Yaa Mudan? Miskiinka Mise Masjidka...

Muddo hadda laga joogo labo bilood ayaa habeen annaga oo cishaha ku tukannay mid kamid ah masaajidda xaafadda Islii waxaa markii salaaddii laga baxay istaagay nin carab ah. Ma hubo waddanka uu u dhashay inuu ahaa Yeman ama Suuriya.

Waxaa ka muuqatay diif loogu garaabi karay waxaana uu ku hadlayey afka carabiga oo inta badan Soomaalidu fahanto qaarkoodna si caadi ah ugu hadlaan.

Wuxuu u dan sheegtay dadwaynihii meesha ku tukaday isagoo waliba ku hdlayey Af carabi lahji u badan.

Runtii aad baa looga danqaday oo dhowr qof baa u kacday si ay wax ugu aruuriyaan. Waxaa iyana xusid mudan in imaamkii masjidka dadka ku dhiiri geliyey in ninkaas muslinimada nasoo biday la caawiyo.

Iyadoo xaaladdu halkaas marayso ayaa waxaa meel masjidka iridka looga baxo ku beegan ka istaagay mid aan duco qabin oo dadkii rabay in ninkaas caawiyaan sidoo kale ku wargeliyey in laga qeyb qaato dhismaha masjid ku yaal xaafadda oo dhisme ku socdo.

Waa dhisme kharashka ku baxayaa ka badan yahay boqolaal kun oo doolar kana kooban goobo ganacsi, qeybo masjid noqonaysa iyo meelo la dhiganayo gawaarida dadka masjidka ku tukanaya.

Sawirka waxaan ka soo qaatay Google.


Runtii dad aan ku jiray ayaa arrintaas aad uga xumaaday garanse waayey wax ay sameeyaan dhowr sababood dartood.
Waa marka koobaade howsha ninkan u yaboohinayo iyo tan markaas taagan waa kala muhiimsan yihiin waana kala horreeyaan. Mar walba qofka gaajaysan baa mudan.
Waa marka labaade haddii aad dhahdo war jooji lacag arruurintan caawa oo kaliya oo fursad sii ninkaan baahan, waxaa dad badan kuu qaadan karaan inaad tahay nin ka soo horjeeda dhismaha masaajidda Alle oo waxaa lugugu shaabadayn karaa qolyaha diinta dhaliila ee dhawaantan soo baxay.
Waa mar saddexaade waxaa qof kasta garan karaa kharashka ninkaan miskiinka ah u baahan yahay iyo kharashka uu heli karo masjidka halkaas habeen sida ay ugu kala waxtar roonaan karaan labada qolo ee u kala baahan.

Sawirka waxaan ka soo qaatay Google.


Ilaahay mahaddii dadkii goobtaas ku tukaday dareen islaanimo iyo mid bani aadanimo ayaa galay oo waa yaraayeen cid wax ku tabarucda dhismaha masjidka taas baddelkeedna waxaa dadkii inta badan wax ugu deeqayeen maryihii loo hayey maskiinkii gaajada masjidka kula soo cararay.

Markii aan ka soo baxnay masjidka ayaa rag aan saaxiibbo nahay iswaydiinnay waxa ninka masjidka dhisihiisa wax u raadinayey ku kallifay in iyada oo baahida muuqata arkaya ku kallifay inuu dhisme masjid u qayliyo. Waxaan isla garannay in qolyaha haya maamulada masaajidda ay qofka amar ku siiyaan in dadka la xasuusiyo dhismaha masjidka iyaga oo aan meesha ku darsan in ay soo bixi karaan baahiyo ka weyn dhisme masjid. Ninka meesha ka istaagayna amranaa oo uusan waxba qiimeyn karin.

Ugu danbayn aan xasuusanno muhiimadda qofka gaajaysan leeyahay iyo sida loogu baahan yahay in wax walba laga hormariyo.

Aan ogaanno in haddii dadkii masjidka la dhisayo ku tukan lahaa gaajo la dhintaan aakhiro lays qabsan doono iyadoo lays waydiin doono sababta miskiinkaas la caawin karay looga leexday "Ilaahayna oran doono addoonkaygow anoo gaajaysan baan kuu imid imana aadan quudin oo marka rabbi lagu celiyo Ilaahow adoo adduunka oo idil leh sidee u gaajootay uu oran doono waxaa kuu yimid addoonkayga oo baahan mana aadan quudin" Xadiis Kitaabka arbaciinka ku yaal.

Muslinimo ha noolaato
Soomaalinimo ha sarrayso
Gunnimana ha dhacdo.


Fadlan ku darso aragti ka reebban cay iyo aflagaaddo.

Comments