Farriimaha Khariidada Itoobiya Soo Bandhigtay

Maalinimadii Axadda ee 26ka bisha May ayaa si lama filaan ah dad badan oo Soomaali ah u soo gudbiyeen khariirad yaab iyo fajac ku dhalisay dadka soomaaliyeed. Khariidadan ayaa u muuqatay mid si cad loogu qeexay hanka dowladda xabashida ee ahaa inay mar uun la wareegto dhulka soomaalida ee aan ahayn inta ay hadda haysato. Sawirka khariidada ayaa lagu daabacay bogga internetka ee wasaaradda arrimaha dibedda dowladda Itoobiya.

Khariidada muranka dhalisay.


Inkastoo wasaarada Arrimaha dibedda Itoobiya ay tilmaantay in si khaldan loogu daabacay khariidada webka wasaaradda haddana waxaa muuqata in keydka khariidad sidaas u dhigan uu ku jiro kumbuyuutarada wasaaradda ay dirayso farriin u muuqata halka uu gaarsiisan yahay hanka Itoobiya ee dhulka soomaalida.

Fariimaha aan is leeyahay way dirisay khariidadan ayaa ku soo koobayaa halkan:

1. Fariinta koobaad ayaan oran karaa waa in Itoobiya ogaato dareenka shacabka Soomaalida ah ee ku aaddan bal sida ay u arkaan damaca Itoobiya ay ku doonayso dhulkeenna.

2. Fariinta labaad ayaa noqon karta in Itoobiya dareensiiso Soomaalida in hanka xabashidu ee qaadashada dhulka soomaalidu wali nool yahay si kasta oo khal khal siyaasadeed uga dhex jiro gudaha Itoobiya.

3. Fariinta saddexaad ayaa noqonaysa sida Itoobiya aysan raali gelinta uga bixin falkaas iyadoo ku gaabsatay in khalad dhacay oo kaliya uu ahaa sawirkaas halka aysan wax raali gelin ah u dirin shacabka iyo dowladda ay khariidadoodii ku xad gudubtay. Arrintan ayaa u muuqata in xabashidu aysan u arkin inay khalad sidaas u sii weyn ay sameeyeen. Xusuusnow in ra'isul wasaare Abiy uu mar si cad u sheegay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay mustaqbalka hal waddan noqonayaan.

Qoraalka Twitterka ee wasaaradda Arrimaha Dibedda Itoobiya.
Kaliya inuu khalad dhacay bay sheegeen laakiin wax raali gelin ah ma aysan bixin.


4. Farriinta Afaraad ayaa iyana ah in sida sawirka ka muuqata waxaa iyana hal waddan u muuqda khariidada waddanka Sudan iyadoo meesha ay ka maqan tahay khariidada waddanka Koonfurta Sudan. Dad badan waxay aaminsan yihiin in khariidada la diyaariyey ka hor dhimashadii Malez Zanawi ee sanadii 2012. Malez wuxuu aaminsanaa in mar ay ahaataba Soomaaliya ay Itoobiya la midoobi doonto xoog ama xeelad.

Haddaba dadka soomaaliyeed waa inay fadhiga ka kacaan oo u midoobaan si cadawgaas hororka ah ee ku taamaya dhulkeenna aan uga hortagi lahayn. Waa in aan yaraynaa tafaraaruqa marka ay timaaddo halis ku aaddan dhulkeenna iyo kheyraadkeenna.

Ugu danbayn waa in dowladda talada haysaa arrintaas si adag uga hadashaa sidoo kalana faah faahinno dheeri ah ka dalabtaa dowladda Itoobiya. Aamusnaantu mar bay taageero tilmaantaa gaar ahaan marka aad ka aamusto meel hadal looga baahan yahay.

Amaana Alla iyo Ramadaab Mubaarak

Comments