SAFARKAYGII RUWAANDA


Hordhac

Waddanka Ruwaandha(Rwanda) waa mid kamid ah wadamada dhaca gobolka Bariga Afrika ee Qaaradda Afrika. Wuxuu kamid yahay wadamada laysku yiraahdo ama ku bahoobay urur gooleedka East Africa Community(Kenya, Uganda, Tanzania, Burundi iyo Rwanda). Tirade dadkiisu waa 11 milyan illaa 11 milyan iyo bar sida lagu sheegay tirakoobkii u danbeeyey ee la sameeyey sanadii 2015-ka. Baaxadda dhulka Rwanda waa 26,338 Kiilo mitir oo isku wareeg ah.

Waddanka Rwanda waxaa looga hadlaa oo Afka rasmiga ah ka ah Banyarwanda waxaase jira afaf kale oo dadka waddanku ku hadlaan sida Faransiiska, Ingiriiska, Sawaaxiliga iyo tiro aad u yar oo taqaanna afka Jarmalka. Cimilo ahaan waxay aad iskugu dhow yihiin cimilada waddanka Uganda oo qofka Kampala tagay waa dareemi karaa inkastoo habeenkii qabaw ka jiro sida cimilada caasimadda Kiinya ee Nayroobi.

Hab maamulka dalku waa mid jamhuuriyad ah oo waxaa sida rasmiga ah waddanka loogu yaqaan Jamhuuriyadda Rwanda. Waddanku wuxuu leeyahay madaxwayne iyo ra’isul wasaare. Madaxwaynaha hadda talada waa Paul Kagame, waxaana uu hayaa xilkaas tan iyo sanaddii 2000. Ra’isul wasaaraha dalku waa Édouard Ngirente waana nin ay aad iskugu dhow yihiin madaxwaynaha. Dalku wuxuu sidoo kale leeyahay baarlamaan labo qeybood(aqalka sare ama Senate-ka iyo aqalka Hoose oo ay u yaqaanaan Chaber of Deputies) kuwaas oo sideedii sanaba mar la soo doorto.

Waddanka Rwanda waxaa uu ka kooban yahay shan gobol inkastoo caasimadda Kigali aan loola dhaqin sida gobol oo kale laakiin ay leedahay shuruuc gaar u ah oo lagu hago. Goboladu waxa ay kala yihiin Northern ProvinceSouthern ProvinceEastern ProvinceWestern Province iyo Municipality of Kigali.

SOCDAALKII RWANDA

Dhammaadkii bisha November ee sanadkii 2019 ayaan helay ogolaanshaha shir looga hadlayey mustaqbalka lixdanka sano ee soo socota ee qaaradda Afrika, shirkaas ayaa lagu qabanayey caasimadda waddanka Rwanda ee Kigali. Shirka waxaa soo qaban qaabisay hay’adda warbaahinta ee Nation Media oo xarunteeda ugu weyn ku taalla magaalada Nayroobi.
Waxaan Nayroobi safar dhulka ah uga ambaxay afartii bisha December aniga oo ku sii hakaday Kampala oo aan ahl maalin ku nastay. Isla habeenimadii 6da bisha December abaare afartii ama tobankii habeenimo ayaan ka sii baxay Kampala oo aan u jihaystay caasimadda Kigali. Waa magaalo aana waligay tagin balse sida la ii sheegay dadkeedu yihiin dad aan safarlayda u xumayn waana sida ay noqotay.

Aroornimadii 7da bisha December, 7dii subaxnimo amah al saac oo subaxnimo ayaan ka tallaabay xuduudda Rwanda. Isla markiiba isbaddel baan dareemay.
Meeshii ugu horraysa ee aan isbaddelkaas ka arkay waxa ay ahayd magaalada xuduudda ku taal ee la yiraahdo Gatuna.

