Labo sano ayey hadda kusii dhowdahay markaan kasoo safray wadankii aan ku dhashay, ku barbaaray waxna kubartay.mudadaas waxaan maray dhowr waddan oo Afrika ku yaal. Aakhirkii waxaan kusoo biya shubtay wadankan Kenya. Dhibaatooyin waa kusoo wajahayaan marba hadaad la deristo dad aydan isku luuqad,dal iyo diin toonna ahayn, balse waa ay kala weyn yihiin oo midba midab kale ayey wadataa. Kuwa ugu daran ee qofka yimaada wadamadan loo soo hayaamay waa helitaanka Sharciga lagu joogayo wadanka aad markaas kunooshahay. Waxaad markaasba tabaysaa inaad xornimo ku noolayd maadaama aad joogtay meel Ina Hebel lagaaga yaqaan cid kale oo aqoonsi kale kusii waydiisana aysan jirin. Nimcooyinka kale ee marka lala joogo aan micnaha weyn loo arag laakiin la dareemo marka laga fogaado waa qaraabada iyo ehelka aad wada nooshihiin oo runtii muhiimad weyn ku fadhiya.
Wadanka Kenya soomaalidu dhib weyn ayey kusii qabtaa maadaama iyaga si gaara loo karo ar tilmaameedsanayo laguna xukumay inay kuligood wada argagixiso yihiin, inkastoo la oran shacabka Kenyaatiga ahi wax dhib ah oma arkaan soomaalida(kuwa yimid wadanka ee aan ahayn kuwa wax kuleh) kunool dalkooda ee waxa dhibka intiisa badan wada waa dowladda hadba waddankan ka arimisa.
dhibaatooyinka kale ee qabsada qofka kasoo hayaama dhulkiisa hooyo waxaa kamid ah in ay waqti kugu qaadato inaad kala barato meesha aad timid sida waddooyinkeeda, meelaha wanaagsan ee la maro kuna habboon in lagu lugeeyo, kala duwanaanshaha basaska la raacayo iyo inaad barato luuqaadda ay ku hadlaan dadkaas aad utimid waxayna sii dhib badan tahay marka aysan intooda badan fahmin luuqadda caalamiga ah ee Ingiriiska, iyadoo ay lagama maarmaan noqonayso inaad tooda barato.
Shuruucda wadanka kajirta ayaa iyana ah mushkilad kale oo uu la kulmo qofka kasoo safray dhulkiisa sida calaamadaha meelaha qaarkood ku dheggan iyo sharciyada Taraafikada ee uu waddan kasta leeyahay.
Waxaa jira dhibaatooyin kale oo gaar u ah dadka cilmiga usoo raadsada wadamada shisheeye, waxaana kuwaas kamid ah; Nooca jaamacadda aad rabtid iyo midba nooca waxbarasho ee ay ku fiican tahay oo dad badan ku wareeraan iyadoo laga yaabo inay galaan jaamacad aan ku fiicnayn nooca waxbarasho ee uu rabay, dhanka luuqadda wax lagu baranayo ayaa iyana laga yaabaa inay ardayga caqabad kunoqoto oo waqti kale ku qaadato inuu luuqadda wax lagu baranayo iska soo dhiso.
Guntii iyo gunaanadka qormaddan waxaan jaclaysan lahaa inaan dhowr qodob oo waana ah usoo gudbiyo qof walba oo raba inuu kasoo boqoolo wadankiisa hooyo:
1. Marka aad soo tagayso waa inuu cad yahay hadafka aad utagyso iyo waxa aad ka raadinayso si uusan waqti badan kaagaga lumin wadan aadan waxba ku lahayn.
2. Marna si sharci darra ah ha ku tagen meel aadan aqoonin waxa kaaga soo bixi kara, haday dhacdo inaad ku tagto isku day inaad si deg deg ah ku hesho sharciga saxda ah ee wadankaas aad kujoogi kartid.
3. Marna qaxooti ahaan ha isku diiwaan gelin inay dan culus kugu khasabto maahee(gaar ahaan wadamadan Africa), isku day inaad hesho sharciga ay haystaan muwaadiniinta wadanka aad tagtay. F.G wadanka Kenya oo kale waa la helaa, Kibaandhe ama ID ayaana loo yaqaan.
4. Ha iska joogin wadan shisheeye ee wax ka kororso si aad bari ugula noqotid wadankii hooyo uguna shaqaysatid haddii loo baahdo.
5. Baro luuqadda wadanka aad timid si aad ugu yaraan Sharatooda oga ammaan gashid maxaa yeelay Nebigu wuxuu sheegay in qofka barta luuqad cid kale uu SHARTOODA ka ammaan galo.
Ugu danbayn Alle caabud kana cabso meel kasta oo aad joogtid si aad guul oga gaartid Adduun iyo Aakhiraba.
DHAMMAAD

Comments
Post a Comment