Dhex Dhexaad Ka Noqo Qoraalada Iyo Xogaha Aad Aruuriso... Maqaal Talooyin Badan Kusiinaya

Mahad oo idil Eebe ayey usugnaatay, waxaan ku salinayaa Nebi Muxamed SCW kaas oo nasoo gaarsiiyey risaaladan qiimaha badan ee aan Aakihro iyoAdduunba ku liibaanayno.
Intaas kadib maqaalkan oo ay igu kaliftay qoraalkiisa markaan arkay dad badan oo qoraalo samaynayo laakiin aan ka daacdnimo samaynay qoraaladooda sida iyaga oo soo bandhigaya ceebaha qofka ama kooxda ay wax ka qorayaan lagana yaabo inaysan sheegin hal wanaag oo ay leeihiin cidda markaas ay qoraalka ka samaynayaan.
Qoraalada qaarkood bilawgooda illaa dhamaadkooda waa ceebayniyo aflagaadayn kusocota cidda markaa laga waramayo, iyadoo mararka qaar aad awoodi waayeyso inaad sii akhriso.

Hadaba waxaa lama huraan ah inaad raacdo qodobo muhiim ah marka aad rabto inaad cid qoraal ama qormo ka qorto iskana ilaaliso inaad qof ku xadgudubto.

Qodobada ay muhiimka tahay inaad raacdo markaad qoraal samaynayso:

1. Isku day inaad xog buuxda ka hesho qofka ama kooxda aad rabto inaad qoraal kasamayso, kana warayso dadka xog ogaalka u ah arrintaas.

2. Intaas kadib xogaha aad hesho sii tafatir oo markiiba hagalin qoraalkaaga, maxaa yeelay waxaa laga yaabaa inaad ilduufyo hore samayso.

3. Ha sheegin oo kaliya xummaanta ama daldaloolada qofka, balse waa inaad sidoo kale sheegtaa wanaagyada uu leeyahay iyo meelaha uu ku fiican yahay.

4. Qofka ama kooxda aad qoraalka ka samaynayso ha uweerarin si gaar ahaaneed laakiin  kaliya sheeg in waxyaabaha ama ficilada ay sameeyeen ay khaldan yihiin.

5. Mar walba ka madax banaanow arimaha qabyaaladda iyo nin jeclaysiga, kuna dadaaal cadaaladda haba ahaato qofka ama kooxda aad wax ka qorayso kuwa kuugu dhow dadka.

Intaas kadib wax in la qoro waa sahlan tahay laakiin in xaqa wax qoridda la siiyo maaha wax sahlan, waxay ubaahan tahay khibrad iyo aqoon dheeri ah, hasa ahaatee waxaan anigu idiin soo gudbiyey inta ay gaarsiisan tahay aqoontayda gaaban.

Wixii talo ama tusaale ah waan soo dhawaynayaa, waxaana dhamaanteen isku dardaarmaynaa CABSIDA ALLE.

Comments