Inkastoo dadka ila da'da ah aysan arkin wax dowlad soomaaliyeed ah oo shaqaynaysa hadana qofka yimaada wadamadan dowladaha leh ee nidaamku ka jiro wuxuu ogaanayaa inay jiraan qodobo aas aas u ah inay sii jirto dowlad dhisan, haddii lawaayana aysan marnaba suurta gal ahayn inay nidaamka meeshaas ka taliya sii dhisnaado.
Wadamada reer galbeedka dadka tagay way arkeen sida nidaam iyo kala danbayn uwaangsan tahay haba jiraan khaladaad ay dowladuhu galayaane, balse waxaa mar walba daldalooladaas lagu awdaa wanaagga kale ee uu sameeyo maamulka halkaas kajira.
Hadaba waxaa la oran karaa dhowr qodob ayaa aas aas u ah dowladnimada iyo jiritaankeeda, waxaana haddii aan qodobadaas la ilaalin burburaya nidaam walba oo jira:
1. CADDAALAD: Caddaaladdu waa gundhigga maamul kasta oo tamaninaya inuu sii jiro, lidka caddaalada oo ah Dulmiguna waa burburiyaha dowlad kasta oo caado ka dhigata. Diinta islaamku aad bay umadda ugu boorisay inay caddaalad sameeyaan iyadoo Alle uu yiri: " Kuwa Alle iyo Wixii laga rabay inaya Rumeeyaan rumeeyow noqda kua ku taagan caddaalad, markhaatina u ah Alle haba ahaato cidda aad ku markhaati kacaysaan Naftiina ama waalidiintiin ama qaraabadiin" An Nisaa, Aayadda 35aad.
Halkaas waxaa kaaga cad in caddaaladu aysan ahayn wax cid gaar ah loo samaynayo ee ay tahay mid loo samaynayo laga bilaabo naftaada ilaa qaraabadaada. Caddaladu maaha wax ku gaar ah Muslimiinta oo kaliya laakiin waxaa sidoo kale caddaalad loo samaynayaa dadka aan muslimka ahayn iyadoo haba yaraatee wax xad gudub ah aan lagu samaynayn. Sidoo qofka madaxda ah waxaa laga rabaa inuu dadka uu maamulo u caddaalad sameeyo ee uusan soo dhawaysan inta ka ag dhow ee saaxibadiis ah inta kalana uu bir dheer iskaga qabto, taas oo cawaaqib xumo ukeenaysa maamulka uu hoggaanka uyahay.
Caddaalada waxaa soo hoos galaya xukunka isna laysku xukumayo, waxana ka soomaali danteenu kujirtaa waa shareecadaas Alle noo soo dejiyey ahna tan sida dhabta ah loogu kala bixi karo oo muran uusan ka dhalanayn.
2. Daacadnimo: Haddii uusan daacad ahayn nidaamka meesha kajira, iyana way adkaanaysa sida uu kusii waaro oo inuu dumo way soo deg degtaa, maxaa yeelay marka ay khiyaanada, qishka iyo tuuganimadu badato waxaa la arkaa in marka danbe kooxda meesha haysata isku soo jeestaan sidaasna ay meel aan wanaagsanayn arrintu ugu biya shubato. Hadaba si dadka la xukumayo daacad iyana unoqdaan waa in madaxduna daacad ka noqotaa arimaha maamulka, si simana loo qeybsadaa dhammaan kheyraadka meesha yaalla dadkuna usinaadaan.
Waayadan danbe waaba Soomaalidu waa isku dhaliishaa daacadnimada oo hogaankii daacadnimo laga dareemaa waaba loo yaabaa oo in la fashiliyaa lagu deg degaa, waase nasiib darro nagu dhacday haddaan soomaali nahay in wanaagii oo dhan la dhibsanayo.
3. Hoggaan Wanaagsan: waxaa jira buug aad uwanaagsan oo la yiraahdo Hogaamiye Isbedel Horseeda oo uu qoray Dr Saciid Cali Shire, waxaa uu qoraaga buuggga ku sheegayaa in qofka noqonaya hoggaamiye wanaagsan uu leeyahay sifooyin dhowr ah oo lagama maar maan u ah hogaanka wanaagsan waxaana kamid ah:
*Hiraal: Hiraalku waa waa muuqaalka ama sawirka mustaqbalka. Hogaamiye aan garanayn meel loo socdo iyo waxa bulshada uu hogaamiyo tiigsanayso sidee ummad majaraha ugu qaban karaa. Waa in qofka hogaamiyaha ahi garanayo halka ay usocoto bulshada uu madaxda uayahay si ay iskula jaan qaadaan hogaanka iyo bulshadiisa.
*Dad Soo Jiidasho: Waa in hogaamiyuhu bulshada uu horbooayo soo jiidan karaa kasbana karaa waxna ka dhaadhicin karaa. dhulka soomaalida degan tahay waxaa suurta gal ah inaad aragto mid hoggaan loo dhiibtay oo AFGAROOC ah hadalna aan waxba ka aqoon iska daa inuu wax soo jiitee. Haddaba waa sifo lagama maarmaan u ah hogaanka umadi rabto inay yeelato.
Qiyam: Hogaamiye aan qiyam lahayn way adkaanaysaa inuu bulsho hogaamiyo. Qiyamku waa waxa qofka agtiisa qiimo kaleh. qoraaga buugga aan kor kuxusnay wuxuu leeyahay qiyamku kuma xirna diin, deegaan iyo dabaqad midna, inkastoo aan oga duwanahay fikirkaas oo aan qabo in qofka qiyamkiisu ay saamayn ku leedahay deegaanka uu ku koro iyo hadba bulshada qofkaasi ku dhex jiro. Tusaale ahaan qofka ku kora wadamada reer galbeedka iyo qof ku barbaaray dhulalka islaamka umalayn mayo inay isku Qiyam noqonayaan.
Haddaan soo koobo mowduucaan waxaan oran karaa haddaan soomaali nahay gaar ahaan jiilka soo baxayaa waa inuu ogaadaa wax badan oo naga khaldamay noona diiday inaan yeelano dowlad waarta oo dadka oo dhami kawada faa'ideystaa.
Gunta iyo gunaanadka maqaalkan waxaan isleeyahay haday hogaanka wadanku ku dadaalo qodobadan aan xusay ee aas aaska hogaaminta u ah waxaa hubaal ah in dalka iyo dadkuba hormarin karaa, waana inaan sidoo kale dhalinyaranimadeena wax badan ka ogaana howlaha aas aaska ah ee dowladda si aan hadday noqoto inaan hoggaan noqonno wax badan usaxno.
DHAMMAAD...

Comments
Post a Comment