Waxaan dhagaystay waraysi dheer oo illaa muddo hal saac ah
soconayey oo lala yeeshay madaxwaynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe
Muxumed Cumar (Mustaf Cagjar). Inkastoo ay yar tahay inaan dhamaysto waraysiyada
siyaasiyiinta Soomaalida lala yeesho maadaama aan qabo tuhun ah in intooda
badan ay iyagu maalgalintiisa la baxeen, haddana kii Cagjar wuxuu ahaa mid u
muuqday mid si la kala madax bannaan yahay wax walba laysku waydiinayey.
Aan ku hormaro wariye Cabdi-xaafid oo ahaa wariyaha
waraysanayey Madaxwaynaha ayaa inta aan ka aqaan ah wariye leh xirfad
warbaahineed oo dhinac walba ka diyaarsan, hadday ahaan lahayd akhlaaqiyan,
xirfad ahaan iyo run indhaha layska saaro intaba. Dhanka su’aalo waydiinta, waxaa
uu Cabdi-xaafid aragti ahaantayda iila muuqday nin mawduuca iyo xaaladda
deegaanka si fiican u soo baaray xog baddanna watay. Waxaa sidoo kale aad uga
qancay habka su’aalaha daba socda kuwa uu horay u waydiiyey (Follow Up
questions) uu mar walba u daba dhigayey jawaabaha uu madaxwaynuhu bixinayey. Waxaa
sidoo kale xusid mudan in uu dhowr jeer waydiiyey su’aalo ay soo gudbiyeen qeyb
kamid ah dadka ku xiran muuqaal baahiyaha.
| Wariye Cabdi-xaafid oo waraysanaya Madaxwayne Mustafe Cagjar |
Dhanka madaxwaynaha haddii aan dhowr arrimood ka sheego
waxaan oran karaa marka hore waa masuulkii ugu horreeyey ee waayadan danbe
(shantii sano ee u danbaysay) ee si toos ah inta muuqaal baahiye loogu casumo
su’aalo toos ah loo waydiiyo kana jawaaba isagoo aan su’aalo laysugu aadiyey u
dhiiban qofka waraysanaya. Waxaan arkay dad badan oo sheegay in su’aalaha la
waydiinayey Mustafe Cagjar ku tilmaamay kuwa diyaarsan, waxaase taas beeninaya
waydiimaha daba socodka lahaa (Follow Up questions) ee kaba tira badnaa su’aalaha
kale ee la waydiiyey ee malaha horay loo soo diyaariyey. Wuxuu u muuqday nin
isku kalsoon oo inta badan waxa uu sheegayey ay niyadda ka jiraan isla markaana
diyaar u ah inuu difaacda aragti walba oo uu aaminsan yahay.
Waxaa iyana yaab lahayd sida uu u hayey xogta deegaanka uu
ka taliyo hadday ahaan lahayd mashaariicda, dhaqaalaha, iyo xattaa dadka inta
la xiray lasii daayey iyo waxa mid walba ku eedaysnaa. Tusaale ninka la
yiraahdo Inshaar ayuu sheegay in loo xiray eedaymo loo haystay, isagoo aan
sheegin eedaymahaas maadaama buu yiri ay wax u dhimi karto naf ahaantiisa iyo
sida uu sku difaacayo hadhow.
Arrinta kale ayaa ahayd in madaxwayne Cagjar uu toos u
qirtay khalad dhanka xiriirka uu la leeyahay wasiiradiisa ee horay uga dhacay
kaas oo ku saabsanaa mashruuc laga hirgalinayey meel kamid ah deegaanka. Khaladkan
ayaa ahaa in madaxwaynuhu mar sheegay in mashruucaas uu bilowday halka mid
kamid ah wasiiradiisa oo arrintu qusayay uu sheegay in mashruucaas uusan
bilaaban. Waxaase madaxwaynuhu isku difaacay in adduunka oo dhan khalad dhanka
xiriirka ama ismaan dhaafka dad wada shaqeeya uu dhaco isagoo markii danbe ku
daray in mashruucaas dhismihiisa oo ah isbitaal la dhisayey uu dhamaaday
haddana ay u dhiman tahay kaliya in la qalabeeyo.
