Aan marka hore tilmaamo in sababta dilkan foosha xun ee aan qoraalkan ka samaynayo keentay ahayd in dhagar qabe loo malaynayo inuu ka tirsan yahay ururka Alshabaab uu si bareer ah u dilay sargaal ka tirsan nabad sugidda maamulka Galmudug.
In Alshabaab bar tilmaameedsato madaxda iyo masuuliyiinta deegaanada Soomaalida waa wax waligeed soo jiray. Inta badan dadka falkan geysta way adag tahay in la qabto waana dilal abaabulan oo sida aan anigu rumaysanahay ay fududeeyaan isla dadka gobolka ama magaalada falka laga fulinayo daggan.
Deegaaanda Puntland ayaa arrintan aad looga yaqaannaa iyadoo lagu dilay dilal qorshaysan dad tobanaan qof gaaraya haddii aysan boqolaal dhaafin.
Aan hadda wax uun ka iraahdo dhacdada Gaalkacyo
Dil wadareedka Gaalkacyo ka dhacay uguma horrayn dil deegaanka ka dhaca. Balse dhowr waxyaabood buu uga duwan yahay dilalkii ka dhici jiray gobolkaas.
Waa marka koobaade in dad intaas tira le'eg oo si hayb ahaan loo soo soocay hal mar la dilo waayadan kama dhicin gobolka. Waxaa arrintaas ugu danbaysay baan isleeyahay dil ay geysteen maleeshiyo uu watay Jeneraal Caydiid oo markii ay magaalada Gaalkacyo qabsanayeen laayey ciidan deegaanka ahaa gaar ahaan qeyta Waqooyi ee magaalada.
Waa marka Labaade sida la og yahay ururka Alshabaab dadka ku jira ma kala laha qabiil iyo jifo. Waa dad ku midaysan fikrad iyo wax ay aaminsan yihiin taasoo ku hoggaamisa inay xattaa dilaan qofka dad u xiga sida hooyadiis ama aabbihiis. Haddaba dadka sidaas ah in loo tiiriyo qabiilada ay ka soo jeedaan waxay ka hor imaanaysaa caqliga iyo fikirka bad qaba ee noolaha maanta jooga.
Waa marka saddexaade dadka la laayey waa dad magan biday deegaanka ay joogeen. Waxay u yimaadeen inay ka shaqaystaan una shaqeeyaan dadka meesha deggan. Marka aan leeyahay u shaqeeyaan waxaan ula jeedaa in ay u keenaan ama qabtaan shaqooyin dad badan oo deegaankaas jooga aysan qabanayn ama mararka qaar kaba faanaan. Diinta Islaamka iyo dhaqanka soomaaliyeedba waa diideen in la dilo qof magantaa ah ama kula nool oo aan dagaal kugula jirin.
Dadka soomaaliyeed oo dhan arrintaan waa ka wada danqadeen waase in ficil loo baddelaa danqashadaas haddii la rabo in laga badbaado ciqaab Rabbi oo haddii aan ifka nala kugu keenin aakhiro nagu sugaysa.
Waa in caddaalad la hor keenaa kuwa falkaas geystay lana mariyaa ciqaabta ay mariyeen dadkaas masaakiinta ah ee ay dileen.
Dhanka kale waa in qofka soomaaliga ah dareemaa ammaan iyo xasilooni marka uu joogo dalkiisa kuwa dowladda dhexe sheeganayana haddii aysan arrintaas suurta galin karin waa inay umadda ka hor wareegaan. Runtii looma dulqaadan karo in qof Soomaali ah maalin walba lagu dulmiyo waddankiisa isagoo sababsanaya inuu ka soo jeedo beel heblaayo.
Qofna ma dooran beesha uu ka dhashay iyo halka uu ku dhashay. Waa in dadka Soomaaliyeed ka koraan fikirka qabaliga ah ee aan isku marinay. Waa inaan gunnimadaan ka baxnaa oo aan qaran iyo dowladnimo raadinaa.
