Ma Hadho Reebka Dulmiga GUMAADSOM (AMISOM)

Shalay ayey ahayd markii aan mar qura Websieyada ka akhriyey falkii ay ciidamada AMISOM ka sameeyeen gudaha caasimadda Muqdisho
Inkastoo diinta Islaamku aysan sina u ogolayn in Gaal la yiraahdo nabad buu noo ilaalinayaa hadana waxay kamid tahay arrimaha soomaaliya kajira ee lala yaabo.
Wadooyinka qaar ee caasimadda Muqdisho marka ay marayaan ciidamadan waxaa la sheegay inaan xataa loo ogolayn  inay maraan madaxda dowladda iyaga oo ka cabsi qaba in la weeraro. shalay shacabka Muqdisho xoogaa dhiiranaan ah bay muujiyeen oo waxay xireen wadadii marxuumka lagu jiiray, mid booliska madax baan u ahay yirina waan qabanay gawaarida falka geysatay buu idaacadaha ka sheegay xaqiiqdase lama oga, hayeeshee waxaa lays waydiinayaa Ragga sheegta inay yihiin madaxda ugu saraysa wadanka oo aan iyagu haba yaraatee soo hadal qaadin arrintaan, mawaysan dhibayn dhibka loo geysto shacabkooda mise inay GUMAADSOM (AMISOM) xilkaba ka qaado haday dulmigooda sheegaan bay ka cabsi qabaan,waa arimaha aan kala fahmi la'hay anigu.Waxaa laga yaabaa inaad is tiraahdid wasiirka Arimaha gudaha baa ka hadlay, laakiin waxaan kuleeyahay arrintan oo kale kuma filna maxaa yeelay in qof Ajnabi ahi ku dilo qof dhulkiisii jooga waa wax aan marna maskaxda saliimka aqbali karin.

Maaha arrintan mid ugub ah oo horay ayey ciidanakan NABAD ILAALIYAYAASHA isku magacaaba ujiireen sarkaal kuwa iyaga la shaqeeya ee soomaalida ah kamid ah, sidoo kale labo dhalinyaro oo kale ayey sidan oo kale ugu jiireen magaalada dhexdeeda cid wax iska waydiisayna majirin, iyagoo goor danbe yiri Raali gelin baan ka bixinaynaa

Waxaan rajaynayaa in mar uun soomaali danteeda garan doonto oo ka fogaan doonaan inay cadawgooda waxtar ka sugaan.

Comments