Horay ayaan qoraallo dhowr ah oga sameeyey in ummadda soomaaliyeed wali
xal ka raadinayso meel aan haba yaraatee xal ka jirin, qoraalkaygii
shirkii London iyo sharxumadiisa waxaan ku sheegay afar qodob oo aan sii
saadaaliyey inay kasoo baxayaan.
Waxaa xusid mudan in ay qodobadii aan sheegay marka laga reebo hal qodob oo aan wali soo banaan bixin ay intii kale soo wada baxeen, midkaasna waxaan rajaynayaa marka uu soo baxo in soomaali muxamed garan doonaan. Waa kuwan saddexda qodob ee rumowday.
1.Sii kala goynta ummadda soomaaliyeed ee hadda dhowrka dowladood ala noqotay. Waana mid soo baxday maxaa yeelay shirkii London kama aysan qeyb galin maamulada dalka kajira, taasina waxay cadyn utahay in ay jiraan mad madawyo hoose oo ka dhex taagan maamulada dalka ka jira iyo dowladdaa Xasan Shiikh madaxda ka yahay, arrinta la hubase ayaa ah in Puntland si cad udiiday inay ka qeyb gasho shirkaas kadib markii ay ku andacootay in la buriyey heshiisyo ay la gashay dowladda federaalka ah.
2.Ucaga juglaynta cid walba oo isku dayda inay aayaheeda ka tashato si loo gaaro xal waara oo wax gal ah… Qodobka way adag tahay in bulsho waynta soomaaliyeed ogaato, waxaanse shaki ku jirin in haddii la waydiin lahaa madaxdii shirka ka qeyb gashay si xaqqiqo ahna uwaramaan ay runta ka sheegi lahaayeen, taasina waxaa caddeyn u ah Ra’isul wasaare Farmaajo oo markii xilka uu iska casilay hadda kahor sheegay inay cago juglayn bareer ah kula kaceen ciidamada AMISOM ee Muqdisho jooga, ciidamada AMISOMna ma samayn karaan wax aysan ogayn wadamada reer galbeedka ee mushaarkooda bixiya.
3.Bixinta deeqa kusheeg gala jeebabka dad khaas ah oo kujira dowladda hadda dhisan….. Lacagaha lagu deeqay ee tirada badan, iyadoo waxa labixiyaaba ay iska yaraan doonto hadana inta la bixiyo waxay jeebka ugali doonaan madaxda dowladda iyo inta ka ag dhow, waxaa la arki doonaa kuwa badan oo maamul goboleedyo jira madax u ah oo oran doonaa deeqihii la helay waxba nagama soo gaarin, halka wasiiraduna oran doonaan maba na soo gaarin lacagaha aad ka hadlaysaan.
Qodobka kale ee aan la ogaan karin ayaa ahaa…..Hagardaamaynta heshiisyada dhexyaal maamul goboleedyada qaarkood kuwaas oo kala boodi kara haddii ay arkaan wax aan maslaxad ugu jirin…. Asagana banaanka ayaa uu iska imaan doonaa oo waan dhowraynaa.
Guntii iyo gunaanadkii, shaki kuma jiro haddii ummadda soomaaliyeed faraha layskaga qaado inay heshiin karaan laakiin inta Caddaan iyo madawba nagu dhex jiraan lama filayo rajna lagama qabo inay ummadda soomaaliyeed ee muslimka ah heshiis waara oo dhaxal gal ah gaarto.

Comments
Post a Comment