabsan waa asbaabihii ugu waaweynaa ee la oran karay wa uu ku fashilmay ururkan.Waxaa la ogsoon yahay in diinta islaamku tahay diin aan culays ku dhisnayn lana amray dadka haysta inay wax walba sahlaan oo fududeeyaan si loogu arko diintan mid dadku jeclaystaan oo aan laga cararin.
Ninka ugu sareeya ururka Shabaab Axmed Godane oo ah nin aad u ad adag ayaa dad badan aaminsan yihiin inuu sabab uyahay burburka ururkan inakastoo wali ay jiraan dad taageersan gaar ahaan ciidamada ugaarka ah ee Amniyaatka.
Dhawaan waxaa la dilay ninkii ay aadka isugu dhawaayeen amiirka ee Ibraahim Xaaji Miicaad loona yaqaanay Abuubakar Al Zaylici iyo Macalin Burhaan oo isna xil sare ka hayey ururka Shabaab, sida lasheegay labadaba waxaa dilay ciidan ugaar ah Axmed Godane, isagoo ku eedeeyey inuu kala qeybin kuwadaan gudaha ururka.
Shiikh Xasan Daahir isna waxaa uu hadda kuiraa gacanta dowladda waxaana lafihiisa uu kala soo cararay ururka kadib markii uu ka hadlay in sida wax loo wado qaarkeed ay khaldan yihiin, lama saadaalin karo halka ay xaaladiisu ku danbayn doonto iyadoo laga war dhowrayo go’aanka ay dowladda Xasan Shiikh ka qaadato shiikha.
Waxaa isna xusid mudan Ninka layiraaahdo AL Amriiki oo jinsiyada ahaan kayimid dalka maraykanka waxaa isna daba jooga ciidanka Amniyaatka iyadoo dhowr jeer oo horana weeraray dhaawacna ugeystay, hadda hawdka ayuu kujiraa waxaana usii dheer lacagta la dul dhigay.
Guntii iyo gabagadii maqaalkaygan waxaan jeclaystay inaan kusoo gabagabeeyo dhowr qodob oo aad muhiim ugu ah qof kasta oo damac kaga jiro inuu wax hogaamiyo.
Waxaan intaa kusoo koobayaa maqaalkaygii, wixii aan khalday olama qasdin wixii aan saxaynay ilaahay haku anfaco umadda hana dhigo kuwa taariikhda wax ka barta.
05/07/2013……

- Diintii la sheeganayey in loo dagaalamayo oo qaar badan oo kamid ahaa madaxdii maxaakiimtii Islaamiga ahaa aan daacad ka ahayn.
- Qabyaaladda oo heerkii ugu sareysay ka gaartay qaab dhismeedka maxaakiimta iyadoo wax loogu qeybin jiray beelihii kujiray ururka sida look ala tun weyn yahay.
- Weeraro ay ku qaadeen gobolo ka fog fogaa Muqdisho iyagoo ku dagaalamay meeli aan ku haboonayn in dagaal lagu galo.
Ururka Shabaab waxaa markii hore uu kamid ahaa kuna hoos jiray Maxaakiimtii Islaamiga ahaa, hayeeshee jabkii maxaakiimta waxaa uu gaar ola baxay ciidamadiisii ugaarka ahaa iyagoona markaa iclaamiyey inay dagaal kala hortagi doonaan dowladii cusbayd ee uu madaxda ka ahaa Shiikh Shariif.
Dadaalo badan oo ay sameeyeen dad isugu jiray culumo, waxgarad, Cuqaal iyo Aqoonyahan kale waxaa marna lagu baajin waayey dagaalkii ay iclaamiyeen Shabaab, waxayna soomaalidu tiraahdo haddii malag dhawaaqayo miidaani dhago maleh, Shabaab dad badan inay laayaan iyana laga laayo baa qornayd cid baajin kartana majirin waana tan keentay in mar kale Muqdisho ku noqoto colaadihii lagu yaqiin. Shabaab waxaa ay muddo ka dagaalamayeen gudaha magaalada Muqdisho, iyagoo geysanayey qaraxyo inta badan ku waxyeeloobaan dad Shacab ah iyo weeraro toos ah oo ay la beegsanayeen ciidamada dowladda iyo kuwa midowga Africa ee AMISOM. Dagaalo ay muddo wadeen kadib waxay iskaga baxeen magaaladii Muqdisho iyagoo arrintaasna ku tilmaamay xeelad dagaal, waxayna dib ugu gurteen goboladii kale ee ay maamulayeen.
