Dhawaan ayey ahayd markaan maqlay in wada hadal ufurmayo dowladda federaalka soomaaliya iyo maamulka dhawaan is magacaabay ee Jubba Land, waxaanse lasii yaabay halka wada hadalkaas ka dhacayo iyo cidda qaban qaabadiisa wada. Ethiopia oo aan ognahay inaysan waligeed dhib soomaali ku dhaca maahee aan marnaba ka shaqayn isku keenid soomaaliyeed ayaa shirkan gadaal ka riixaysa.
Mararka qaar waxaan iswaydiiyaa soomaalidu maxay kujecel yihiin in waddo lagu soo jabay waqti hore inay mar labaad dib ugu noqdaan.
Uur kutaalada kaaga muuqanaya shirarka la sheegayo in soomaali udhaxeeyaan ayaad mararka qaar kaa ilmaysiinaya haddii damiir dadnimo kugu jirto, waan hubaa in mar uun wax iska badali doonaan siyaasadaha noocaan ah waase haddii la helo hogaan daacad ah oo ka run sheegaya xaqiiqda jirta.
Dowladda Uu hogaamiyo Xasan Shiikh waxa ugu weyn ee ay xoogga saaarayso ayaa ah inay hoostagaan ilaha dhaqaalaha ee magaalada Kismaayo halka maamulka Axmed Madoobe hor boodayo ay adag tahay in uu arrintaas ogolaado, waana tan adkayn doonta inuu guuleysto wada hadalada labada dhinac.

Maamulka Axmed Madoobe ee hadda Kismaayo kujoogga cududda Kenya ayaa garab xoog leh ka helaya maamulka Puntland, iyadoo dad badana aaminsan yihiin in taageerada uu ka haysto maamulka Axmed Madoobe Puntland ay saldhig utahay haybta qabiil ee labada dhinac ka dhaxaysa.
Shirka hada ka furmaya Addis Ababa ayaa looga wada hadlayaa sidii dowladda federaalka ahi u aqoonsan lahayd maamulka Dowladda Kenya gadaal ka riixayso ee Jubba Land.
Qodobo dhowr ah ayey illaa hadda sxaafaddu qoraysaa inay kawada hadli doonaan labada dhinac, waxaanse jirin cid ka tirsan labada dhinac oo xaqiijiyey waxa ay kawada hadli doonaan.
Hadaba kulamadaas lagu sheegay wada hadal ayaa umuuqda hagardaamo cusub oo dowladaha dariska ah rabaan inay kusii carqalateeyaan dhibaatooyinka qabyaaladaysan ee kajira gudaha dalka, iyagoo ujeedadoodu tahay inaysan waligood soomaalidu kabixin inay gar udhiibtaan dalal shisheeye.
Waxaan jeclaan lahaa in qof walba iswaydiiyo su'aalo dhowr ah oo ku fahansiin kara xaqiiqda laga damacsan yahay arimaha soomaaliya waxaana ay noqonayaan:
Haddii lawada hadlayo maxaa diidaya in lagu wada hadlo gudaha dalka? Maxaase diidaya in wadahadalada noocaan oo kale ah inay garwadeen ka noqdaan soomaali kale halka lala aadaayo wadamo kale? Hadii dowladu wada hadal la gasho maamul kasta oo aysan ku qanacsanayn dadka deegaanka, soo carqalad ku imaan mayso hanaankii ay ku dhisnayd ee federaalka ahaa maadaama ay soo bixi karaan maamulo noocaan oo dalka ka dhisma?

Comments
Post a Comment