Tan iyo bur burkii ka dhacay wadanka Soomaaliya, waxaa
dadkii soomaaliyeed ee walaalaha ahaa kala gaaray iskuna gaysteen laf
ahaantoodu dhibaatooyin aan qoraal, af iyo ka hadal midna lagu soo koobi Karin.
Waxaase intaas ka sii daran ummadaha caalamka marka ay dhib
sidan oo kale ah ku habsato, waxay ka qaataan cashar ay ku cibra qaataan oo ay
qalbiyadooda kasoo saaraan marka ay dhacdo tii lamid ah soo marto una xaliya
sidii tii kahoraysay loo xaliyey, hayeeshee soomaalida ayaa dadkaas aad oga
duwan oo waxay inta badan sii hayaan tubtii ay ku halaagsameen kuwii iyaga ka
horeeyey.
Qabyaaladda, eexda iyo nin jeclaysiga waa qodobada ugu waa weyn ee soomaali Muxamed ku
baaba’day, waxaana shaki ku jirin in kuwaas aan soo sheegnay hadii xal laga
gaari lahaa oo banana laga wada mari lahaa in Ummadda soomaaliyeed aysan
joogteen halka ay maanta taagan tahay.
Hadaba akhristayaal qormadan aan ugu magac daray Gocosho iyo
gar naqsi waxaan kaga hadli doonaa dhowr waxyaabood oo ummadda soomaaliyeed
ragaadiyey waxaana kudhex sheegi doonaa
qeyb walba xalkeeda aniga oo meelo badan
ka eegi doona hadii Alle ogolaado.
QABYAALADDA
Qabyaaladu ama waxa luuqadda carabiga lagu yiraahdo
CASABIYAD ama QABALIYAH waa inaad qabiilkaaga ama reer tolkaa ku raacdo sax iyo
khalad intaba. Waxaa jira dad badan oo
isku khalda labada eray ee qabiil iyo qabyaalada ayaga oo macnayaashooda kala
saari waayey. Sidaas darteed kor waxaan
kusoo xusnay macnaha erayga qabyaalad,
hadana aan sii raacino micnaha ereyga qabiil.
Qabiilku waa asalka qofka bani aadamka ahi uu kasoo jeedo
kaas oo uu abtarsiimo ahaan ugalo.Alle waxaa uu quraanka ku leeyahay : “ Dadaw
waxaan idin ka abuurnay lab iyo iyo dhadig, waxaana idin ka yeelnay shucuub iyo
qabaa’ilo si aad isugu garataan” XUJURAAT, AAYADDA 13aad. Alle waxaa uu noogu
sheegay sababta uu qabiilo nooga yeelay tahay inaan isku aqoonsano ee maaha inaan isku layno oo
aan isku kal takoorno anaga oo qaar naga mid ah ku yasayna.
Taas macnaheeda maaha
in hadii qabiilkaaga aad ku taageerto wixii wanaag ah aad tahay qof qabali ah
oo cunsuriyadda qabyaaladdu ku fogaatay laakiin
xaqiiqdu sidaasi waa ay kabadalan tahay oo in wanaaga lays ku taageero waa arrin wanaagsan
diinta islaamkuna ummadda fartay. Hadaba waa in qofku kala saaraa labadaas eray
ee kala micnaha duwan.
Intaas kadib waxaan qof soomaali ah looga waramayn dhibka
qabyaaladu soomaaliya ugaysatay haday ahaan lahayd dhan waddan iyo dhan nafeed
intaba. Waxaa intaas sii dheer barakacii baahsanaa ee uu sababay markii labo
dad isku xigtay is dooxday
Soomaalidu intooda badan waa og yihiin dhibaatooyinka
qabyaaladdu leedahay hasa ahaatee waa yar tahay inta ku cibra qaadata oo ka
waantooda. Dadkii caqliga lahaa ee soomaaliyeed gaar ahaan abwanada ummadda wax
ku tusa qaab suugaaneedkooda aad ayey oga digi jireen cirib xumida
qabyaalaqdda, waxaana gabayada aadka looga xasuusto kamida gabaygii Dugsi maleh
qabyaaladi ee Alle ha unaxariistee Abwaan Cabdulaahi Suldaan Tima Cadde oo aan
halkan dhowr tuduc oo kamida idin kaga soo gudbinayno:
Ubadkiinii
waad daadiseen, waana dubateene
Dubaaxdiisii waad wada cunteen, duhur dharaareede
Dariiq toosan Soomaaliyey, waa lagaa dedaye
Darajada Ilaahay ninkii, doonayaa hela e
Nin ka duday distoorkiyo waxyiga, diinti ka carrowye
Dugsi maleh qabyaaladi waxay, dumiso mooyaane
Dubaaxdiisii waad wada cunteen, duhur dharaareede
Dariiq toosan Soomaaliyey, waa lagaa dedaye
Darajada Ilaahay ninkii, doonayaa hela e
Nin ka duday distoorkiyo waxyiga, diinti ka carrowye
Dugsi maleh qabyaaladi waxay, dumiso mooyaane
Hadaynaan
xumaanta iyo dilkiyo, daynin kala qaadka
Dibaddaan ka joognaa sharciga, daa'in keenaye
Danbarkeedu waa Jahannamiyo dogobkii naareede
Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
Dibaddaan ka joognaa sharciga, daa'in keenaye
Danbarkeedu waa Jahannamiyo dogobkii naareede
Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
Dir
dir la isu laayiyo intaan, weerar daba joogno
Ooy dumarku weerkii sitaan, danabadii waayey
Uu sida dureemada u yaal, meydku dibaddiinna
Wallee doogsan maysaan haddaad, dunida joogtaane
Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane.
