Gocosho Iyo Garnaqsi... Qeybta 3aad

HANTI BOOB

Tan iyo burburkii dowladdi dhexe ee milatariga ahayd,waxaa dhacay boobkii hantiyeed ee ugu darnaa walow dadku kala badsaday. Bililiqaysiga hantida maguurtada ah ayaa tartanka ugu xooganaa loo galay, iyadoo qofba tabartii meel gaarsiisay. Waxyaabaha ugu badan ee la dhacay ayaa ahaa hantidii ummadda soomaaliyeed ka dhaxaysay haday ahaan lahayd xagga dhaqaalaha iyo guryihii ardada soomaaliyeed wax lagu bari jiray.
Dadka soomaaliyeed waa og yihiin badankood in xoolaha ummadda ka dhaxeeya aysan cidna si gaar ah ugu bannaanayn, hayeeshee turunturada iblays iyo ku qancintiisii xeeladaysnayd ayaa dagtay ummad badan oo dib u fakari lahayd.
Qisooyinka gocashada iyo naxdinta leh ee hanti boobkii dhacay waa wax in laqoro kaweyn oo ubaahan garnaqsi gaar ahaaneed, anigoo is leh xal ayaa laga gaari karaa haddii si caddaalad ah loo gar naqsado.
Waxaa intaas sii dheer, xoolihii bulsho waynta soomaaliyeed dhaqanayeen oo markii la waayey cid si gooni ah xil iskaga saarta uu ninba siduu doono kayeelay. Kuwii iibgeeyey dhadiggii mamnuuca ahaa iib gayntiisa waa kuwa ugu daran ee la oran karo waxay qeyb lixaad leh ka qaateen qiima ridka xoolihii ummadda soomaaliyeed. Mawaysan ku fakarin in marka ay dhoofiyaan xoolaha dhaddig laga maarmi doono in mar kale wax gadasho loo soo raadsado, waana ay dhacday oo marmarsiinyo ayaa looga dhigtay xoolihiinu waa ay jirran yihiin oo sanado badan ma rabno.
Waxaa taas ka sii daran kuwa calooshood u shaqaystayaal ah oo dhoofiya nacfina karaadiya dhoofinta ugaarka wadanka, ayaamihii danbana waxaa la arkay diyaarado aan cidna oga haybaysanayn ee iyagu si toos ah u qaadanaya ugaartii wadankeena qaniga ku ahaa inleen macaankeeda baa labaray oo la dhadhansiiyee, Ilaah baa umaqan ummadda soomaaliyeed.
Guntii iyo gaba gabadii maqaalkaygan, waxaan leeyahay dhammaan ummadda soomaaliyeed dib aan isugu noqono wixii naga khaldamay aan saxno, qof walbana dib ha ugarnaqsado, hadduu qof uu dulmiyeyna cafis haka dalbo haduu xoolo ka qaatayna ha u celiyo ama inuu u cafiyo ha ka dalbo inta goori goor tahay, maxaa yeelay aakhiro xoolo lagaa siin mayo ee ajarkaaga qeyb kamida baa la siin doonaa, Allana waxaan kabaryaa inuu tubta toosan nagu duwo kuweena lunsanna soo hanuuniyo…Aamiin
 
Dhammaad

Comments