DHACDADA MASAR WAXAY CASHAR UTAHAY ISLAAMIYIINTA ADDUUNKA…

Allaah baa mahad oo dhan leh nagu manaystay nimcooyin aan la tirin Karin.
Marka xigta dadka muslimka ah Allaah waxaa uu amray inay cadaw ka dhigtaan wixii uu cadaw ku sheegay, sidoo kalana saaxiib ka dhigtaan ciddii uu saaxiib inay yihiin ku tilmaamay.
Intaas kadib dhacdada masar ee si rasmi ah loogu afgambiyey madaxwayne Mursi waxay fariin udiraysaa dhammaan Islaamiyiinta caalamka ku nool, iyadoo fariintaasna ay tahay in Reer Galbeed iyo Cilmaaniyiinta la socota aysan marnaba raali ka ahayn dowlad ay soo doorteen shacabka wadamada muslimiinta laakiin ay raali ka yihiin oo kaliya ciddii ay iyagu markaa u arkaan inay si uun oga haleen oo siyaasadooda la dhacaan.
Reer galbeedku waxay islaamiyiinta kazoo horjeedda siyaasadooda ugu yeeraan inaysan xoog wax ku raadin ee ay yimaadaan sanduuqyada doorashada laakiin dhacdooyinka ay kamidka tahay tan hadda masar ka dhcday waxay ku tusinaysaa in nooca dimuquraadiyadda ee ay rabaan wadamada galbeedku ay tahay mid ay danahooda ku gaarayaan.
Wadamada Aljeeriya iyo Falastiin waxaa hadda kahor ka dhacay doorooshooyin ay kusoo baxeen kooxo Islaamiyiin kuna guuleysteen codadkkii sanaadiiqda laakiin arrintaa waa udhadhami wayday wadamada awoodda dunida sheegtay ee galbeedka waxayna si rasmi ah oga soo horjeesteen guushooda ugu danbayntiina waa ay ka tuureen xukunkii.
Hadaba taladayda dhammaan koox walba oo unasab sheeganaysa diinta Islaamka waa inaysan mar danbe wax ku raadin codadka lagu ridayo sanaadiiqda ee ay isticmaalaan xooggooda iyo halka tabar dhigto kuna qabsadaan cududooda iyo kartidooda, marka ay hantiyaan awoodda goobahaas ay ka talinayaana waa inay ku dadaalaan cadaaladda iyo ku xukunka ummadda Kitaabka Alle kana fogaadaan dastuurada gaaleed ee ay qoren bani Aadamku.

Comments