Dalka Masar oo leh taariikh soo jireen ah ayaa mar xuddun u ahaa dowlado waaweyn oo islaamiya, iyadoo wixii ka danbeeyey burburkii khilaafadii cismaaniyiintana ay hardan culus ugaleen wadamada reer galbeedku sidii ay uqbsan lahaayeen ama ugu yaraan ay kasocoto siyaasadoodu oo ay majaraha uqabtaan kuwa iyaga hoostaga.
Dadka muslimka ah ee ku dhaqan Masar waxay kadaaleen caada
qaatayaal buuxiya kaliya calooshooda kana dharjiya qoysaskooda hantida shacabka,
iyadoo intaas jirto ayey mar qura shacabka masaaridu sanad kahor ka
takhaluseen Calooshii ushaqayste Xusni
Mubaarak iyagoo markaa doortay Madaxwayne Mursi oo ahaa nin Rayid ah wax badana
kala socda xaaladda dalka iyo waxa ay kusugan yihiin.
Ururka Ikhwaanul Muslimiin oo halgan culus usoo galay sidii
mar qura uu oga bixi lahaa cadaadisak ay saareen madawaynayaashii soo maray
wadanka Masaaarida ayaa mar qura oodda soo jabsaday iyadoo ol ole xooggan
ugalay siday kuhanan lahaayeen awoodda wadanka, waxaana la doortay mid kamid ah
madaxdii ururka oo ahaa Maxamed Mursi isagoo ka guuleystay Axmed Shafiq oo
utartamayey qolada cilmaaniyiinta ee tartanka xooggan ka dhaxeeyo Ikhwaanka.
Ururka Ikhwaanul Muslimiin oo leh mabaadii iyo sharciyo ay isku hagaan una sii dheer tahay ahdaaf ay rabaan inay xaqiijiyaan ayaa soo maray kana soo gudbay caqabado adag oo soo wajahay tan iyo markii uu bilaabay halgankiisa. Dilal iyo xarig joogto ah ayey usoo sabreen Ikhwaanku iyagoo xilligaasna uu wadanka ka talin jiray nidaamyo aad dadka ucadaadiya.
Waxyaabaha muhiimka ah waxaa kamid ah ee Ikhwaanku dadka kusoo jiiteen ayaa ah xagga diinta, waxaana dadka Masaaridu dhibsadeen madaxda aan xiriirka waangsan la lahayn ilaahoodii abuuray, waana taas ayaa la oran karaa midda keentay in dad badan u iishaan aadna utaageeraan wadaadada Ikhwaanka.
Waxyaabaha muhiimka ah waxaa kamid ah ee Ikhwaanku dadka kusoo jiiteen ayaa ah xagga diinta, waxaana dadka Masaaridu dhibsadeen madaxda aan xiriirka waangsan la lahayn ilaahoodii abuuray, waana taas ayaa la oran karaa midda keentay in dad badan u iishaan aadna utaageeraan wadaadada Ikhwaanka.
Maxamed Mursi ayey dad badan amaaneen markii loo doortay
xilka madaxtinimo iyadoo waxyaabihii uu sameeyeyna laga xusi karo inuu gebi
ahaanba diiday in sawiradiisa lagu dhajiyo darbiyada, waxaa iyana xusid mudan
in Mursi uu sidoo kale diiday in la xiro jidka uu marayo marka uu kusocdaalayo
wadooyinka qaarkood.
Madaxwayne Mursi oo ah nin aqoonyahan ah ayaa tan iyo hanashadii xukunka Masar dad badan dhaliilo usoo jeedinayeen, iyadoo dhaliilahaas ay kamid yihiin inuu awooddii wadanka ku koobay ururkiisa oo qura halka asxaabta kalana uusan wax awood qaybsi ah lasamayn, wana taas ayey dad badan qabaan inay tahay midda soo dadajisay kicitaanka shacabka ee dowladiisa.
Inkastoo wax lala yaabay ay noqotay in mar qura milatariga
wadankaas uu si toos ah u afgambiyo madaxwaynihii rayidka ahaa, hadana waxaa
layaab sii noqotay in isla markiiba Mursi xabsiga la dhigay laguna soo oogayo
hadda danbiyo lashegayo inuu ka galay wadanka.
Ugu danbayntii Su’aalaha iswaydiinta mudan ayaa ah dhowr su’aalood:
Maxaa soo dadajiyey dhicitaanka dowladdii Ikhwaanul Muslimiinku majraha uhayeen? Mise la oran karaa jidkii burburka ayaga ayaa si toos usoo raadsaday oo cidna ma burburin? Maxay Ikhwaanku wadanka ugu maamuli waayeen SHAREECADA ISLAAMKA markii ay hantiyeen awoodda dalka? Masoo noqon doontaa awooddii ikhwaanka Masar, iyadoo aan ognahay in hadda milatarigu laynayo xubnaha taageersan siyaasadda Ururka Ikhwaanka? Mise la filan karaan in mar kale uu wadanka Masar majaraha uqabto milatariga awoodda xooggan ku leh wadanka iyadoo gabi ahaanna la joojin doono wax doorashooyin ah oo la qabto?.
Comments
Post a Comment