Ilaahay baa mahad oo dhan u sugnaatay, naxariis iyo
nabad-gelyana korkiisa ha ahaato Nebigiisa Muxammad kaas oo nasoo gaarsiiyey
Diin xaq ah dadkana kukala xukumi jirey si cadaalad ah oo aan eexasho lahayn.
Intaas kadib, waxaan bishii naga dhamaatay ee Nofeembar iyo
tan hadda socota ee Diseembar indhaha ku hayey xukunno badan oo ka dhacayey
deegaanada Puntland, kuwaas oo intooda badan dadkii lagu riday lagu xukumayey dil
Toogasho ah oo aan wax Racfaan ah lahayn. Waxaa intaas dheer in dadka la
xukumayey ahaayeen dad rayid
(Shacab) ah cidda xukumaysana tahay sida uu sheegayo ninka xukunka ku
dhawaaqaya maxkamad ciidan.
Inta aanan gudaha u gelin mowduuca waxaan jeclahay inaan
marka hore is waydiino dhowr su’aalood oo gogol dhig unoqonaya mowduuca aan ka
hadli doono. Maxkamadaha ciidamdu yey xukumaan?
Maxay tahay shaqada
maxkamadda ciidanku?
Sida adduunka intiisa badan laysku raacsan yahay maxkamadaha
ciidanku waa kuwa u gaar ah laguna xukumo dadka xubnaha ka ah ciidamada waddan
ama meel iyadu iskeed isku maamusha. Maxkamadaha noocaas ah waxaa loogu tala
galay inay go’aamo ka gaarto gabood fallada iyo dembiyada ay galaan askarta
qaarkeed.
Haddaba iyada oo taasi jirto ayaan wadamada qaarkood ku arkaynaa
maxkamadayn dad shacab ah oo dambiyadooda lagu qaadayo maxkamad ciidan, waxaana
inta badan dambi kuqaadistaas faraha kula jira kuwa ka taliya goobaha falalkan
ka dhacaya.
Gobolada puntland, inta aan ogahay hannaanka caddaladdu waa
iska yara roonaa oo inta badan go’aanada la xiriira dilka iyo wixii lamid ah
waxaa go’aan ka gaari jiray odayaasha
dhaqanka iyadoo aysan meesha ka maqnayn
ku kala baxa sharciga Islaamka. Waqtigii Cadde Muuse xilka madaxtinimada
hayey ayaan xasuustaa shaqaaqo yar oo magaalada Gaalkacyo ka dhacday taas oo
Madaxwayne Cadde fara geliyey heshiis odayaal beeleedyo ku gaareen inaan la
dilin askari dilay nin ay ciidanka kawada tirsanaayeen, taas badelkeedna waxay
oday dhaqameedkii ku heshiiyeen inay Mag kala qaataan, arrintaas oo madaxwayne
Cadde ku qanciwaayey damcayna in ciidan uu watay xoog xukun qisaas ah ugu
fuliyaan askarigii dilka geystay, waxaase dhacday in ciidan beeleed xoog kula
soo baxay wiilkii Cadde rabay inuu khaarijiyo.
Si kasta hanoqotee, isbeddel xooggan ayaa ka dhacay
sanadihii ugu danbeeyey hannaanka caddaalada ee gobaladaas. Laga soo bilaabo
waqtigii madaxwaynaha uu noqday madaxwayne Faroole, waxaa gebi ahaanba meesha
ka baxday awooddii odayaal dhaqameedka, waxaana inta badan xukunadii dhici jirey
ahaayeen kuwa siyaasadaysan oo dowlaadda Faroole madaxda ka ahaa faraha kula
jirtay. Sanadahaas aan soo sheegnay waxaa dhacay xukunno aad u xanuun badnaa
taas oo la oran karo warqaddii wax lagu xukumayey waxaa toos looga soo qoray
xafiiskii madaxwaynihii waqtigaas. Sagaal dhallinyaro oo badankoodu ahaayeen
dhalinyaro jaamacadeed; kuwaas oo ama dhammayn rabay jaamacadda ama waqti
kooban u harsanaa. Xukunkaas wuxuu daba jiitamayey in ka badan labo sano iyadoo
markii dhallinyaradaas wax danbi ah oo cad lagu waayey uu xeer ilaaliyihii toos
ugu sheegay eheladii dhallinyarada in wiilasha uu haysto madaxwaynaha ilaa uu
isagu fasaxana aan lasii deyn Karin. Waxaana subax aroor ah lagu uus duugay dhallintaas
aan kasoo sheekaynay. Runtii waa nasiib darro weyn in hannaanka caddaaladu
halkaa marayey xilligaas oo maamulka Puntland waqti dheer jirey.
