Alle ayey mahad oo idil usugnaatay, Waxaan ku salinayaa Rasuulkeenii Muxamed ahaa ee nasoo gaarsiiyey diintan xaqa ah ee lagu badbaadayo Aakhiro iyo adduunba.
Intaas kadib Maqaalkan aan ugu magac daray HAL DOORKA UMMADDA ayaan jeclaystay inaan kaga hadlo marxaladda qiimaha badan ee dad badan dayaceen taas oo ah dhalinyaranimada.
Marka la qeexayo micnaha ereyga hal door waxaa lagu tilmaamaa cid kasta oo qiime fiican ku dhex leh bulshada ama mujtamaca markaa uu ku dhex nool yahay, waxaana hadba lagu qiimeeyaa cidda la leeyahay waa hal door umadeed kaalinta ay kaga jiraan bulshada dhexdeeda.
Hadaba waxaa iswaydiin leh haddaan nahay dhalinyarta soomaaliyeed ma ciyaarnay doorkii aan ku lahayn bulsho waynta soomaaliyeed mise waxaan daba kacnay odayaal wata danahooda khaaska ah kuwaas oo aan kala jeclayn mustaqbalka dhalinyarada soomaaliyeed? Jawaabtu waa iska cadahay, waxayna tahay inaan inteena badan daba orodnay kheyr beelayaal aan haba yaraatee wax dan ah uhayn Jiilka soo kacaya kuwaas oo nagu gaara madaxtinimo ay ku raali galinayaan dal iyo dad aan ka talinayn aayaha ummadatan.
Dhalinyaro badan waxay sidoo kale ku hodmaan aafada weyn ee soomaali weyn ku habsatay ee ah QABYAALADDA iyagoo waxay taageerayaan iyo waxay colaadianayaanba ku xira haybta qabiil ee uu wato shakhsigaas.
Waxaan isleeyahay waxaa xilligan la gaaray waqtigii aan indhaha si wanaagsan ukala furi lahayn si aan oga tashano aayaheena danbe ogana fakarno dalkan dulligu naafeeyey ee bohosha fog kusii dhacaya.
Waxaa sidoo kale muhiim ah inaan fahano inaan ka baxno xayndaabka aan lagaranayn cid nagu hareeraysay ee gobolaysiga, taas oo la oran karo waxay salka ku haysaa Qabyaaladdii aan soo tilmaamay. Ugudub heer soomaalinimo, ufakar si muslinimo hana ku murug galiso dhib kasta oo ku dhaca shucuub weynta soomaaliyeed ee tabaalaysan. Ogsoonow marka aan sidaa ku leeyahay macnaheedu maaha ka tag dadkaaga laakiin waa inaad wixii wanag ahna ku taageertid wixii xummaan ahna aad kaga bari noqoto adiga oo ka foganshahaasna cibaado ahaan u aaminsan.
Waa la hubaa in haddii jiilka soo socdo uu ku socdo tub toosan in wax badan iska badali doonaan gayiga soomaaliyeed, laakiin waxay nasiib darro dhacaysaa marka aan sii qaadno wadooyinka khaldan ee ay kusocdaan dadka hadda ummadda hor taagan oo madaxyo waynta u ah.
Dhalinyaradu waa horseedayaashii wanaagga, hogaamiyayaashii beri hogaamin lahaa ummadatan kana talin lahaa aayahooda mustaqbal iyo soo saarayaal jiilka danbe ee iyaga oga danbayn lahaa hoggaanka iyo hagidda ummadooda.
Gunaanadka maqaalkan waxaan oran lahaa qof walba oo dhalinyaro ah dib utasho kana fakar waxa aad ummaddan uqabin kartid iyo kaalinta kaaga aaddan bulshada aad ku dhex nooshahay oo ha noqon mid ummadda culeys ku haya halka aad ka noqon lahayd mid ummadda dhexdeeda qadarin iyo maamuus ku leh. iskuna day inaad iswaydiiso su'aalahan:
Maxaan ahay anigu? Maanta maxaan qaban karaa? Mutaqbalka dhowse kaalintee bulshadayda ka gali karaa oo ka buuxinayaa? marka aad su'aalahaas ka qanciso naftaada horay usoco adiga oo kaalmaysanaya RABIGAA kadibna ciddii kale ee kaa caawin karta gaaridda himilooyinkaaga.

Comments
Post a Comment