Waa sawir aan ka qaaday magaalada Xuduuda ah Gatuna oo ah halka Rwanda laga galo marka laga yimaado Kampala, Uganda



Maadaama aan habeenkii oo dhan safar ahayn, waxaa markii aan helnay ruqsadda ogolaanshaha dal ku galka(Visa) aan u baahanay musqulo aan ku xaajo gudanno. Musqulaha naloo tilmaamay ayaa ka duwanaa kuwii wadamada kale ee aan horay u arki jiray. Waxay ahaayeen nadiif illaa aad is tiraahdid meeshan ma aha miyaa musqulo loogu tala galay inay isticmaalaan dadka oo idil(Public). Waxaa intaas dheeraa in qofkii u baahda inuu biyo la galo musqusha loo diyaariyey weelal loogu tala galay sida dadka muslimka ah ee u baahan inay biya isticmaalaan marka ay xaajo gutaan.

Waxaan sii wadanay safarkeenii ku jihaysnaa magaalada Kigali. Waxay indhahaygu qabanayeen dhulka buuraha ah ee doogga Alle ku manaystay kuwaas si qurux badan loo habeeyey loona bilciyey. Dad aan u malaynayo inay ahaayeen beeralay ayaa ka soo dagayey buuraha qaar iyagoo marayey wadada dhinaceeda oo looga sameeyey meelo aan halis galin Karin naftooda oo ay maraan. Uganda ayaa sidaas ka duwan, Kampala waxay can ku tahay waddooyin ciriiri ah oo dadku khatar ugu jiraan in gawaaridu jiirto maadaama aan looba hagaajin meelihii dadku ku socon lahaa.

Waxaan Kigali soo gaaray abaare 10.30 subaxnimo. Meeshii aan baska uga degtay waxaan ka helay gabar Rwandese ah oo meesha dukaan lacagaha qalaad lagu sarrifo ku haysatay, waxaana markii aan ka baddeshay lacag yar oo Ugandese ah waydiiyey inay ii sheegto halka uu ku yaal Hoteel aan horay u sii qabsaday. Way garatay address-ka waxaana ay isla markiiba ii dalabtay gaari taxi ah kaa soo toban daqiiqo kadib i geeyey meeshii aan dagi lahaa maalmaha aan magaalada joogo.
Shirka aan u socday waxaa uu dhacayey sideedda iyo sagaalka bisha December waxaana haystaa maalinta aan imid oo aan rabo bal inaan ku yara nasto.

Caasimadda KIGALI. sawirka waxaan ka soo qaatay Google.


Alle mahaddii shirkii waa noo dhacay wax walbana sidii loo qorsheeyey ayey ku socdeen. Dadka shirka ka qeyb galay oo furay waxaa kamid ahaa madaxwayne Kagame oo la yimid madasha marwada kooobaad ee dalka. Waxaa iyana shirka ka qeyb galayey madaxwaynaha waddanka Koongada Dimuquraadiga ah  Félix Tshisekedi, guddoomiyaha midowga Afrika Musa Faki Mahamet, hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga wafdi ka socday Nigeria iyo xubno matalayey qaramada Midoobay. Waxaa xusid mudan in madaxwayne Kagame aysan hoolka shirka la soo galin askar fara badan oo dadka ku soo jeestay sida aan ku aragno madaxda Soomaalida, inkastoo baaritaan dheer la maray markii aan soo galaynay hoolka. Habeenimadii maalinta shirku noo furmay waxaa casho naloo geeyey xarunta ugu caansan Kigali ee Kigali Convention Centre; waa xarun qof Kigali jooga ama daggan uusan ka lumayn.
Xarunta Intare Arena ee shirku ka dhacayey. Sawirka aniga ayaa qaaday.


Markii uu shirku noo dhamaaday sagaalkii bisha, waxaa ergadii shirka dalxiis ku casumay wasiirka waxabarashada dalka Rwanda inkastoo laga cudur daartay maadaama dadku ay wada lahaayeen safaro qorshaysan oo dadka qaarkiis diyaaradaha ku qornaa isla habeenimadii shirku dhamaaday.

Qoraaga oo taagan albaabka hore ee xarunta Shirka. Kigali, Rwanda.



BOOQASHADII KIGALI MEMORIAL CENTER

10kii bisha December oo ahayd maalintii iigu danabysay waxaan booqasho ku tagay Matxafka Xasuuqii ka dhacay Rwanda oo la yiraahdo Kigali Memorial Centre. Waa meel qof Kigali lugta saara ay lagama maarmaan u  tahay inuu soo dhugto. Galisteedu waa lacag la’aan inkastoo la bixiyo lacago loogu tala galay adeegyada qaarkood qofkii u baahda. waxaa sidoo kale kuu furan inaad tabauraac la baxdo.


