Qeybteenii hore ee maqaalkan waxaan kaga soo hadalnay qodobkii
qabyaaladda iyo hordhacii ka horeeyey anagaoo kana oga hadli doona
qodobka xukun jaceylka oo ah mid ay ummad badan oo soomaaliyeed ku
halaagsantay.
XUKUN JACEYL
Dadka soomaaliyeed waxaa lagu tilmaamaa inay yihiin ummad wada jecel inay wax xukumaan, laakiin waxaan shaki kujirin in wax badan oo naga khaldamay ay sabab u ahaayeen xukun raadis khaldan oo aan loo marin wajigii haboonaaa.
Dadka xilka jecel waxaa dadka qaar sheegaan inay intooda badan inay yihiin dadka baadiyaha ka yimaada gaar ahaan dadka geela dhaqda oo nafsiyan jecel inay taliyaan, waxaana arrintaas ii sheegay dhowr qof oo wax garad ah.
Diinta Islaamku aad ayey oga digtay in xukun qabasho la raadiyo oo waxaa jira xadiis oranaya “qofkii xil isagu raadsada oo doonaa Alle waa uu isku daynaya asaga iyo xilka uu qabtay, qofkii isaga oo aan doonin xil sidaa ku helana Alle waa la garab galayaa”. Sidaas darteed dad badan oo soomaaliyeed waa ay ku khaldameen habka iyo qaabka ay rabaan inay xukun ku helaan iyaga oo inta ay xukun raadinayeen ku dhacay danbiyo waa weyn haba ugu darnaato dhiigga dadka muslimka ah oo la daadiyo.
Hadaba qof walba oo soomaali ah waa inuu ka cararaa xukunkaas qaabka daran ee sida khaldan loo raadinayo lagana tanaasulaa wax walba oo dadka muslimka ah ee soomaaliyeed dhib ukeeni kara, niyadana waa inaad ku haysaa inuusan qof soomaaliyeed oo muslim adi dartaa dhib usoo gaarin si aad aakhiro oga badbaadid ciqaabta Alle.
DHAMMAAD

Comments
Post a Comment