Tan iyo bur burkii wadanka ka dhacay ummadda soomaaliyeed waxay
dhaxashay kala qeybsanaan aad u xooggan oo qabiilba inta gaarkiisa u
booday sheegay inuu noqonayo dowlad gooni ah.
Maqaalkaygaan “Somaliland mise ummad soomaaliyeed” ma ahan mid aan si gooni ah ugu durayo bulsho waynta la baxday magaca soomaaliland, hayeeshee wuxuu kuwada socdaa dhammaan inta kala qoqobaysa ummadda soomaaliyeed ee midka ahaan jirtay.
Waxaan shaki ku jirin in ummad waynta soomaaliyeed tahay dad xidid, qaraabo iyo sokeeye intaba isku ah oo aan haba yaraatee meelna ku kala maarmin haday ahaan lahayd ganacsi, xiriir bulsheed iyo iska warqab guud.
Shanta soomaaliya ee uu ka turjuma calanka astaanta u ah soomaalida waxaa horay umaqnaa saddex kamid ah oo midi hadda tahay dowladda jabuuti halka labada kalana ay kala haystaan wadamada Kenya iyo Ethiopia. Ma umalaynayo in ummadda soomaaliyeed u cuntami karto in qeyb kale oo soomaaliya ah kasii go’do mana aha waxay aqbali doonaan jilka soo socda ee aan filayo inay ka calool fiyoobnaan doonaan qabyaaladda iyo nin jeclaysiga ragaadiyey jiilashii ka horeeyey.
Maamulka hadda Somaliland la yiraahdo waxay meelo badan ka shegeen inay doonayaan inay ka go’aan soomaalida inteeda kale, anigoo ogsoon in marka laga tago madaxda wadata baasaboorada ajaanibta ah ee ka taliya dhulkaas, shacabka kale ee soomaaliyeed eek u dhaqan gobolkaas inay ku niyadsan yihiin kamid ahaanshaha shacuub waynta soomaalida.
Waxaa intaa sii dheer iyadoo dadka soomaaliyeed ogsoon yihiin oraah dhahaysa “Qabiil Qaran ma noqdo” maamulka soomaaliland waa hal qabiil oo aan biyo ismarin, waxaaana hadda kahor si cadawtinimo ku jirto usoo eryeen shacuub wayntii kazoo anbaday naftoodana kala soo cararay dagaaladii ahliga ahaa ee wadanaka ka dhacay sanadkii 1991, waxayna arrintaas ku sababeeyeen inaysan u dhalan dhulaka ay joogaan; bal qiyaas adoo jooga ciid soomaaliyeed haddii lagu oran lahaa oma aadan dhalan waxa aad dareemi lahayd.
Waxyaabaha calool xumada kugu sii abuuraya waxaa iyana kamid ah markaad aad marto dhulka ay haystaan dalalka Ethiopia iyo Kenya oo aad dadka usheegto in dhulkan yahay dhul kamaqan ummadda soomaaliyeed, waxay intooda badan kaala hor imaanayaan mucaaradad xooggan iyaga oo ku andoocanaya inay yihiin dad u dhashay dalalka aan kor kusoo xusnay aanayna doonayn inay mar danbe kamid noqdaan shucuubta soomaaliyeed. Waxaan mar mar is iraahdaa malaha go’aankaas daw bay uleeyihiin maadaama ummaddii soomaaliyeed labaatan kabadan is cunayso wali xal waarana dhexdooda gaari la’ yihiin hadana waxaan isku qanciyaa in mar ay ahaataba laga bixi doono kala qeybsanaanta xooggan ee ummadda soomaaliyeed dhextaal.
Waan hubaa in inta badan shacabka ku dhaqan gobolada soomaaliland ay diyaar uyihiin in lasoo celiyo qaranimadii iyo midowgii shucuubta soomaaliyeed balse waxa hortaagan ay yihiin koox yar oo wata baasabooro ajnabi ah kuwaas oo aan xataa si rasmi ah udaganayn waddanka gudihiisa, waxayna ilaashadaan oo kaliya danahooda ugaarka ah naftooda.
Waxaa iyana xusid mudan in la sheego oo cadaaladdu tahay in shacabka ku dhaqan Somaliland uu gaary dhib xooggan waqtigii wadanka uu ka ariminayey dowladdii milatariga ahayd mana ahan wax iyaga gaar ku ahaa oo maamulkaas waxa uu gacan bir ah ku qabanayey cid walba oo ka hor timaada siyaasadiisa, waase la dhihi karaa iyaga dhibka gaaray aad buu oga fara badnaa waxyeelada gaartay dadka kale hayeeshee taas marnaba keeni mayso in la dhantaalo midnimada ummadda iyada ayaana wax walba ka horaysa.
Xalka ummadda soomaaliyeed la gudboon ayaa ah in laga hortago cid walba oo isku dayda kala qeybinta bulshada soomaaliyeed magacay rabaan ha wataan qabiilkay rabaana haka soo jeedaane, haddii sidaa layeelana waxaan shaki kujirin in mar ay ahaataba dib layskugu soo noqon doono iyadoo lawada sito magaca soomaali iyo hal astaan oo ah calanka ka dhaxeeya ee buluugga ah.
Guntii iyo gabagabadii maqaalkaygan waxaan oga baxayaa in qof walba oo soomaali ah aan ku booriyo inuu dantiisa gaarka ah ka hormariyo midda guud ee ummadda kana shaqeeyo isku soo dhawaynta shucuubta soomaaliyeed eek ala irdhowday anigoo Allana oga baryaya in Qalbigooda burcad isku mariyo kana saaro qabyaaladda ragaadisay mudada dheer.
DHAMMAAD

Comments
Post a Comment