Ooy dumarku weerkii sitaan, danabadii waayey
Uu sida dureemada u yaal, meydku dibaddiinna
Wallee doogsan maysaan haddaad, dunida joogtaane
Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane.
Abwaan
Tima cadde waxaa uu gabaygaas ku muujiyey inaysan qabyaaladu haba yaraatee wax
faa’ido ah aysan lahayn isagoona intaas ku daray inay kaliya wax dhisan dumiso
qabyaaladu.
Qisooyinka
gocoshada iyo naxdinta leh ee ay sababtay qabyaaladdu waa kuwa uu ka xumaanayo
qof walba oo muslinio iyo soomaalinimo ku jirto, waxaanse jeclahay inaan idin
lawadaago qiso kamid ah qisooyinkii iigu naxdinta badnaa ee ay sababtay isla
waynida qabyaaladdu madaxda u tahay, waxaana qisadan iiga sheekeeyey qof aan
aad ugu kalsoonahay oo goob jog ka ahaa waana tan:
Maalin
maalmaha kamida ayaa waxaa gurigiisa kasoo qaraab tagay nin kamid ah qabaa’ilada
soomaalidu utaqaan jareerta ee ku xoogsada xoogooda isagoo waliba soomman,
waxaana uu guriga oga soo tagay Afar carruur ah iyo hooyadood oo Mid shanaad
dhawaan umushay, waxaana uu islahaa aad wixii ilaahay kaasoo siiyo maalintaas
ukeentid, hayeeshee nasiib darro qadar uusan filayn baa ku habsatay oo isaga oo
xilli qorrax gaabad ah gurigii uu saaka ka qaraab tagay uoo socda baa habaar
qabe hawada kasoo dhacay kahor yimid isaga oo ku amray inuu keeno lacagtii uu
manta usoo dhididay, waxaana uu ugu jawaab celiyey inuu siinayo lacagtii uu soo
shaqaystay barkeed isagoona waliba wixii uu markaas watay jeebka kasoo saaray
si uu malaha ugu qanciyo, kadib maxaa dhacay, habaar qabihii qabwaynida
qabyaaladdu niyaddiisa buuxisay waxaa uu ugu jawaabay, ma anaad lacagta qaar
iga reebanaysaa oo waabada iyasaysaa waxaana uu kuxijiyey rasaas uu ku furay oo
meelo khatar ah ka haleeshay halkaasna ku naf baxay miskiinkii la dulmiyey ee
saaka usoo quud raadiyey dadkii aan soo shegnay. Intaas kadib waxaa meydkii laga
qaaday meeshii, waxaana loo geeyey reerkii uu saaka kasoo kalahay ayagoo sugaya
in odaygu quutul yoomkii keeno balse la horkeenay indho xumo aysan filayn. Arrintaasi
masaajid meesha ka dhawaa baa markiiba laga sheegay iyadoo dadkii kusugnaa oo
idil oohin wada qabsadeen, iyadoo wax la sameeyo lagaran waayey hasayeeshee war
meydka ina ka aasa lagu wada gaabsaday.
Waxaa
laga yaabaa habaar qabahaas gabood falka intaa leeg sameeyey maanta si nabad galyo
ah oo uusan cidna kabaqayn inuu u nool yahay wax caddaalad hor keenana aysan
jirin, balse Alle aysan indhihiisu seexan baa og dulmigaas waana ka abaal marin
doonaa gooray ahaataba.
Danbi
baa la galay
Daa’in
baa la caasiyey
Darajaa
la siiyey
Cidaana
daw ulahayn
Daqarada
sokeeyahana
Qaar
baa dan mooday
Maansadan waxaa qoray Qoraaga Maqaalkan
Gun
iyo gabagabdii, xumaanta qabyaaladda waan soo aragnay intii aan burburka
kujirnay ee dhowr iyo labaatanka sano ahayd, waxaana moodda inaanaan wali
kuwaana qaadan waxaanse Alle ka baryaynaa inuu na tusiyo qubxiga iyo xumaanta
ay leedahay qabyaaladda. Qof walba waa inuu dib isugu noqdaa oo naftiisa la
garnaqsadaa kana fogaada dulmiyada dad badan oo naga mid ah samaynayaan haddii
uu wax ka qaban karana gacmaha ka qabtaa kuwa ummadda muslimka ah dulmiga
ugaysanaya.
DHAMAAD
Comments
Post a Comment