Mid aan saaxiib nahay Qeybaha 4aad, 5aad iyo 6aad

Mid aan saaxiib nahay NO. 4
Mid aan saaxiib nahay baa maanta iwaydiiyey haddii labada dakadood ee Hobyo iyo Garacad la dhiso tee la isticmaal doonaa inleen wax qumman iskuma jiraane?
Waxaan ku iri waxaa aad loo isticmaali doonaa labada deegaan dadka dega kuwa aad carabta ugu eg dakadooda. 
Saaxiibkay illaa hadda waxaa uu ka fakarayaa labada reer kuwa carabta u ekaan kara.
Bal idinkuna ka fakara?

Mid aan saaxiib nahay NO. 5
Mid aan saaxiib nahay soo maanta wax igama waydiin arrimaha doorashooyinka maamulada Soomaaliya ka jira.
Anna waxaan aayar ugu sheegay sidaan;
Maamulada Puntland iyo Soomaalilaan cidda madaxwaynaha ka noqonaysa waxaa la yaqaan qabiilkooda oo kaliya.
Balse maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland waxaa la yaqaan qofka madaxwaynaha ka noqonaya magaciisa oo saddexan, qabilkiisa iyo dowladda ama kooxda wadata.
Hirshabeelle iyo Galmudug iyaga wax madaxwayne ka noqonaya xattaa lama saadaalin karo.
Aar soomaaliyeey goormaan gaaraynaa doorasho xor iyo xalaal ah?

Mid aan saaxiib nahay NO. 6

Midkii aan saaxiibka ahayn ee waydiimaha badnaa baan maanta su'aal ku tuuray maadaama isagu wax badan horay ii waydiiyey. 
Waxaan su'aalay magaalada Soomaaliya ugu dimuquraadiyaysan gaar ahaan marka xil la raadinayo.
Ismaba dhibine wuxuu qun yar u yiri waa Muqdisho. 
Intaan yaabay baan ku iri oo sidee ku dhici kartaa arrintaas.
Wuxuu yiri waa magaalada kaliya oo adoo Reer Garoowe ah aad gudoomiye degmo iskaga sharixi karto oo haddaba gabar reer Garoowe ah baa ole ole ka wadda baraha bulshada oo rabta inay noqoto gudoomiyaha degmada C/casiis.
Hambalyo reer Muqdisho Soomaalilaan idinkaa dimuquraadiyadda ay sheegtaan uga horreeya.
Laakiin soo dhaweeyo gabadhaas kolay mid baasaboor Yurub ama Maraykan wadataa laydiin keeni lahaaye.

Comments