DULMIGA YUHUUDDA IYO DAMANAANTA MADAXDA CARBEED

Yuhuudda oo asal ahaan kasoo jeedda Carruurtii Nebi Ismaaciil Bin Ibraahiim ayaa ah qowmiyad aad udhib badan kuna caan baxday lugooyi iyo dhibka anbiyada. Anbiyada qaar waa ay laayeen, qarna waa Beeniyeen halka kuwa kalana ay dhibaatooyin kale ugeysteen.
Sida Alle Quraanka noogu sheegay, Yuhuuddu kaligood ma meel maraan illaa inay Xarig Alle haystaan ama Xarig dad kale oo taageeraya haystaan.
Waxaa kale oo Alle Quraanka ku caddeeyey in Qowmiyaddan hadba cidi baab'in doonto danbiyadii ay horay ugaleen awgeed, Suurata Al Israa wuxuu Alle leeyahay " Waxaan Kusoo bixinaa Adoomadeena kuwooda xooga badan Waxayna Burburin guryahooda, waana Yabooh La fali (dhacaya) 17: 5
Waxaa halkaa kaaga cad in Yuhuuddu uu Ilaahay horay ugu ballan qaaday in mar kasta oo ay Kibraan Alle usoo diro koox baab'isa oo inay cirib tiraan kusigta, waxaana udanbeeyey ninkii reer Germal ee Adolf Hitler gummaadkii uu ugeystaynay waa tan usoo qixisay meeshan ay hadda xoogga ku degan yihiin.
Waqtigii Nebi Muxammed SCW waxaa lawada ogyahay in Nebigu qaar Yuhuudda kamid ahna laayey qaarna uu ka raray magaaladii Madiina dulmiyo ay ka galeen Muslimiinta meesha daganayd awgeed.
Aan hoos usoo degnee, Yuhuuddu meesha ay hadda degan yihiin waxaa keenay oo waliba qax kukeenay waa Hitler sida aan soo sheegnay, waxayna mar walba ku tamaniyaan sidii ay horay ugu sii durki lahaayeen iskuna fidiyaan wadamada kale ee carabta hadda joogta dagan yihiin.
Haddaba Muslimiinta maanta joogta waxaan shaki kujirin inay kaalintoodii gabeen gaar ahaan iska dhicinta Yuhuudda maanta maatidii muslimiinta ku baab'inaysa  meel aan kawada fogayn indhahooda aadna ugu dhow Jaziiratul carab. Madaxda Carbeed waxay malahayga kabaqayaan oo gacmaha ola gali la' yihiin arrinta Qaza baqdin ay ka qabaan reer galbeedka oo meesha ku ilaalsada cunsurkan in la gooyo mudan.
Dullinimo ka weyn majirto baan filayaa in la laayo carruurtii iyo dumarkii muslimiinta ayna daawanayaan malaayiin muslimiin ah oo intooda badan waxba aan tari karin walaalahooda dhibaataysan.

Wadanka Masar oo rajo weyn laga qabi lahaa fara gelinta gummaadka Qaza, waxaa hadda hogaanka uqabtay nin aan wax badan dhaamin Yuhuudda baab'inaysa reer Falastiin, isagoona Af-ganbi uu dhiig badan kudaatay ugeystay shacabkii kahoryimid ee diidanaa xoog ku qabsashada awoodda dalka. Sucuudiga oo dad badan oo niyad wanaagsan uhaysteen inay joogaan madax caawisa Islaamka kale ayaa isagu ahaa maskaxdii kadanabaysay Af-gambigii Muxamed Mursi oo ay madaxda Sucuudigu u arkeen khatar kuwajahan Kursiga ay is Dhaxal siiyeen Reer Aala Sucuud, waxayna geed gaaban iyo mid dheerba ufuuleen siday awoodda oga qaadi lahaayeen iyagoona si cad utaageeray Shaydaan Siisi.
Wadamada kale ee Khaliijka iyagana waxaa la oran karaa waa gabeen dowrkii ay kulahaayeen caawinta Reer Falastiin, waxaase ammaan mudan wadanka Qadar oo yeysan gacanba lagelin arrinta Qazee si weyn oga taageeray xagga Saxaafadda gaar ahaan Tvga Aljazeera oo har iyo habeen adduun weynaha tusiya gummaadka kasocda Qaza.

MAXAA LA GUDBOON SHACABKA MUSLIMIINTA EE CAALAMKA KU NOOL

Dr Dariq Suweydan oo ah caalim Kuweytiyaan ah ayaa hadal uu kajeediyey isku imaad lagu taageerayey dadka reer Qaza oo lagu qabtay magaalada Kuweyt ee dalka Kuweyt bilowgii duqeymaha Yuhuudu ku hayso Falstiiniyiinta waxaa uu ka sheegay hadal aad ii cajab galiyey, isagoo yiri : " Waa inaan carruurteena oo ah jiilka soo koraya nuujinnaa naceybka aan uqabno Yuhuudda kuna barbaarinaa ubadkeena neceybka Isreal." Runtii waana waxa kaliya ee fudud ee shacabka muslimiinta ahi ku dareensiin karaan ubadkooda xiqdidga iyo cadaawadda ay uqabaan Yuhuuda.
Waxaan kudarayaa dhowr qodob oo iyana aan isleeyahay qof kasta oo muslim ahi wuu kari karaa
1. Uducee walaalahaaga ku dhibaataysan halkaa kadib marka aad dhamayso acmaasha Wanaagsan sida salaaddaha. ha yaraysan ducada maxaa yeelay waxaa jira marar badan oo samadu furan tahay munaasabna ay tahay in ducadaas la aqbalo.
2. Isticmaalid la'aanta dhamaan waxyaabaha aad ogtahay inay leeyihiin shirkado wadanka Isreal laga leeyahay, waxaana ugu badan oo ganacsiga ugu badan ay kasameeyaan.
3. Ha taageerin waligaa dowladaha daba dhilifka u ah reer galbeedka iyo inta garabkooda ah kuna dadaal sidii ay ku guul daraysan lahaayeen dhammaan madaxda taageerta howlaha reer galbeedku ka wado wadamada muslimiinta.

Gunaanadka maqaalkan waxaan kusoo koobayaa hadalkayga qof walba oo muslim ah waa inoo maanka galiyaa kuna fakaraa sidii uu umadda muslimiinta ah ucaawin lahaa inta tabartiisa ah, hana ku dhiiran inaad dabin daabayso qof walaalkaa ah oo muslim ah qaaraduu rabo haka soo jeedee.

W/Q: Saciid Faarax
Nairobi, Kenya

Comments