MID AAN SAAXIIB NAHAY. NO. 1
Mid aan saaxiib nahay lacag fiicanna haysta baan dhowr jeer ku qalqaaliyey inuu guursado maadaama uu sii waynaanayo.
Wuxuu mar walba iigu cudur daartaa inuu la' yahay qof u qalanta. Maalin dhexdaas ah baa waxaa soo wacay aabihiis oo bishaaro uusan isagu ku farxin u wada. Waxaa loo sheegay in la siiyey gabar ina adeertiis ah oo iyana si guurka uga daahday. Waxaa loo raaciyey in bisha danbe uu yimaado magaalada aabbihii joogo iyadoo loogu sii daray in haddii uu gabadhaas diido xaal culus reerka qabanayo.Maalin dhexdaas ah baa waxaa soo wacay aabihiis oo bishaaro uusan isagu ku farxin u wada. Waxaa loo sheegay in la siiyey gabar ina adeertiis ah oo iyana si guurka uga daahday. Waxaa loo raaciyey in bisha danbe uu yimaado magaalada aabbihii joogo iyadoo loogu sii daray in haddii uu gabadhaas diido xaal culus reerka qabanayo.Ma wuxuusan talo iigu imaan baa isagoo talo ku cadaatay.
Malaha intii uu qof dhamaystiran raadinayey isagana mid baa kor ka ilaalaysatay.
Mac sonkor dheh.
Haddii aad wax xoogaa heli karto ha ka laba lahayn guurka ee horay isugu tuur (dabcan qorshe samaysasho kadib) intaan lagu ilaalaysan.
MID AAN SAAXIIB NAHAY. NO. 2
Hadda ka hor annaga oo dhiganna dugsiga hoose/dhexe ayaa mid kamid nin aan saaxiib kore ahayn waxaa igu soo diray kuwa kale oo fasalka nala dhigta.
Waxay ka dhaadhiciyeen inaan wax ka sheegay gabar walaashiis ah oo iyana fasalka nala dhigatay.Wuxuu ii yimid isagoo aad u xanaaqsan diyaarna u ah inaan is dagaalno oo indhaha galka ka saaraya.
Wuxuu igu yiri maxaad walaashay wax uga sheegtay?Waxay ahayd su'aal gar uu u lahaa. Laakiin sida hadalka uu ku bilaabay ayaa ahayd si qalafsan waanse u garaabay.Marka hore waxaan xasuusiyey mudada aan is naqaanay isagoo iiga garaabay inaan muddo badan isku fasal iyo saaxxiibba ahayn. Ugu danbayn waxaan ku qanciyey in walaashiis ay lamid tahay walaashay oo kale oo iska daa inaan caayo ama xumaan u quuree iyadoo dhibaataysan haddaan arko aan u caawin lahaa sidaan tan ila dhalatay u caawin lahaa. Ninkii markaad wixii ka danbeeyey waxaan noqonnay saaxiibbo isku dheer.
Bal qiyaas marka aad dhibaatayso gabar xannuunka uu dareemayo aababeed, walaalkeed ama wiilasha kale ee ay ehelka yihiin.
Waligaa gabar Soomaaliyeed ha u gafin dhibna ha u gaysan.
MID AAN SAAXIIB NAHAY. NO. 3
Maalin dhexdaas ah mid aan saaxiib nahay ayaa ii keenay nin oday ah oo aan ku qiyaasay inuu madaxa gelinayo da'da lixdanka hayeeshee ii sheegay inuu jiro kontan sano.
Waa nin qurbaha wax badan jiray daal badanna ka muuqdo. Wuxuu iigu keenay odaygaan inaan la raadiyo gabar wanaagsan oo uu guursado. Inkastoo aan dhowr jeer ka meermeeray maadaama aysan jirin gabdho meel iigu xaraysan haddana waxaan go'aansaday bal inaan odayga marka hore waraysto sida uu wax u rabo.
Wuxuu ii sheegay in uu lahaa xaas hore oo u dhashay lix carruur ah oo ay Yurub ku wada noolaayeen. Wuxuu iigu daray inay islaantaas kala tageen saddex sano ka hor haddana ayba wiil yar guursatay oo inta dhoofsatay la degtay waddankii ay ku noolaayeen. SIdaan ka fahmay odaygu wuxuu rabay inuu islaanta iska bareejeeyo oo uu gabar dhaylo ah beerka kala baxo.
Cabbaar haddii uu iiga waramay sababihii keenay kala taggooda ayaan u sheegay in gabdhaha Nayroobi intooda badan odayaasha ku xushaan jeeb qoyan waase macquul in la helo kuwa badan oo mustaqbal doon ah oo aan waxba u arkin waxa jeebkaaga ku jira.
Waxyaabaha uu ii sheegay waxaa kamid ahaa inuu leeyahay balwad laakiin uusan doonayn inuu u sheego gabadha uu rabo inuu guursado maadaama lagu diidi karo.
Waxba yaana hadal kugu daaline waxaa iiga soo baxay inuusan mudnayn in wax lala raadiyo waase ka xishooday inaan niyad jebiyo anigoo u xaqiijiyey inuu bal mar kale soo laabto waase iga diiday oo wuxuu ii sheegay inuusan noqonayn illaa uu hadafkiisa gaaro.
Ayaan kadib wuxuu ninkii ii keenay odayga ii sheegay in ninkii guursaday gabar yar oo uu ku qiyaasay da'da 20 sano laakiin ahayd mid ku cusub magaalada.
Sheekadan waxaan uga dan leeyahay in gabdhaha soomaaliyeed ka taxadaraan odayaasha qurbaha ka yimid. Intooda badan waxay gabdhaha u sheegaan waa been qaarkoodna waxay isku dayayaan inay ku qarsadaan si aan loo daba galin oo xaqiiqooyinkooda loo ogaan.
Nin kuu digay kuma dilin.

Comments
Post a Comment