WAR MAAN KU DAYANNO...


Bishaan Ramadaan waa iiga duwan tahay bilihii Ramadaan ee aan noloshayda ku soo qaatay tan iyo markii aan garaadsaday. Waxaa nala ku soo rogay bandaw bilaabanaya toddobada habeenimo, Masaajiddii waa nala ka xiray oo guryaha ayaan intii aan ka gaarno ku cibaadaysanaa. Laxaw aan u qabo fiidsigii wacnaa ayaa waayadan i gubaya inkastoo mararka qaar laygu qanciyo in caafimaadkayga la ilaalinayo oo aan taas isku samirsiiyo.

Waa fiid hore oo labo yar yar oo aan dhalay iga seexdeen. Fadhiga aan hadda fadhiyaana waa ii firaaqoobay oo shanqarta ayaa sii yaraanaysa. Inkasta oo aan meel dheer ka maqlayo dadyow sheekaysanaya oo malaha cawaysinka Ramadaan ku nasanaya.

Marka jawigu sida kore ii yahay waxaan inta badan isha mariyaa bal waxyaabaha warbaahinta adduunku maanta qortay. dhowr bog oo aan jeclahay baan furaa aniga oo ka raadinaya bal waxa uu macquulsan ee wararka iyo sheekooyinka aadanaha taabanaya ay ka qoreen.



Kuwa aan ugu jeclahay inaan furo waxaa kamid ah bogaggga kala: Aljazeera English, Aljazeera Arabic, BBC English iyo Bogga CNN ee dhanka Dimuquraadiga u janjeera, una yaqaan madaxwayne Trump inay tahay mid kamid ah been hawaasyada ugu afka dheer (Fake News). Kuwa soomaalida waxaan inta badan daalacdaa hal website oo aan ku tuhmayo inuu xoogaa warar lagu kalsoonaan karo qoro, waana webka la yiraahdo Jowhar.com.

Mar aan akhrinayey mid kamid qoraal uu qoray nin la yiraahdo Khaalid Albaih oo ah Suudaani ku dhashay waddanka Roomaaniya haddana ku nool waddanka Denmark, ayaa waxaa halmar qalbigayga ku soo dhacay oraahda aan cinwaanka uga dhigay qoraalkaygan ee ah "War maan ku dayanno". Waxaan la yaabay sida ninkaas da'da afartanaad ku jira uu uga waramayo sida adduunka saamaynta xoogga leh uu ugu yeeshay cudurka Covid-19 iyo sida uu u kala xiray. Wuxuuse isagu ku doodayaa in dhibaatada caalamka hadda ka jirta ay la noolaayeen dadka madaw ee adduunka ku nool, isagoo tusaale u soo qaadanya waddankiisa Suudaan.

(https://www.aljazeera.com/indepth/opinion/normal-normal-200426164350286.html)

Waxaan is waydiiyey maxaa Website-yadeena u diiday inay daabacaan qoraalada ninkaas oo kale. Ma dadkeenna ayaan wax qorin mise haddii ay qoreen annaga ayaan wax akhrin.
Waxaan kaloo iswaydiiyaa sida dagalada soomaalida ee wararka qora ay kaliya u xiiseeyaan wararka siyaasadda qariban ee dalkeena ka jira. Maxaa u diiday sheekooyinka saamaynta ku leh bani aadamka iyo shucuubta kala duwan? Ciyaaraha, Tiknoolajiyadda, Iwm.

Waxaan ka fakaray haddii kuwa maalka Alle siiyey maalgashan lahaayeen warbaahin u shaqaysa si ka duwan sida kuwa maanta jira u shaqeeyaan.

Illaa intee wadaynaa wararka ka bilaabanaya;
Deg deg: Qarax meel hebel ka dhacay
Siyaasi hebel oo war la yaab leh sheegay
qabiil hebel oo go'aan ka qaatay dowlad hebel .... Iwm.

Runtii mararka qaar waxaan dareemaa masayr xad dhaaf ah gaar ahaan marka aan warbaahinta ku qoran afafka qalaad ee tabinaya sheekooyinka aan siyaasadda ahayn ee xiisaha, soo jiidashada iyo madadaalada leh.

Ma inkirsani inay jiraan qeyb kamid ah warbaahinta dalkeenna ee xoogaa baraaruga samaynaya inkastoo kuwaas ay harqinayaan kuwa ka tira badan oo lagu ibtileeyey ciwaanada aan kor ku xusay.

Wali waxaan sugayaa qaangaarka warbaahinta Soomaaliyeed.

DHAMMAAD.

Comments