Waa xilli habeen ah. Salaaddii cishaha ayaan ku tukanayaa mid kamid masaajidda xaafadda Islii. Waxaan kamid ahay qeyb kamid ah jamaacada masjidka oo ku tukanaya qeybta kore ee masjidka maadaana aan soo yara daahay.
Sida caadiga ah waxaa masaajiddan oo Soomaali maamusho caan ka ah dawarsiga ama tuugsiga aan maamulka masjidka fasax la waydiisan.
Intii lagu jiray salaadda ayaa waxaa nin kamid ah dadkii qeybtan kore nagula tukanayey u soo dhacay teleefan muusig aad u qeylo dheer ku xirnaa. Dhibka kale ee jiray ayaa ahaa in ninkan uusan marna aamusin teleefoonkiisa dhacayey. Wuxuuna dhacayey muddo labo daqiiqo ku dhow.
Markii salaaddii laga baxay ayaa waxaa istaagay ninkii tuugsanayey isagoo si edeb leh caawimaad u waydiisay dadkii codkiisu gaari karay.
Ninka dawarsanayaa waa nin akhyaar ah oo caan ka ah inta badan masaajidda soomaalida. Dadka hadalka kuma badiyo si hoosana waa u hadlaa. Haa aad baan u aqaan oo masaajiddo dhowr ah baan ku kulannaa.
Ninka dawarsanayaa waa nin akhyaar ah oo caan ka ah inta badan masaajidda soomaalida. Dadka hadalka kuma badiyo si hoosana waa u hadlaa. Haa aad baan u aqaan oo masaajiddo dhowr ah baan ku kulannaa.
Wuxuu caan ku yahay hadal ah “Ciddii wax na dhaanta hana caawiso dadku waa wada masaakiine”.
Markii uu hadalkii dhammeeyey ayaa sida dadkeenna soomaalida ah lagu yaqaan lagu kacay ninkii teleefoonku ku soo dhacay.
Markii uu hadalkii dhammeeyey ayaa sida dadkeenna soomaalida ah lagu yaqaan lagu kacay ninkii teleefoonku ku soo dhacay.
Dhowr jiho ayaa looga qeyliyey iyadoo qofna uusan waydiin waxa sababay inuu teleefankiisa damin waayo markii uu soo dhacay.
Iyadoo ninkii sidii loogu qeylinayo asna uusan wax jawaab ah bixinayn ayaa waxaa meel danbe ka hadlay nin malahayga horay u yaqaanay ninkan la canaananayo.
“War waa dhagool oo dhicidda moobeelka uu wataba ma maqlayo” ayuu yiri. Hal mar baa la joojiyey canaantii iyo qeyladii lagu hayey miiskiinkii maqalka naafada ka ahaa.
Ninkii tuugsanayey ayaa isna isaga oo is ciil kaanbinaya yiri “Anna waa iga halleeyey barnaamijkaygii”.

Hal mar baa qosol lagu dhuftay iyadoo si wadajir ahna loogu kacay oo la caawiyey maadaama uu muujiyey rajo beel.
Muhiimadda sheekadan aan u qoray ayaa ah inaanaan dag dagin mar walbana hubsanno ficilada ka dhacaya agagaarkeenna inta aanaan ka falcelin.

Comments
Post a Comment