Adduunkan safar baa laga wada yahay qof walbana maalin baa laga sii kaxaynayaa asaga oo ku haminaya inuu baryo sii joogo. Waxaase qof walba ka haraya Taariikhda uu ka tago iyo wixii uu ummadda ku anfcay intii uu noolaa. Inaad samayso qoraalo kaa hara waxay kamid tahay in lasii hadal hayo magacaagii xataa markaad dhimato oo carada ka hoos marto kadib. Imisaa maanta maqashaa magacooda oo laga yaabaa in jirkoodii mar hore Aboor dhamaystay laakiin wali uusan baab'in magacii loo yaqaanaya sida Qoraa, Macalin, Dhakhtar I W M.
Waxaa fursad kale ah in maanta adduunkan aan joogno wax walba fududaadeen adiga oo waxaad soo bandhigto ugudbin kara malaayiin qof oo adduunka daafihiisa joogta, waxa kaa xigana ay tahay inaad internetka wax ku qorto oo kaliya.
Hadaba waa muhiim inaad isdaba qabataa oo wax qortaa ama aliftaa marka aad fursadda haysato, waliba waxaa muhiim sii ah inaad wax ku qorto afkaaga hooyo maadaama dadka aad rabto inaad wax gaarsiiso ay yihiin soomaali.
Ugu danbayntii waa lama huraanlaylina way kuu tahay inaad mararka qaar samayso qoraalo aad oga hadlayso hadba xaaladda markaas adduunku marayo ama wadankaagii kusugan yahay.

Comments
Post a Comment