Wabilaahi Towfiiq
![]() |
| Magaalada Gaalkacyo. Sawirka waxaan ka soo qaatay Google. |
In Alshabaab bar tilmaameedsato madaxda iyo masuuliyiinta deegaanada Soomaalida waa wax waligeed soo jiray. Inta badan dadka falkan geysta way adag tahay in la qabto waana dilal abaabulan oo sida aan anigu rumaysanahay ay fududeeyaan isla dadka gobolka ama magaalada falka laga fulinayo daggan.
Deegaaanda Puntland ayaa arrintan aad looga yaqaannaa iyadoo lagu dilay dilal qorshaysan dad tobanaan qof gaaraya haddii aysan boqolaal dhaafin.
Aan hadda wax uun ka iraahdo dhacdada Gaalkacyo
Dil wadareedka Gaalkacyo ka dhacay uguma horrayn dil deegaanka ka dhaca. Balse dhowr waxyaabood buu uga duwan yahay dilalkii ka dhici jiray gobolkaas.
| Madaxwayne Xasan Shiikh Oo ka tacsiyeynaya dhacdada |
Waa marka koobaade in dad intaas tira le'eg oo si hayb ahaan loo soo soocay hal mar la dilo waayadan kama dhicin gobolka. Waxaa arrintaas ugu danbaysay baan isleeyahay dil ay geysteen maleeshiyo uu watay Jeneraal Caydiid oo markii ay magaalada Gaalkacyo qabsanayeen laayey ciidan deegaanka ahaa gaar ahaan qeyta Waqooyi ee magaalada.
Waa marka Labaade sida la og yahay ururka Alshabaab dadka ku jira ma kala laha qabiil iyo jifo. Waa dad ku midaysan fikrad iyo wax ay aaminsan yihiin taasoo ku hoggaamisa inay xattaa dilaan qofka dad u xiga sida hooyadiis ama aabbihiis. Haddaba dadka sidaas ah in loo tiiriyo qabiilada ay ka soo jeedaan waxay ka hor imaanaysaa caqliga iyo fikirka bad qaba ee noolaha maanta jooga.
Waa marka saddexaade dadka la laayey waa dad magan biday deegaanka ay joogeen. Waxay u yimaadeen inay ka shaqaystaan una shaqeeyaan dadka meesha deggan. Marka aan leeyahay u shaqeeyaan waxaan ula jeedaa in ay u keenaan ama qabtaan shaqooyin dad badan oo deegaankaas jooga aysan qabanayn ama mararka qaar kaba faanaan. Diinta Islaamka iyo dhaqanka soomaaliyeedba waa diideen in la dilo qof magantaa ah ama kula nool oo aan dagaal kugula jirin.
Dadka soomaaliyeed oo dhan arrintaan waa ka wada danqadeen waase in ficil loo baddelaa danqashadaas haddii la rabo in laga badbaado ciqaab Rabbi oo haddii aan ifka nala kugu keenin aakhiro nagu sugaysa.
| Siyaasi Cabdirixmaan Cabdishakuur oo ka hadlaya dhacdada foosha xun |
Waa in caddaalad la hor keenaa kuwa falkaas geystay lana mariyaa ciqaabta ay mariyeen dadkaas masaakiinta ah ee ay dileen.
Dhanka kale waa in qofka soomaaliga ah dareemaa ammaan iyo xasilooni marka uu joogo dalkiisa kuwa dowladda dhexe sheeganayana haddii aysan arrintaas suurta galin karin waa inay umadda ka hor wareegaan. Runtii looma dulqaadan karo in qof Soomaali ah maalin walba lagu dulmiyo waddankiisa isagoo sababsanaya inuu ka soo jeedo beel heblaayo.
Qofna ma dooran beesha uu ka dhashay iyo halka uu ku dhashay. Waa in dadka Soomaaliyeed ka koraan fikirka qabaliga ah ee aan isku marinay. Waa inaan gunnimadaan ka baxnaa oo aan qaran iyo dowladnimo raadinaa.
Wabilaahi Towfiiq

Comments
Post a Comment