CUNTOOYINKA SOOMAALIDA IYO CAAFIMAADKA QOFKA... W/Q: SACIID FAARAX

Ku dhawaad Laba usbuuc ayey kusii dhowdahay markii aniga iyo nin aan saaxiibo nahay aan gebi ahaanba badelnay cunto maalmeedka aan quudanno. Arrintan ayaa ka danbaysay kadib markii aan ogaanay in gebi ahaanba cuntada ay soomaalidu cunto aysan lahayn nafaqada jirka bani aadamka ubaahan yahay. Soomaali badan ayaa nala yaabta marka aan tagno maqaaxiyaha magaalada oo aan dalbano cuntooyin ka duwan kuwa markaa meesha laga cunayo ama dadka markaas jooga ay cunayaan.
Cuntadu waa waxa ay caadi ahaan cunaan ama cabaan waxyaabaha nool, fiiri halkan...http://www.worldofmolecules.com/foods/
Sida lawada ogyahay cuntadu waxay ka kooban tahay shan nooc oo kala ah:
1. Borotiin
2. Dux
3. Fitamiino
4. Kaarbohaydarayt
5.Macdan(minerals)

Waxaan oran karaa saddexda waqti ee soomaalidu wax cunto, cunnooyinka ay cunaan waxaa ka muuqda dheeli tirnaan la'aan xooggan oo waxa ay cunaan waxaa ku badan oo kaliya Caarbohydrateka, waxaana gebi ahaanba ka maqan noocyadii kale ee jirka lagama maarmaanka u ahaa. Tusaale ahaan qadada waxaa uu qofka soomaaliga ahi cunaa bariis ama baasto, waxaana labaduba ka kooban yihiin waa carbo haydarayt, waxaa intaas dheer bariiska oo marka uu jirka bani aadamka ahi galo gebi ahaanba isku badela sonkor taas oo waxyeelayn karta jirka bani aadamka maadaama cuduro badan laga qaado  haddii xaddiga sonkorta ee jirkaagu ubaahn yahay ay dhaafto, waxaana cuduradaas ugu khatarsan cudurka maacanka ama sonkorta.
Kadib daraasaad iyo akhris  badan oo aan ku sameeyey cuntooyinka soomaali waxaan mararka qaar is iraahdaa waxa qof kasta oo soomaali ah oo kontan ama afartanba dhaafay ku rida cudurada tirada badan waa cuntada uu quuto, waxaana ku raja weynahay haddii cuntadaas aan wax ka badeli lahayn in wax badan oo caafimaadkeena ah wax iska badeli lahaayeen.
Sida dhakhaatiirtu sheegaan waxaa haboon in la badsado cuntooyinka dabiiciga ah ee aan soo marin warshadaha laguna darin kiimikooyinka, waana mid ay hodan kuyihiin umadda soomaaliyeed laakiin laga indha saabay oo lagu diray. Qofka soomaaliga ah haddaad usheegto inuu cuno galley, masago ama haruur, digirta iyo wixii lamid ah waxaa laga yaabaa inuuba khalad kuu fahmo, laakiin wuxuusan ogayn in caafimaadku kujiro oo haddii cimrigiisa Alle dheereeyana uu nolol wanaagsan oo faya qab ah ku noolaan doono.

Sidaas darteed waa lagama maarmaan in qof walba caafimaadkiisa ka fakaro uuna quuto
 waxa jirkiisa iyo caafimaadkiisaba anfacaya.

TALOOYIN MUHIIM AH:
Waxaan kutalin lahaa in qofku cuno saddexdiisa waqti cuntooyinkaan soo socda:
QURAACDA:
Subaxa hore isku day inaad maalin walba cabtid ugu yaraan koob biyo caadi ah inta aadan wax kale afka saarin, kadib haddaad heli kartid mushaali ama Boorash ka kooban noocyada dhirta dabiiciga ah oo dhan, barqadii oo kale Bataati cun, haddaad koob shaax ah oo bigeys ah ku dartidna kaba sii fiican. Sagaal faa'ido oo bataatigu leeyahay halkan ka akhri : http://www.care2.com/greenliving/9-reasons-to-love-sweet-potatoes.html

QADADA:
Waxaan rajaynaya in qofku ku joogi karo intaas aan kor kusoo sheegnay illaa xilliga qadada.
Soor ama Ugaali caano geel oo dhay ah lagu darsaday ama Maraq aan dufan badan lahayn lagu daray ayaa ugu habboon, haddii muufo galley la shiiday laga sameeyey  oo maraq aan saliid badan lahayn lagu iidaamay aad heli kartidna aad bay qado dhamaystiran unoqon lahayd. Biyaha cad xlliga qadada si aadan iska badinayn ucab.

CASHADA:
Xilliga cashada ma haboona inaad qaadato cuntooyinka culus waxaana fiican inaad ku gaabsato cunto fudud oo calool gashi leh, sida xabad Jabaati ma caysh ah iyo koob bigeys ah.
waxaana aad cunaysaa xilli hore si aad useexato adiga oo calooshaadu yara maran tahay gaajana aysan ku hayn.
 Biyaha caadiga ah oo la cabbaa xilliyada udhaxaysa waqtiyada cuntada la cunayo faa'iido dheeri ah ayey leeyihiin.

Waxaa laga yaabaa inay dad badan is waydiinayaan hilibka iyo goorta la cunayo. Guud ahaan hilibka cunitaankiisa oo la badsado caafimaadkaaga ayuu waxyeelaynayaa maadaama in la burburiyo waqti dheer qaadato, sidaas darteed hal mar ka badan inaad maalintii cunto ma haboona haddaad iska daysana kaba sii wanaagsan. laakiin waxaad arkaysaa qof saddexdii waqtiba hilib cunaya markaasaa laga yaabaa in kii hore oo aan wali la jajabin mid kale ka daba geeyo oo calooshii nafis waydaba isaga oo markaas uu ku dhacayo daaco qurun iyo calool majiir badan inleen waa calool nafis loo diidaye, Nebiguna waa uu sheegay oo waxaa uiu xadiis ku cabiray in caloosha loo qeybiyo saddex qeybood: QEYB CUNTO LA GELIYO, QEYB CABITAAN LA GELIYO IYO QEYB QOFKA KA NEEFSADO.

Gunta iyo gunaanadka maqaalkan, waxaan Alle waydiisanaynaa inuu nasiiyo cimri dheer iyo cibaado suubban aana Alle ka baqno meel kasta oo aan dunida ka joogno, muhiimad weyna waa inaan siinnaa caafimaadkeena iyo sida uu uwanaagsanaan karo.









Comments