Qeybaha Dadka…

Marka la abla ablaynayo dadka dhowr siyaabood oo kala duwan ayaa loo qeybiyaa iyada oo loo eegayo habab kala duwan. Sida aan wada ogsoonahay Ilaahay ummadadn markuu abuuray ma uusan simmin, marka aan sidaas leenahay kama wadno dhanka bani aadamtinimada oo taas waa uu kawada simmay hayeeshee  waxaa lays dheer yahay ayaa ah Garaadka, sida qof walba u fakaro iyo dadaalka qof walba bixiyo.
Maqaalkan waxaan ka eegaynaa dhanka faa’iidada iyo khasaaraha, waxaana ukala qeybinaynaa noocyadan soo socda:
1.      Qof Jecel inuu Faa’ido oo kaliya: Dadka noocani ah waa dadka lajecel naftooda oo qura inay wax faa’iddo, iyaga oo ku hamiya mar walba sidii ay ugu kordhin lahaayeen maalkooda ama waxa kale ee uu markaas danaynayo inuu kororsado. Dadkani inta badan waxaa laga helaa siyaasiinta xukun raadiska ah oo haba yaraatee aan waxba lajeclayn dadka kale xataa xukunkaasi dhowr qof ha qaban kartee.
2.      Qof jecel inay dadka kale faa’idaan: dadka noocaan ahi waa dadka inta badan naftooda wax ka door bida oo la jecel qofka kale ee walaalkiis ah, waxaana arrintaas sameeya inta badan dadka muslimiinta ah ayadoo hadii aad akhriso siirada saxaabada aad arkayso saxaabi nafta kasii socoto oo wax lasiin lahaa walaalkiis u door biday. Waa ay yar ku yihiin dadka noocaan ah bulshada dhexdooda.
3.      Qof jecel inuusan asna Faa’idin dadka kalana aysan Faa’idin: Dadka noocaan ahi waa ay ku yar yihiin bulshada dhexdeeda, hasa ahaatee waxaa laga yaabaa qofka asaga oo aan is ogayn inuu qaato go’aano u gogol xaaraya khasaare labada dhinac ah, waana in qofku ka fiirsado go’aamada uu qaadanayo kana feejignadaa inuu go’aan qaato asaga oo caraysan ama xanaaqsa.
4.      Qof Jecel in Lakala Faa’ido: Dadka jaadkan ah waa dadka caqliga badan ee wanaagga la jecel dadka kale sida ay naftooda ola jecel yihiin waana sida qofka muslimka ah looga baahan yahay.

Haddaba qof walba naftiisa ha fiiriya jaadka uu ka tirsan yahay, hana isku dayo inuu doorto qeybta udanbaysa ee kheyrka lajecel naftooda iyo tan dadka kale intaba.

Comments