DABAQYO DHEER DHEER OO DHIIQO HOOS TAAL... W/Q: SACIID FAARAX

Intii aana Kenya imaan waxaan Tv-yada soomaalida ka arki jiray dabaqyo aad udheer dheer oo wada muraayada ah kuwaas oo xayeysiin loogu samaynayo Tv-yadaas. Waxaan is oran jiray Islii hadayba dabaqyadaas ka dhisan yihiin malaha quruxi cidna kulama tartamayso, war baase ka danbeeyey. Markii aan si toos ah indhahaygu u arkeen daaro badan oo aan warbaahinta iyo Tv-yada ka arki jiray, waxaa ii baxay muuqaal kii hore ka duwan, waxaana ay indhahaygu qabteen dac darooyin badan oo ka muuqda hareeraha daarihii dheer dheeraa. Waxaa dac darooyinkaas kamida dhiiqada fara badan ee taalla hoosta iyo hareeraha dhismayaasha qurxoon ee Soomaalidu ku leedahay xaafadda Islii.Wadooyinka soo gala daarahaas ayaa iyana aad cariiri u ah iyadoo ay adag tahay in qofka gaariga wataa uu helo meel uu dhigto baabuurkiisa.
 guud ahaan xaafadda Islii nadaafadeed  aad bay uhoosaysaa, hadana meelaha soomaalidu ka dagan tahay waa kuwa ugu sii daran. Dhibaatada nadaafad xumo ee ka jirta xafaddan ayaan oran karaa dhowr arrimood ayaa sabab u ah:
Tan koobaad: isku xirnaan la'aanta Soomaalida dhexdeeda ka jirta, iyadoo qof walba nolol maalmeedka ceyriyo aysana jirin cid iskaga timaada danta guud ee la wadaago.
Tan Labaad: Ganacsatada soomaalida oo aad mooddo inaysan fahansanyn faa'idada nadaafaddu uleedahay ganacsigooda, taasaana keentay inaad Islii ku aragto ganacsi faa;idada uu samaynayaa aad utira badan tahay laakiin waxa hareeraha ka yaalla aad ka naxayso.
Tan Saddexaad: La xisaabtan la'aanta dowladda hoose ee magaalada taas oo qaabilsan nadaafadda meel walba oo ka tirsan magaalada. Canshuurta ugu badan ayaa xaafadda Islii kasoo xaroota, iyadoo haddii la dareensiin lahaa dowladda hoose arrintaas aan is leeyahay waxbadan bay ka badeli lahayd qaabka ay ola dhaqanto xaafadda Islii.

Haddaan soo koobo, soomaalidu waxaa dadyowga kale ku xantaan inay yihiin dad aan dhiiri gelin  nadaafadda meelaha Mujtamaca ka dhaxeeeya sida waddooyinka, garoomada aan gaarka loo lahayn iyo meelaha kale ee bulshadu wada leedahay. Fahankaas  markaad si hoose usii fiiriso, waxaad mooddaa inuu runta waafaqsan yahay. Bal adba soo fiiri meelaha mujtamaca ka dhaxeeya ee wadankeenii hooyo, iska daa in laga qaado qashine waxaad mararka qaar arkaysaa in lagu soo daabulayo oo laga dhigayo meelaha qashinka lagu aruuriyo.

Gunaanadka waxaan ku talin lahaa in qof walba ka shaqeeyo nadaafadda guud ee wadanka uu joogo, haddaad wadankii hooyo joogtana xil gaar ah baa kusii saaran haddaad mid kale joogtaana ha wasakahyn xayndaabka kugu xeeran ee ilaali nadaafadiisa si aad oga badbaado cudurada ka dhasha nadaafad xumada deegaanka.

DHAMMAAD

Comments