Waa sawir aan ka qaaday Matxafka Kigali Memorial Center. Waa qeyb kamid ah lafo qalalay oo kaimd ah dadkii la laayey



Waxaa meeshaas yaalla wax walba oo lagu xasuusan karo dhibaatada ay isku gaysteen dadka reer Rwanda. Qoraalada, sawirada, qoryaha iyo madaxyada qalalay ee ka muuqda halkaas ayaa ka dhigan inaad indhahaaga ugu jeeddo dhibtii dhacday. Sababta keentay xasuuqaas ayaa ahayd in la dilay madaxwaynihii dalkaas Juvénal Habyarimana oo ay la dhacday diyaarad gaar ah oo wadday. Illaa hadda lama caddayn cidda soo ridday diyaaradaas oo ka dagaysay gagidda diyaaradaha Kigali inkastoo dad badan rumaysan yihiin inuu qorsheeyey madaxwaynaha dalka hadda ka taliya ee Paul Kagame oo markaas hoggaaminayey jabhadda Rwnada Patriotic Front. Mase jirto cid arrintaas xaqiijin karta.
Madaxyo dad oo qalalay. waxaan ka qaaday matxafka Kigali Memorial Center.

Gabao gabada:

Intii aan joogay wadadnka Rwanda waxaan ka fahmay:
         In waddanku masuq maasuqa ka jira aad u yar yahay. Ma oran waa eber(zero) laakiin waxaa ii muuqday in dhinacyada ugu badan ee masuq maasuqa sameeya aadan arkayn iyagoo laaluush qaadanaya ama kaala hadlay wax laaluush la xiriira;

2.       Waddunku wuxuu hormar ka sameeyey is cafintii uu ku dhaqaaqay taasoo uu curinteeda lahaa madaxwaynaha talada haya Paul Kagame;

3.       Waxay ka gudbeen qabyaaladdii. Mid kamid ah dadka u dhashay dalka ayaan waydiiyey qabiilka madaxwaynaha anigoo horay u ogaa. Laakiin wuxuu ii xaqiijiyey inaysan dalka jirin cid sheegan karta qabiil gaar. Dadku waa wada Rwandese ayuu iigu sii daray;

4.       Nadaafadda waddanku waa mid aad u sarraysa. Kigali waxay noqotay caasimaddii ugu nadiifsanayd ee toddobo caasimadood oo Afrika ku yaalla oo aan tagay;

5.       Sharciga ayaa wax walba ka sarreeya. Ma jirto wax aad lacag ku heli karto si kasta oo aad samayso. Xuduudka dalka ayaa ah meelaha ugu daran ee wax walba la baarayo. Ma jirto wax aysan dadka ka shaqaynaya xuduudka ogayn oo dalkaas gali kara. (No Smuggling);

6.       Dhanka baabuurta dadwaynaha waxaa jira shuruuc adag. Ma jiro gaari istaagi kara meel aan ahayn busteejo gaari. Waxaa sharciyadaas la qaba mootooyinka oo iayguna u hoggansamaya shuruucda gawaarida oo kale. Waxaa halkaas uga duwan Kiinya iyo Uganda oo mootooyinkoodu aysan wax shuruuc ah lahayn;

7.       Dadka Rwnadese-ka ah waa dad ay ku yar tahay khiyaanadu ama wax isdaba marintu. Nin aan meesha ku bartay oo Rwandesa ah wuxuu ii sheegay in intii uu garaadsaday uu hal mar maqlay wasiir musuq lagu eedeeyey asna uu hadda qaadanayo 25 sano oo xarig ah oo lagu xukumay;

8.       Nolosha dalku qaali bay iila muuqatay sababtana waa in dakhliga shakhsiga ah ee dadka soo gala badan yahay.

Ugu danabyn waddan walba oo Afrika ku yaal cashar buu ka baran karaa Rwnada gaar ahaan dalkeenna Soomaaliya oo wali la tacaalaya dhibaatooyinkii ay soo mareen dalka Rwanda..

Dhammaad

Waxaa qoray: Saciid Khaliif

Comments