Markii dowladdii C/wali timid, wax badan oo sidaas ah iskama
bedelin gartii eexo ee gobolka kajirtay. Gowraca dhallinta soomaaliyeed wuu
siyaaday, waxaana xukumada uu rido Gudoomiyaha maxakamadda Ciidamada Qalabka
sida ee Shanta gobol intooda badan kujiray kuwa dil ah oo waliba aan racfaan
lahayn fulintooduna dhacdo maalmo yar gudahood.
Haddaba caddaalad xumidaas markaan xooriyey waxaan u aanayn
karaa dhowrkan qodob oo aan halkaan ku tilmaami doono:
1.
Aqoonta dadka wax xukumaya oo liidata: Intooda
badan kuwa dadka xukumaya aqoon sidaas u buuran ma leh, waxaana taas kuu
cadaynaya sida ay ugu fududaanayaan xukunno adduunka qaata in ka badan
labaataneeyo sano oo dilku ugu horeeyo. Aqoon daridaas waa tan madaxwaynaha
hadda jooga maalmo dhawayd ka calaacalayey.
2.
Eedaymaha qofka dilka ku mutaysanayo oo ah Kuwa
aad uga Hooseeya Heerkaas: Wuu u socday inuu ku biiro kooxdaas, Cunto ayuu u wday
iyo Sahan buu ahaa, waa kuwa Gudoomiyaha aan kor kusoo xusnay dhallinyaro badan
oo laga yaabi lahaa inay dalka iyo dadkaba anfacaan nolosha ku seejiyey
aakhirana ugu diray. Mar haddii aan qofka lagu soo qaban isagoo gacmaha kula
jira fal-Dambiyeed khatar ku ah dalka iyo dadkaba sharci ahaan ma mudna in
xukun dil ah uu ku mutaysto waana in sidoo kale waxyaabo badan la xeeriyaa.
3.
Sharciga Islaamka oo Laga Been Sheegayo:
Dastuurka Puntland waxaa Faqradiisa ugu horeeya kamid ah IN WAX WALBA OO
SHARCIGA ISLAAMKA KA HOR IMAANAYA AY WAX KAMA JIRAAN YIHIIN, iyadoo taas jirto
ayaad haddana arkaysaa iyadoo xukunno dil ah loogu ridayo dhallin soomaaliyeed
wax aad u yar oo runtii xataa Xabsi sanado ah aan mutaysan
4.
Xukumada Qaarkood oo aad Mooddo Inay
Qabyaaladaysan yihiin: Inta badan dhallintii Dilka lagu xukumay dhowrkii bilood
ee u danbaysay waxay ahaayeen kuwa aan kasoo jeeddin deegaanada Puntland.
Tusaale ahaan xukunkii u danbeeyey ee dhacay 17 Nofeember ee sanadka 2014 lix
dhallinyaro ah ee dilka lagu xukumay, hal kamid ah ayaa kasoo jeeday Gobolka
Ceyn( reer Buuhoodle intooda badan waayadan danbe maamulka Puntland si bay u diidanaayeen)
halka intooda kale Koonfur iyo gobolada Waqooyi ay kasoo kala jeedeen.
Gaba-gabda maqaalkan, waxaan dhammaan dadka waxgaradaka,
Aqoonyahanka iyo Culimadaba ugu baaqi lahaa in dulmiyada noocaas ah ee la
xiriira caddaalad daradaas aan kasoo sheekaynay uga hor tagaan si wada jir ah
oo aan kala har lahayn haddii kalana ciqaabta kasoo degta ay wada saamayndoonto
kuwa falay dulmiyada iyo kuwa ka aamusay ee aan ka dhiidhin xummaanta lagu ag
samaynayo.
Waxaa Tifaftiray: A/risaaq Cirro
Comments
Post a Comment