HA TAHRIIBINE TACAB SAMAYSO...W/Q: SACIID FAARAX

Akhbaarta xanuunka iyo uur kutaalada leh ee maalin walba kasoo baxaysa dad soomaaliyeed ee ku la'naya badda mediterinianka ayaa igu kaliftay inaan qoraal kasmeeyo musiibadan latagtay dhalinyaro badan oo wax tari lahaa dalkii ay ku dhasheen kuna bar baareen.
Waxaa la hubaa inaysan marna cudur daar helayn kuwa isku biimeynaya baddaas Eeb naga badbaadiyey halisteeda.
Dhowr qof oo aan waydiiyey sababaha ku kalifaya tahriibka waxay iigu wada jawaabeen AFRICA NOLOL MA TAALLO", inta aan yaabay ayaan waydiiyey meesha nolosha fiican leh ee ay ka helayaan waxay doonayaan waxayna iigu wada jawaabeen inay meeshaas tahay YURUB, waxayse intooda badan maskaxdooda ka saareen gaarista yurub iyo khatarta kasoo horaysa meeshaas ay usocdaan. Naftiisii buu halaag  kuwadaa warna si uu kaaga maqlo way adag tahay oo nin meel ucadahay meel ka madaw bay soomaalidu tiraahdaa, xaqiiqdii uur xumo kaweyn majirto inaan maalin walba aragno dhalinteenii oo ku baaba'aya badahaas.
Waxaan dhamaan inta maqaalkaygan inuu gaaro laga yaabo gaar ahaan kuwa ku fekeraya inay naftooda ku biimeeyaan halistaas  usheegi lahaa dhowr arrimood:

1. Meesha aad usocotaa soo Allihii joogay meesha aad ka cararayso majoogo, haday jawaabtu tahay Haa, maxaad oga cararaysaa dalkaaga iyo wadamadan kale ee aad ku nooshahay soo halka aad joogto Alle kuguma arsaaqi karo, isku day inaad si fiican maskaxda oga shaqaysiiso inta aadan naftaada halaagin.

2.Qof walba asaga ayaa hormariya naftiisa ee kuma xirna waddan ama qaarad la joogo, intee joogta Yurub Iyo Ameerika oo iska daa inay dad kale anfacaane naftoodii wax tari waayey kuna jira xabsiyada qaaradahaasi halka qof ku barbaaray Africa waxna ku bartay ku tanaaday oo dad duunyaba wax dheefiyey.

3. Tashwiishka ay furayaan dadkii ka badbaaday naftii halignimadii ay sameeyeen ee ah Ama dhimo ama nolol fiican ku noolow waa midaan meel mar ahayn maadaama waxa lagu khamaarayo tahay naf bani Aadam, una sheeg in waxa kaliya ee Alle siiyey ee aan marna khatar la gelin  karin ay tahay naftaada.

4. Maxaad umalaynaysaa hadaad ku baxdo oo ku dhimato wadadaas khatarta badan inaad Ilaahay agtiisa kala kulmi doontid, waxaana xasuusataa Xadiiskii Nebigu ku sheegay waxa uu mutaysanayo qofka naftiisa dila kuna sheegay inuu Naarta galayo.

Hadaba dhammaan shacabka soomaaliyeed waxaan ucadaynayaa in Tahriibka la sheegaaba yahay NAFTAADA DIL ee aysan wax kale meesha ool, marka labo adaa udoor leh inaad naftaada badbaadiso iyo inaad halaagga laguu faaninayo ku riddo oo afka oga shubtid.

Lax walba shilalka ay is dhigtaa lagu qalaa, khatarahaas aan sheegay ee ay leedahay baddu waxaa ka daran qowlaysato kale oo ka sokaysa  oo wayeelo halisa ugeysta dadka maraya wadada halista badan ee Saxaraha. Kufsi, Xubnaha oo layskala baxo, dil bareer ah iyo  udhimasho gaajo iyo harraad waa waxyaabaha lala kulmo inta lasii hayo wadadaas khatarta ah.

Dadka uu gaarayo maqaalkaygaan waxaan usoo jeedinayaa inay ka digaan khatarta safarkan leeyahay dadkana ka wacyi geliyaan dhibaatadiisa si aan xal ugu helno musiibadan taagan.

Guntii iyo gunaanadka maqaalkaygan waxaan mar kale ku celinayaan in dhalinyaradu fekerto kana baaraan degto aayaha mustaqbalkooda, waxaana sidoo kale lagama maarmaan ah in qof walba ku dedaalo sidii uu ku dhisi mustaqbalkiisa si uu unoqdo mid dalka iyo dadkaba anfaca.

DHAMMAAD

Comments