Hodan Naaleeye... Gabar Soomaalinimadu dhab ka ahayd.

Inkastoo Hodan Naaleeye aana si shakhsiyan ah u aqoon haddana waxaa aad ii taabtay dhowr muuqaal oo aan ka arkay.
Dadka yaqaan Hodan waxay sheegeen inay mar walba ku dadaali jirtay sidii adduunka ay u arki laheeyeen in Soomaaliya aysan ahayn kaliya meel faqri iyo gaajo ee ay ka jiraan fursado kale oo badan.
Waxay Hodan xoogga saari jirtay in dhallinta soo kacaysa ay helaan fursado waxbarasho. Dhawaan waxaa la ii xaqiijiyey inay ku guulaysatay furitaanka iskuul ay da' yartu si bilaash ah wax ugu baranayaan kaas oo ay ka hirgelisay meel u dhow magaalada Laascaanood.

Sawirkaan waxaan ka soo qaatay Facebook page-ka Hodan.
Ilaahay naxariis ha siiyo.


MAXAA II BAXAY?

Waxaa ii baxay inay soomaalinimadu dhab ka ahayd. Waxay mar walba ka hadli jirtay sidii loo caawin lahaa dadka masaakiinta ah ee dhibaataysan. Shiikh Saciid Raage oo ay Hodan reer Kanada isla ahaayeen waxaa uu sheegay in Hodan ay biili jirtay carruur ku agoomowday dhibaatooyinkii ka dhacay Soomaaliya.
Hodan oo duleedka Kismaayo joogta.
Naxariis san in shaa Allaah.


Waxaa kaloo ii baxay in Soomaaliya ay khatar ku jiraan dhammaan dadka raba inay wax uun ku biiriyaan bulshada soomaaliyeed. Waxaa maalin walba la laynayaa hal doorkii dhaq dhaqaaqayey mana muuqato ifafaalo wax looga qabanayo joojinta dilalka noocaas ah.

MAXAA XAL AH 

Waa macquul in aniga sida xalku iila muuqdo uusan dad badan ula muuqan. Waxaan qabaa in dagaalka lagula jiro ururka Alshabaab wax laga baddelo. Labo mid waa in la sameeyaa:

Tan koobaad waa in raggaan lagula diriraa fikrad iyo ideology ahaan ee aan xabbadda kaliya lagu ekaan. Dhalinyarada fulinaysa weerarada waa dhalinyaro la soo baddelay loona sheegay in dilka walaalkiis uu janno ku galayo. Waa inaan raadinaa sidii aan dhallintaas iyagana u badbaadin lahayn dadkana looga badbaadin lahaa. Iima muuqato qodobkaan.

Tan labaadna waa inaan raadinaa heshiis lala galo nimankaas maadaama aysan muuqan cudud bar bar dhigmi karta Alshabaab. Fikir ahaantayda nagama go'i karaan dad qiimaha Hodan oo kale leh maalin walba. Haddii sidaan aan ku sii soconno waxaan halis ugu jirnaa in inta caqliga leh dhammaato kadibna sidii ay rabaan ka yeelaan bulshda.

DHIMASHADEEDA KADIB MAXAA NALA GUDBOON

Mar haddii Hodan u hoyatay gurigeedii saxda ah waa in ka bulsho ahaan aan ku dadaalnaa sidii ay u jiri lahaayeen riyooyinkeedii. Waa inaan masaakiintii ay biili jirtay aan kafaalo qaadnaa sidoo kale mashruucyadii kale ee ay wadday ka fakarnaa sidii ay u sii socon lahaayeen. Waa sida kaliya ee aan ku xusi karno geerideeda kadib.
Hodan iyo saygeeda cusub Fariid Jaamac Suleymaan
Waxay dhimatay 12.07 2019.

Waa inaan Shabaab u muujinnaa inay qof naga mid ah dili karaan laakiin aysan fikradaha dadkeenna wax ku oolka ah marnaba dili karin.

Ilaahay ha u naxariisto cid kasta oo xaqdarro lagu dilay.

Comments