Intaa kadib Ururka Shabaab waxaa uu qaaday tallaabo kasta oo uu ku dumi karay haday ahaan lahayd hab dhaqanka bulshada ay maamulayaan iyo cadaadiska uu ku hayey ninka ugu sareeya ururkan madaxda inteeda kale illaa qaar kamid ah iskaga tageen oo ugaleen maamul gobleedyada qaarkood.
Dilka, handadaada iyo cago juglaynta loo geysanayey shacab muslimiin ah oo aan waxba galabsan waa asbaabihii ugu waaweynaa ee la oran karay wa uu ku fashilmay ururkan.Waxaa la ogsoon yahay in diinta islaamku tahay diin aan culays ku dhisnayn lana amray dadka haysta inay wax walba sahlaan oo fududeeyaan si loogu arko diintan mid dadku jeclaystaan oo aan laga cararin.
Ninka ugu sareeya ururka Shabaab Axmed Godane oo ah nin aad u ad adag ayaa dad badan aaminsan yihiin inuu sabab uyahay burburka ururkan inakastoo wali ay jiraan dad taageersan gaar ahaan ciidamada ugaarka ah ee Amniyaatka.
Dhawaan waxaa la dilay ninkii ay aadka isugu dhawaayeen amiirka ee Ibraahim Xaaji Miicaad loona yaqaanay Abuubakar Al Zaylici iyo Macalin Burhaan oo isna xil sare ka hayey ururka Shabaab, sida lasheegay labadaba waxaa dilay ciidan ugaar ah Axmed Godane, isagoo ku eedeeyey inuu kala qeybin kuwadaan gudaha ururka.
Shiikh Xasan Daahir isna waxaa uu hadda kuiraa gacanta dowladda waxaana lafihiisa uu kala soo cararay ururka kadib markii uu ka hadlay in sida wax loo wado qaarkeed ay khaldan yihiin, lama saadaalin karo halka ay xaaladiisu ku danbayn doonto iyadoo laga war dhowrayo go’aanka ay dowladda Xasan Shiikh ka qaadato shiikha.
Waxaa isna xusid mudan Ninka layiraaahdo AL Amriiki oo jinsiyada ahaan kayimid dalka maraykanka waxaa isna daba jooga ciidanka Amniyaatka iyadoo dhowr jeer oo horana weeraray dhaawacna ugeystay, hadda hawdka ayuu kujiraa waxaana usii dheer lacagta la dul dhigay.
Guntii iyo gabagadii maqaalkaygan waxaan jeclaystay inaan kusoo gabagabeeyo dhowr qodob oo aad muhiim ugu ah qof kasta oo damac kaga jiro inuu wax hogaamiyo.
- Ku dadaal cadaaladda haba ahaado qofka ad garta uqaadayso qofka kaaga dhow dadka intiiisa kale.
- Ha deg deign waligaa lana tasho dadka kuugu dhow ee howsha kula wada gaar ahaan kuwa aad kheyrka ku tuhmayso
- Ka fiirso go’aanada aad qaadanayso gaar ahaan kuwa aad ku amrayso in wax ladilo.
- U naxariiso ummadda aad hogaanka uqabato oo ha noqon naxariis laawe.
- Ha isku adkayn xilka aad hayso haddii ay noqoto inaad meesha banayso umaddduna ku badbaadayso oo xeeri danta guud adiga oo aan fiirinayn danahaaga gaarka ah.
Waxaan intaa kusoo koobayaa maqaalkaygii, wixii aan khalday olama qasdin wixii aan saxaynay ilaahay haku anfaco umadda hana dhigo kuwa taariikhda wax ka barta.
05/07/2013……
Comments
Post a Comment