GOCASHO IYO GAR NAQSI... Qeybta 1aad

Tan iyo bur burkii ka dhacay wadanka Soomaaliya, waxaa dadkii soomaaliyeed ee walaalaha ahaa kala gaaray iskuna gaysteen laf ahaantoodu dhibaatooyin aan qoraal, af iyo ka hadal midna lagu soo koobi Karin.
Waxaase intaas ka sii daran ummadaha caalamka marka ay dhib sidan oo kale ah ku habsato, waxay ka qaataan cashar ay ku cibra qaataan oo ay qalbiyadooda kasoo saaraan marka ay dhacdo tii lamid ah soo marto una xaliya sidii tii kahoraysay loo xaliyey, hayeeshee soomaalida ayaa dadkaas aad oga duwan oo waxay inta badan sii hayaan tubtii ay ku halaagsameen kuwii iyaga ka horeeyey.
Qabyaaladda, eexda iyo nin jeclaysiga waa qodobada  ugu waa weyn ee soomaali Muxamed ku baaba’day, waxaana shaki ku jirin in kuwaas aan soo sheegnay hadii xal laga gaari lahaa oo banana laga wada mari lahaa in Ummadda soomaaliyeed aysan joogteen halka ay maanta  taagan tahay.
Hadaba akhristayaal qormadan aan ugu magac daray Gocosho iyo gar naqsi waxaan kaga hadli doonaa dhowr waxyaabood oo ummadda soomaaliyeed ragaadiyey waxaana  kudhex sheegi doonaa qeyb walba  xalkeeda aniga oo meelo badan ka eegi doona hadii Alle ogolaado.

QABYAALADDA
Qabyaaladu ama waxa luuqadda carabiga lagu yiraahdo CASABIYAD ama QABALIYAH waa inaad qabiilkaaga ama reer tolkaa ku raacdo sax iyo khalad intaba.  Waxaa jira dad badan oo isku khalda labada eray ee qabiil iyo qabyaalada ayaga oo macnayaashooda kala saari waayey. Sidaas darteed  kor waxaan kusoo xusnay  macnaha erayga qabyaalad, hadana aan sii raacino micnaha ereyga qabiil.
Qabiilku waa asalka qofka bani aadamka ahi uu kasoo jeedo kaas oo uu abtarsiimo ahaan ugalo.Alle waxaa uu quraanka ku leeyahay : “ Dadaw waxaan idin ka abuurnay lab iyo iyo dhadig, waxaana idin ka yeelnay shucuub iyo qabaa’ilo si aad isugu garataan” XUJURAAT, AAYADDA 13aad. Alle waxaa uu noogu sheegay sababta uu qabiilo nooga yeelay tahay inaan  isku aqoonsano ee maaha inaan isku layno oo aan isku kal takoorno anaga oo qaar naga mid ah ku yasayna.
 Taas macnaheeda maaha in hadii qabiilkaaga aad ku taageerto wixii wanaag ah aad tahay qof qabali ah oo cunsuriyadda qabyaaladdu ku fogaatay laakiin  xaqiiqdu sidaasi waa ay kabadalan tahay oo in  wanaaga lays ku taageero waa arrin wanaagsan diinta islaamkuna ummadda fartay. Hadaba waa in qofku kala saaraa labadaas eray ee kala micnaha duwan.
Intaas kadib waxaan qof soomaali ah looga waramayn dhibka qabyaaladu soomaaliya ugaysatay haday ahaan lahayd dhan waddan iyo dhan nafeed intaba. Waxaa intaas sii dheer barakacii baahsanaa ee uu sababay markii labo dad isku xigtay is dooxday
Soomaalidu intooda badan waa og yihiin dhibaatooyinka qabyaaladdu leedahay hasa ahaatee waa yar tahay inta ku cibra qaadata oo ka waantooda. Dadkii caqliga lahaa ee soomaaliyeed gaar ahaan abwanada ummadda wax ku tusa qaab suugaaneedkooda aad ayey oga digi jireen cirib xumida qabyaalaqdda, waxaana gabayada aadka looga xasuusto kamida gabaygii Dugsi maleh qabyaaladi ee Alle ha unaxariistee Abwaan Cabdulaahi Suldaan Tima Cadde oo aan halkan dhowr tuduc oo kamida idin kaga soo gudbinayno:

Ubadkiinii waad daadiseen, waana dubateene
Dubaaxdiisii waad wada cunteen, duhur dharaareede
Dariiq toosan Soomaaliyey, waa lagaa dedaye
Darajada Ilaahay ninkii, doonayaa hela e
Nin ka duday distoorkiyo waxyiga, diinti ka carrowye
Dugsi maleh qabyaaladi waxay, dumiso mooyaane
Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo, daynin kala qaadka
Dibaddaan ka joognaa sharciga, daa'in keenaye
Danbarkeedu waa Jahannamiyo dogobkii naareede
Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
Dir dir la isu laayiyo intaan, weerar daba joogno
Ooy dumarku weerkii sitaan, danabadii waayey
Uu sida dureemada u yaal, meydku dibaddiinna
Wallee doogsan maysaan haddaad, dunida joogtaane
Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane.

