Ummad walba
ilaahay meel ayuu ku abuuray, Xikmad Ilaahayna weeye in qawmiyad walba Rabbi
meel naftoodu ka hesho dejiyo. Haddii aan nahay qawmiyadda Soomaaliyeed, Alle
wuxuu na dejiyey geeska Afrika. Wuxuu Rabbi nagu galladaystay dhul barwaaqo ah
oo haddii sida saxda ah looga faa’idaysan lahaa, wax soo saar fiican yeelan
lahaa. Ummadda sidaas ah waxaa maanta iskugu darsamay colaad, faqri(meelaha
qaar xad dhaaf ah), aqoonta dadka oo liidata iyo halka qoraalkaygan quseeyo oo
ah wadaniyad la’aan.
Marka runta
laga hadlayo, dadka Soomaalida ahi, intooda badan ma jecla inay dhulkooda ku
noolaadaan. Qof walba oo naga mid ah wuxuu u hanqal taagayaa inuu dhul
shisheeye dego oo ku noolaado. Marka dadka wadanka wax badan ka soo maqan aad
waydiiso ‘Goormaan waddankii ku laabanaynaa?’ waxa u horeeya ee uu hadal kaaga
bilaabayo waa hadalo quus ah oo kaaga sheegayo dalkii iyo halkii uu ku
barbaaray.
Ma inkirsani
in waddankeena dhibaatooyin badan ka jiraan; siyaasi danayste ah oo qurbaha
carruurtiisii geystay majarahana u hayo siyaasaddii dalka, ma naxayaal
ganacsato ah oo waddanka ku daabulaya badeecooyin dhacay ama hallaabay oo aan
in la isticmaalo u habboonayn iyagoo ka fakaraya shillinka soo galaya oo qura,
wadaado dadka iyo masaajidadu u af duuban yihiin oo maalinba meesha dantoodu
gasho fatwo kasoo saara iyo intaas oo balo kale ah oo aana halkan ku koobi
Karin. Laakiin marna taas macnaheedu ma noqonayso in dalkii muddo dheer sabab
la’aan looga maqnaado.
Waa wax la
hubo in waddanku na wada deeqo haddii qof walba oo Soomaali ah ogolaado in
nabad laga helo, waana hubaal in isna nabad gelayo. Fikirkaad rabtid aaminsanow
kooxdaad rabtana kamid noqo’e ma ogoshahay inaad aqoonsato walaalkaaga kaa
duwan fikirka kana tirsan koox aan taada ahayn?
Waa hubaal Maalinta aan inaga dhexdeena is aqoonsanno ayuu adduun
weynuhuna ixtiraami doonaa jiritaankeena. Balse taas ma nala ka helayaa. Ma
quusanayno waana rajaynayaa in jiilka cusub ee soo socda muhiimaddaas fahmi
doono.
Arrinta kale
ee loo baahan yahay inaan ogaano, waa in Eebe weyne wax iskugu kaaya daray
aysanna sina suurtagal u ahayn inaan kala tagno. Waxaanse kuwada joogi karnaa
waa inaan ogolaanaa kala duwanaanshaha dhexdeena ah. In lays khilaafo ceeb
maaha, se waxaa ceeb ah in marka lays khilaafo iyadoo la kala aragti duwan
yahay la wada socon waayo. Imaamu Shaafici oo ah hoggaamiyaha mad-habta
Shaaficiyada oo Soomaaliduna aad u raacsan tahay ayaa saaxiibkiis oo ay mas’alo
yar isku khilaafeen ku yiri “ Ma waynaan walaalo ahaan Karin haddii aan mas’alo
isku khilaafnay” . Imaamku wuxuu hadalkaas ku tilmaamayaa in qofka muslimka ahi
si kasta oo aad wax iskugu qabataan ama aad u kala fikir duwanaataan aysan
walaaltinimadiinna meesha ka baxayn.
Ha u malayn
in dunidan maanta wadamada hormaray dadkoodu isku wada dan yahay. Laakiin iyagoo
sidaas u kala dan iyo ujeeddo duwan haddana waxaa jira u jeedooyin mideeya oo
mid walba inuu ilaaliyo uu ku khasban yahay. Dalka iyo inay nabad kuwada
joogaan ayaana ugu horreeya waxa ay kamidaysan yihiin inay wada ixtiraamaan. Bal
qiyaas ummad wax walba wadaaga laakiin waxyaabaha ay mararka qaar isku
qabanayaan oo laga yaabo inay dad badan ku dhintaan lamid tahay adoo reer hebel
ah maxaad halkan u soo degtay. Ogsoonow inuu soomaali yahay qofkan, wuu
aammisan yahay kan diiddan meesha la soo degay. Ma jirto sabab uu udiido oo aan
ka ahayn caqli xumada gaamurtay ee in badan oo dadkeenna kamid ah qabo; taasina
waa in dhulka laga qaadayo. Haddii dhulka uu sheegayo laga qaato, ma meel fog
buu ka aaday soo walaalkiis Soomaali ahi ma deign umana camirin. Wuxuusan ku
xisaabtamin in meelba meel intay ka dad badan tahay ka hormari ogtahay kana wax
soo saar badan tahay.
Gebagebada
qoraalkan waxaan oran lahaa, dadkaygow dhulka iyo islaanimaduba waa na wada
deeqdaa haddii aynaan annagu isku cariiriyin. Fursado aanan ummado badan haysan
oo aan ku midoobi karno baan heli karnaa. Ma jirto dad wadaaga hal diin, hal af
iyo hal mad-hab oo Shaaficiyo wada sheeganaya dhammaantood oo hadana labo gobol
aysan wax ku heshiin Karin. Xattaa qofka hadaysan waxba idin ka dhaxayn oo wax
walba aad ku kala duwan tihiin waa inaad ka fakartaa maxaan kawada faa’idi
karnaa annagoo sidaas la yaabka leh u kala fog. Waa hubaal in la helayo wax uun
aad nacfi ka wada helaysaan.
Waxaan ku
soo koobayaa in Diinta iyo dalkuba na deeqaan, dhibna aadan u arag waxa yare e
walaalkaaga Soomaaliga ahi kugu khilaafsan yahay adoo indhaha ka qarsanaya
boqolaalka kale ee aad ka midaysan tihiin.
Allow dalka
noo hagaaji.
Saciid Khaliif
Email:
siciidyare10@gmail.com
Comments
Post a Comment