Cadaaladdu waa erey gaaban laakiin xambaaarsan macno aad umug weyn. Micnaha caddaaladdu waa inaad cid walba xaqeeda siiso kuuna sinaadaan waalidkaa iyo qofka qof kuugu fog marka ay timaado inay iyagu is qabtaan. Qoraayahanada reer galbeedka qaarkood ayaa caddaaladda ku macneeyaa inay tahay helidda qof walba oo bani Aadam ah xaqa uu uleeyahay inuu adduunkan ku noolaado isaga oo umadax banaan dhaqankiisa, diintiisa iyo fikirkiisa. Qeexidda danbe ee qoraayahanada reer galbeedku waxaa moodda inay ka muslim ahaan aysan munaasab noo ahayn maadaama qofka Muslimka ah Eebbe weyne ku adoonsaday inuu isaga awaamiirta ka qaato wax uu rumeynayana noqdaan waxa uu amray in uu rummeyo.
Isku soo wada duuboo caddalaaddu waxay ku soo koomaysaa in qof walba helo waxa uu xaqqa uleeyahay uusanna raadin wax uusan xaq ulahayn si uu uhagaago wada noolaanshaha bulsho weynta adduunka ka dhaxeysa.
CADDAALADA IYO MUHIIMADDEEDA
Aadanaha badidiisu waxaa laysku raacsan yahay in caddaaladdu muhhimad weyn leedahay, ummada dhisantayna waxa ay la dhisantay ay tahay caddaalad ay usamaysay dadkeeda iyo mid ay kula dhaqantay dadka ka agdhow ee deriska la ah.
Sidaas darteed Shiikhul Islaam Ibnu Taymiyaha ayaa laga wariyaa inuu yiraahdo "Ilaahay waa ugargaaraa dowladda caddaaladda ku dhaqanta gaalaba ha ahaatee, omana gar gaaro Alle kuwa Dulmi falayaasha ah Muslimiinba ha noqdeene". Waxaad halkaas ka garanaysaa muhiimadda weyn ee cadaaladdu leedahay.
waxaad sidoo kale fahmaysaa in bururka soo deg dega ee dowladaha qaarkood ay keento cadaalad darada sii baahda ee ka dhex jirta dowladdaas.
SOOMAALIDA IYO CADAALADDA
Tan iyo markii soomaaliya heshay xornimadeeda heerka cadaaladda soomaalidu aad buu uhooseeyey oo dhib badan baa laga tirsanayey. Sida odayaal hore ii sheegeen berigii hore ee soomaalidu aysan magaalooyinka aadka usoo gelin cadaaladda soomaaalida waa la mahdin jiray oo waxaaba jiray dad si gaara loogu tuhmi jiray inay garta ugooyaan si cadaalad ah sida Ina Sanweyne oo kale.
Ha yeeshee soo galitaankii soomaalida magaalooyinka waaweyn wax badan baa isbadalay oo cadaaladii waa yaraatay, qofba qofka kale buu isha ku hayaa oo ka shaqaynayaa siduu udhagri lahaa xaqiisana uboobi lahaa Allow sahal amuuraha, dib uxasuuso waa anagii sheegnay in caddaaladdu tahay inaad xaqaaga hesho xaq aadan lahayna aadan raadsan.
Dhanka arimaha bulshada cadaalad darro xoog leh ayaa ka dhacday gaar ahaan xagga guurka iyo helitaanka shaqooyinka muhiimka ah ee xafiisyada dowladda. Gabadheena ma geeyo, Xafiis hebel miyuu qaban karaa asagoo reer hebel ah ama nasab dhimman ah iyo erayo lamid ah waa kuwa bulsho weynta soomaaliyeed qeybo kamid ah isla dhex maraan marka qof kasoo jeeda qabiilada ay yasaan nasiib uhelo inuu guursado gabar qabiilada caadiga ah kamid ah ama uu qabto xafiis muhiim u ah bulshada.
Nasiib darro iyadoo cadaaladeenu heerkaas marayso ayaan hadana doonaynaa inaan hormar ka samayno nolashan adduunka ee tartanka badan ka jiro.
Dulmigii dhacay kadib dhicitaankii dowladdii dhexe ee milatariga ahayd ayaa wax walba ka darnaa iyadoo qabiil walba kii kale oo uu dulmin karay wax walba kula kacay mana jirto illaa hadda cid kawada hadashay dulmigaaas iyo sidii layskaga cafin lahaa.
Waan hubaa haddii ummadda soomaaliyeed inta geed hoostiis wada fariistaan iska cafiyaan wixii dhexmaray si buuxdana isku saamaxaan inay ka bixi lahaayeen dhibka haysta mudada kabadan labaatanka sano. Waxaa iyana xaal marin mudan in si aad ah loo cafis waydiistana mutaystay umaddii aan ka takoornay bulshada kuwaas oo aan gabadhaheenana udiidnay kuwoodana ku tilmaamnay nasab dhimman aan in la guursado uqalmin.ma umalaynayo inuu jiro dulmi kaweyn oo soomaali gashay maadaama dad nala diin, dhaqan iyo af intaba ah aan hayb soocnay, Ilaahow na cafi.
Gunaanadka maqaalkan, waxaan rajaynayaa in haddii bulshadu uwada dhaqanto si caddaalad ah qofnana aan xaqiisa la duudsin dadkana uu u ogolaado waxa ay xaqa uleeyihiin, in ay yaraan lahayd cudurada badan ee bulshadu isku qabto sida xasadka, naceybka qalbiyada galay iyo cadawtinimada qofba qofka kale dhibka walaalkii la jeclaaday, diinteenna suubanna arimahaas aad bay udhiiri gelisay una ammaantay inaysan cuqdad isku qaadin dadka muslimka ah.
Ugu danbayn qof kasta oo soomaali ah waxaan udardaarmayaa inuu cadaalad ku dhaqmo dadkana ugu baaqo inay ku dadaalaan insha Allaah markaas waxaan gaari doonaa Adduun iyo Aakhiraba wanaag iyo kheyr.
DHAMMAAD

Comments
Post a Comment