Abwaan Tima cadde waxaa uu gabaygaas ku muujiyey inaysan qabyaaladu haba yaraatee wax faa’ido ah aysan lahayn isagoona intaas ku daray inay kaliya wax dhisan dumiso qabyaaladu.
Qisooyinka gocoshada iyo naxdinta leh ee ay sababtay qabyaaladdu waa kuwa uu ka xumaanayo qof walba oo muslinio iyo soomaalinimo ku jirto, waxaanse jeclahay inaan idin lawadaago qiso kamid ah qisooyinkii iigu naxdinta badnaa ee ay sababtay isla waynida qabyaaladdu madaxda u tahay, waxaana qisadan iiga sheekeeyey qof aan aad ugu kalsoonahay oo goob jog ka ahaa waana tan:
Maalin maalmaha kamida ayaa waxaa gurigiisa kasoo qaraab tagay nin kamid ah qabaa’ilada soomaalidu utaqaan jareerta ee ku xoogsada xoogooda isagoo waliba soomman, waxaana uu guriga oga soo tagay Afar carruur ah iyo hooyadood oo Mid shanaad dhawaan umushay, waxaana uu islahaa aad wixii ilaahay kaasoo siiyo maalintaas ukeentid, hayeeshee nasiib darro qadar uusan filayn baa ku habsatay oo isaga oo xilli qorrax gaabad ah gurigii uu saaka ka qaraab tagay uoo socda baa habaar qabe hawada kasoo dhacay kahor yimid isaga oo ku amray inuu keeno lacagtii uu manta usoo dhididay, waxaana uu ugu jawaab celiyey inuu siinayo lacagtii uu soo shaqaystay barkeed isagoona waliba wixii uu markaas watay jeebka kasoo saaray si uu malaha ugu qanciyo, kadib maxaa dhacay, habaar qabihii qabwaynida qabyaaladdu niyaddiisa buuxisay waxaa uu ugu jawaabay, ma anaad lacagta qaar iga reebanaysaa oo waabada iyasaysaa  waxaana uu kuxijiyey rasaas uu ku furay oo meelo khatar ah ka haleeshay halkaasna ku naf baxay miskiinkii la dulmiyey ee saaka usoo quud raadiyey dadkii aan soo shegnay. Intaas kadib waxaa meydkii laga qaaday meeshii, waxaana loo geeyey reerkii uu saaka kasoo kalahay ayagoo sugaya in odaygu quutul yoomkii keeno balse la horkeenay indho xumo aysan filayn. Arrintaasi masaajid meesha ka dhawaa baa markiiba laga sheegay iyadoo dadkii kusugnaa oo idil oohin wada qabsadeen, iyadoo wax la sameeyo lagaran waayey hasayeeshee war meydka ina ka aasa lagu wada gaabsaday.
Waxaa laga yaabaa habaar qabahaas gabood falka intaa leeg sameeyey maanta si nabad galyo ah oo uusan cidna kabaqayn inuu u nool yahay wax caddaalad hor keenana aysan jirin, balse Alle aysan indhihiisu seexan baa og dulmigaas waana ka abaal marin doonaa gooray ahaataba.

Danbi baa la galay
Daa’in baa la caasiyey
Darajaa la siiyey
Cidaana daw ulahayn
Daqarada sokeeyahana
Qaar baa dan mooday
                                     Maansadan waxaa qoray Qoraaga Maqaalkan

Gun iyo gabagabdii, xumaanta qabyaaladda waan soo aragnay intii aan burburka kujirnay ee dhowr iyo labaatanka sano ahayd, waxaana moodda inaanaan wali kuwaana qaadan waxaanse Alle ka baryaynaa inuu na tusiyo qubxiga iyo xumaanta ay leedahay qabyaaladda. Qof walba waa inuu dib isugu noqdaa oo naftiisa la garnaqsadaa kana fogaada dulmiyada dad badan oo naga mid ah samaynayaan haddii uu wax ka qaban karana gacmaha ka qabtaa kuwa ummadda muslimka ah dulmiga ugaysanaya.
                                                                                             
   DHAMAAD

Comments