Qaaradda Afrika oo dad badan marka ay magaceeda maqlaan ay u sawiranto faqri, colaad iyo jahli ayaa haddana leh kheyraad iyo dhaqaale aan maskaxdaada gali karin.
Laakiin musiibada ugu weyn ee Afrika haysata ayaa ah in hantida qaaradda ay inteeda badan gasho jeebab gaar ah.
Aqoonyahanada dhanka dhaqaalaha ayaa aaminsan in qaaradda Afrika ay sanad kasta musuq uga baxdo lacag gaaraysa 148 Bilyan oo doolar(maaha milyan ee waa BILYAN). Bal qiyaas lacagtaas waxa ay qaaradda u qaban lahayd gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, cuntada iyo guriyeynta dadka qaaradda u dhashay.
Aan tusale u soo qaadanno waddanka Nayjeeriya. Sanadihii u dhaxeyey 2010 illaa 2015kii waxaa waddankaas oo kaliya laga dhacay hanti inaad xisaabiso ay adag tahay, aan iraahdo balaayiin doolar. bal fiiri lifaaqa hoose.
Afrika haddii ay heli lahayd hoggaamiyaal si wanaagsan u maamula kaliya dhaqalaha ka soo baxa gudaha qaaradda ee aan lagu darin hantida kale ee caalamku deeq ama deyn u siiyo qaaradda waxaa hubaal noqon lahayd in qaaraddu tiigsan lahayd halka ay joogaan wadamada Singapore, Shiinaha ama xattaa waddanka Maraykanka.
Waxaa cajiib ah in wadamada qaarkood ee ugu musuqa badan qaaradda ay yihiin wadamo muslim ah ama intooda badan dadkoodu muslim yahay. waddankeenna Soomaaliya ayaad wada og tihiin in musuqa adduunka uu kaga jiro kaalinta koobaad iyadoo ay adag tahay in la ogaado xisaabta saxda ah ee hantida la dhaco. Ogsoonow inta badan ama kulligeedba xoolaha ay dhacaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed maaha mid dalka ka soo baxday ee waa mid ay bixiyeen deeq bixiyaayaasha caalamka ama waddanka loo siiyo deyn ahaan.
Xaqiiqdii qaaraddan waxay u baahan tahay kacdoon dadwayne oo badbaadiya isla markaana qaaradda la sima ummadaha hormaray ee gartay in hantida dadwaynaha ee la dhaco kaliya aysan dhib u geysanayn jiilka hadda nool ee sidoo kale ay saameyn doonto jiilasha soo socda ee dhowrka fac ee danbe.
Akhlaaq xumada kale ee yaabka leh ayaa ah in kuwa xadaya xoolaha dadwaynaha ay mararka qaar kaaga horreeyaan masaajidda iyo goobaha kale ee cibaadada waa marka aysan muslim ahayne.
Safiirka cusub ee Maraykanka ee dalkan Kenya Ambassador Kyle McCarter oo arrintaas ka hadlayey ayaa siyaasiyiinta Kenya ku eedeeyey inay baryo Eebbe u smaynayeen sidii looga dhaafi lahaa tuugnimada ay ku kaceen.
Isla maanta waxaa safiir Kyle McCarter uu gudbiyey illaa boqol qof oo caan ah kuwaas oo Maraykanku doonayo inuu ku soo rogo cunaqabatayn sababo la xiriira musuq ay galeen.
Bal qiyaas waddankeenna intee qof baa cuna qabatayn la saari lahaa haddii xayiraadaha Kenayaanka lagu soo rogi lahaa ina saamayn lahayd. malaha cidiba ma badbaadeen.
Gunnaanadka waxaan oran lahaa qof walba oo haya xil dowladeed ha ogaado in hantida dadwaynaha aan lagu hodmin balse laga qaado cawaaqib xumo, cuduro iyo hurdo la'aan caafimaadkaaga saameyn ku yeelata. Fadlan xaaraan ha siin carruurtaada.
Laakiin musiibada ugu weyn ee Afrika haysata ayaa ah in hantida qaaradda ay inteeda badan gasho jeebab gaar ah.
Aqoonyahanada dhanka dhaqaalaha ayaa aaminsan in qaaradda Afrika ay sanad kasta musuq uga baxdo lacag gaaraysa 148 Bilyan oo doolar(maaha milyan ee waa BILYAN). Bal qiyaas lacagtaas waxa ay qaaradda u qaban lahayd gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, cuntada iyo guriyeynta dadka qaaradda u dhashay.
![]() |
| Mid kamid ah aqoonyahanno falanqaynaya hantida Afrika laga dhaco |
Aan tusale u soo qaadanno waddanka Nayjeeriya. Sanadihii u dhaxeyey 2010 illaa 2015kii waxaa waddankaas oo kaliya laga dhacay hanti inaad xisaabiso ay adag tahay, aan iraahdo balaayiin doolar. bal fiiri lifaaqa hoose.
| Hnatida la dhacay nayjeeriya snadihii 2010 illaa 2015. waxaa daabacay Wikipedia |
Waxaa cajiib ah in wadamada qaarkood ee ugu musuqa badan qaaradda ay yihiin wadamo muslim ah ama intooda badan dadkoodu muslim yahay. waddankeenna Soomaaliya ayaad wada og tihiin in musuqa adduunka uu kaga jiro kaalinta koobaad iyadoo ay adag tahay in la ogaado xisaabta saxda ah ee hantida la dhaco. Ogsoonow inta badan ama kulligeedba xoolaha ay dhacaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed maaha mid dalka ka soo baxday ee waa mid ay bixiyeen deeq bixiyaayaasha caalamka ama waddanka loo siiyo deyn ahaan.
Xaqiiqdii qaaraddan waxay u baahan tahay kacdoon dadwayne oo badbaadiya isla markaana qaaradda la sima ummadaha hormaray ee gartay in hantida dadwaynaha ee la dhaco kaliya aysan dhib u geysanayn jiilka hadda nool ee sidoo kale ay saameyn doonto jiilasha soo socda ee dhowrka fac ee danbe.
Akhlaaq xumada kale ee yaabka leh ayaa ah in kuwa xadaya xoolaha dadwaynaha ay mararka qaar kaaga horreeyaan masaajidda iyo goobaha kale ee cibaadada waa marka aysan muslim ahayne.
Safiirka cusub ee Maraykanka ee dalkan Kenya Ambassador Kyle McCarter oo arrintaas ka hadlayey ayaa siyaasiyiinta Kenya ku eedeeyey inay baryo Eebbe u smaynayeen sidii looga dhaafi lahaa tuugnimada ay ku kaceen.
![]() |
| Qoraalka safiirka Maraykanka ee Kiinyaan badan ka xanaaqeen. |
Bal qiyaas waddankeenna intee qof baa cuna qabatayn la saari lahaa haddii xayiraadaha Kenayaanka lagu soo rogi lahaa ina saamayn lahayd. malaha cidiba ma badbaadeen.
Gunnaanadka waxaan oran lahaa qof walba oo haya xil dowladeed ha ogaado in hantida dadwaynaha aan lagu hodmin balse laga qaado cawaaqib xumo, cuduro iyo hurdo la'aan caafimaadkaaga saameyn ku yeelata. Fadlan xaaraan ha siin carruurtaada.

Comments
Post a Comment