![]() |
| Bidix: Madaxwayne Cagjar, Ra'isul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Wasiirka maaliyadda Itoobiya Axmed Shide. |
Waxaa iyana aad iiga farxisay in markii malaha u horraysay qof
deegaankaas jooga aan maqlay in loo xiray dad uu ku been abuurtay kaasoo
madaxwaynuhu sheegay in loo xiray mid kamid ah dadka isaga ka soo horjeeda
inkastoo markii danbe la sii daayey. Ninkaas ayuu sheegay in uu ku been
abuurtay wadaado masaakiin ah oo deegaanka ku nool isagoo ku tilmaamay inay
Alshabaab yihiin.
Dhanka kale waxaa madaxwaynuhu uu aad ugu celcelinayey sida
xooggan ee uu uga soo horjeedo kooxdii horay uga talin jirtay deegaanka ee
Cabdi Ilay madaxda u ahaa. Wuxuu iyana si dadban u dhaliilay ururka ONLF
(Ogaden National Liberation Front) oo uu sheegay inay wataan magic qabiil loona
baahan yahay inay badalaan. Waa arrin ay marar badan si daah furan uga hadleen
madaxda ururka ONLF iyagoo sheegay in magacan uu bixiyey gumaystihii Ingiriiska
isla markaana meel walba lagu qoray, si loo baddalana ay u baahan tahay waqti
dheer iyo dadaal dheeri ah oo adduunka looga dhaadhiciyo arrintaas.
Waxyaabihii uu aadka wariyaha uga qanciyey waxaa iyana kamid
ahaa biya la’aanta deegaanka gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Jig Jiga. Arrintan
ayaa aniga mucjiso igu noqotay iyadoo aan mar walba xilligii Cabdi Ilay
deegaanka ka talin jiray maqli jiray cell biyood meel laga furay iyo mashruuc
biyood meel laga hirgaliyey. Madaxwayne Cagjar ayaa sheegay in arrinta biya la’aanta
tahay mid waligeed meesha ka jirtay intii karaankiisa ahna uu wax ka qabtay. Waxaa
uu sheegay in dad badan ku soo jabeen magaalada Jig-Jiga, taasina keenayso biya
yaraanta jirta. Waxaana gabagabadii su’aashay uu wariyaha u sheegay in
macluumaadka biyaha la xiriira uu wax ka waydiiyo wasiirka Biyaha ee deegaanka
gaar ahaan marka ay timaaddo cadadka iyo qiyaasta qoys walba isticmaali karo iyo
inta hadda la heli karo. Waxay iila muuqatay howl uu waxna ka iftiimiyey intii
hartayna uu qofkii ku shaqada lahaa u weeciyey.
![]() |
| Sawirka madaxwayne Mustafe Cagjar |
Gaba gabadii waxaa uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu ka
qeyb galo dood kasta oo furan oo uu qabanayo wariye cabdi-xaafid kuna soo
dhawaynayo deegaanka haddii uu rabo inuu yimaado si uu ugu kuur galo xaaladda
deegaanka.
Waydiimo kale oo uu si hufan uga jawaabay waxaan uga tagay
si uusan qoraalku iila dheeraan.
Ugu danbayn waxaa muuqata in Dowlad Deegaanka Soomaalidu uu
helay nin wax badan ka qaban kara haddii lala shaqeeyo una muuqda daacad wax
soo kordhin kara.
Waxaan Alle uga rajaynayaa masuul kasta oo Soomaaliyeed ee
raba inuu dadkiisa iyo deegaankiisa u shaqeeya in Rabbi la garab galo.
Dhammaad.
Waxaa qoray Saciid Khaliif
Nairobi, Kenya.
La wadaag saaxiibadaa adiga oo xigashada raacinaya.
Mahadsanidiin.


Comments
Post a Comment