Maxamed Mursi waa madaxwaynihii u horreeyey ee wadamada carabta iyo dalka masarba si xor ah loo soo doorto. Ka sakow inuu ahaa aqoonyahan muslim carbeed ah, Mursi wuxuu kaloo ahaa aqoonyahan afmaal ah oo awood u lahaa inuu hadalkiisa ku qanciyo cid kasta oo wax tabanaysa.
Maxamed Maxamed Mursi Alciyaad wuxuu ku dhashay magaalo la yiraahdo Al-Adwah oo wax yar u jirta magaalada caasimadda ah ee Qaahira. Waxbarashadiisa shahaadada koobaad ee jaamacadda waxaa uu ku qaatay dalkiisa Masar. Kadib waxa uu galay labo sano oo tababar ciidan ah isagoo dhammaystay sanadkii 1976-dii
Intaas kadib waxa uu sii watay waxbarshadiisa isagoo diyaariyey shahaadada labaad ee Master oo isla Engineering uu ku qaatay.
Maxamed Mursi waxaa uu kadib helay deeq waxbarasho oo ay siisay dowladda Masar iyadoo loo diray Maraykanka isagoo ku diyaariyey shahaadadiisa PhD ee cilmiga materials science ee jaamacadda Southern California.
Intii uu ku noolaa Maraykanka Maxamed Mursi waxa uu noqday kaaliye macallin jaamacadeed intii u dhaxaysay sanadihii 1982 illaa 1985.
Sanadkii 1985 waxaa uu ka tagay shaqadii kaaliyanimada isagoo dib ugu laabtay waddankisa Masar. Waxaa uu helay shaqo bare jaamacadeed.
Waxaa uu bare ka noqday jaamacadda Zagazig University ee magaalada Zagazig halkaas oo markii danbe uu noqday madaxa qeybta Engineering-ka ee isla jaamacadda Zagazig University. Waxaa uu halkaas ka shaqaynayey illaa 2010-kii.
Mursi waxaa loo doortay xubin baarlamaan 2000 isagoo xildhibaan ahaa 2000 illaa 2005.
Sanadkii 2011 waxaa la xiray Maxamed Mursi iyo rag kale oo ka tirsan ururka Akhwaanul Muslimiinka. Laakiin wax yar kadib waa uu ka fakaday xabsigii isla maalmihii la xiray.
Madaxwayne Mursi waxaa 30 April 2011 loo doortay inuu madaxwayne noqdo isagoo hoggaaminayey xisbiga xornimada iyo caddaaladda.
Madaxwayne Mursi oo rabay inuu isbadel weyn ku sameeyo hannaanka maamul ee dalka Masar ayaa waxaa damiciisii dhibsaday ciidamadii dalka u talin jiray mudada dheer.
NInkii uu u magacaabay madaxa ciidamada ee Alsiis ayaa cinqilaabay isagoo ugu danbaynna god ku hubsaday. Nin aan saaxiib nahay oo arrimaha Masar aad ugu dhuun daloola ayaa ii xaqiiiyey in Madaxwayne Mursi looga digay magacaabidda Siisi laakiin maadaama uu ahaa nin niyad wanaagsan oo aan balo filan uu ka biya diiday taladii loo soo jeediyey.
Mursi waxaa uu ku xannuunsaday gudaha xabsiga iyadoo loo diiday wax dawo ah balse dad badan oo aan kamid ahay qabaan in xannuunka ka sakow Mursi u dhintay ciil iyo caro ku gaamurtay.
Siisi waxaa uu shacabka Masar dhadhansiinayaa ciqaabtii adduunka. Waxaa uu laayey boqolaal uu ku sheegay argagixiso ka tirsan ururka Akhwaanka una badan dhalinyaro soo kacasay.
Ilaahay naxariistiisa ha siiyo mudane Mursi oo aan u aqoonsaday halyeey muslim ah oo hiil ka waayey kuwii uu dantooda ka shaqaynayey

![]() |
| Mursi oo madaxwayne ah |

Comments
Post a Comment