WARAYSIGII MUSTAFE CAGJAR “NIN DOODDIISA, HADAFKIISA IYO HIMILADIISA DIFAACAN KARA”


Waxaan dhagaystay waraysi dheer oo illaa muddo hal saac ah soconayey oo lala yeeshay madaxwaynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar (Mustaf Cagjar). Inkastoo ay yar tahay inaan dhamaysto waraysiyada siyaasiyiinta Soomaalida lala yeesho maadaama aan qabo tuhun ah in intooda badan ay iyagu maalgalintiisa la baxeen, haddana kii Cagjar wuxuu ahaa mid u muuqday mid si la kala madax bannaan yahay wax walba laysku waydiinayey.

Aan ku hormaro wariye Cabdi-xaafid oo ahaa wariyaha waraysanayey Madaxwaynaha ayaa inta aan ka aqaan ah wariye leh xirfad warbaahineed oo dhinac walba ka diyaarsan, hadday ahaan lahayd akhlaaqiyan, xirfad ahaan iyo run indhaha layska saaro intaba. Dhanka su’aalo waydiinta, waxaa uu Cabdi-xaafid aragti ahaantayda iila muuqday nin mawduuca iyo xaaladda deegaanka si fiican u soo baaray xog baddanna watay. Waxaa sidoo kale aad uga qancay habka su’aalaha daba socda kuwa uu horay u waydiiyey (Follow Up questions) uu mar walba u daba dhigayey jawaabaha uu madaxwaynuhu bixinayey. Waxaa sidoo kale xusid mudan in uu dhowr jeer waydiiyey su’aalo ay soo gudbiyeen qeyb kamid ah dadka ku xiran muuqaal baahiyaha.

Wariye Cabdi-xaafid oo waraysanaya Madaxwayne Mustafe Cagjar


Dhanka madaxwaynaha haddii aan dhowr arrimood ka sheego waxaan oran karaa marka hore waa masuulkii ugu horreeyey ee waayadan danbe (shantii sano ee u danbaysay) ee si toos ah inta muuqaal baahiye loogu casumo su’aalo toos ah loo waydiiyo kana jawaaba isagoo aan su’aalo laysugu aadiyey u dhiiban qofka waraysanaya. Waxaan arkay dad badan oo sheegay in su’aalaha la waydiinayey Mustafe Cagjar ku tilmaamay kuwa diyaarsan, waxaase taas beeninaya waydiimaha daba socodka lahaa (Follow Up questions) ee kaba tira badnaa su’aalaha kale ee la waydiiyey ee malaha horay loo soo diyaariyey. Wuxuu u muuqday nin isku kalsoon oo inta badan waxa uu sheegayey ay niyadda ka jiraan isla markaana diyaar u ah inuu difaacda aragti walba oo uu aaminsan yahay.

Waxaa iyana yaab lahayd sida uu u hayey xogta deegaanka uu ka taliyo hadday ahaan lahayd mashaariicda, dhaqaalaha, iyo xattaa dadka inta la xiray lasii daayey iyo waxa mid walba ku eedaysnaa. Tusaale ninka la yiraahdo Inshaar ayuu sheegay in loo xiray eedaymo loo haystay, isagoo aan sheegin eedaymahaas maadaama buu yiri ay wax u dhimi karto naf ahaantiisa iyo sida uu sku difaacayo hadhow.

Arrinta kale ayaa ahayd in madaxwayne Cagjar uu toos u qirtay khalad dhanka xiriirka uu la leeyahay wasiiradiisa ee horay uga dhacay kaas oo ku saabsanaa mashruuc laga hirgalinayey meel kamid ah deegaanka. Khaladkan ayaa ahaa in madaxwaynuhu mar sheegay in mashruucaas uu bilowday halka mid kamid ah wasiiradiisa oo arrintu qusayay uu sheegay in mashruucaas uusan bilaaban. Waxaase madaxwaynuhu isku difaacay in adduunka oo dhan khalad dhanka xiriirka ama ismaan dhaafka dad wada shaqeeya uu dhaco isagoo markii danbe ku daray in mashruucaas dhismihiisa oo ah isbitaal la dhisayey uu dhamaaday haddana ay u dhiman tahay kaliya in la qalabeeyo.

Bidix: Madaxwayne Cagjar, Ra'isul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Wasiirka maaliyadda Itoobiya Axmed Shide.


Waxaa iyana aad iiga farxisay in markii malaha u horraysay qof deegaankaas jooga aan maqlay in loo xiray dad uu ku been abuurtay kaasoo madaxwaynuhu sheegay in loo xiray mid kamid ah dadka isaga ka soo horjeeda inkastoo markii danbe la sii daayey. Ninkaas ayuu sheegay in uu ku been abuurtay wadaado masaakiin ah oo deegaanka ku nool isagoo ku tilmaamay inay Alshabaab yihiin.

Dhanka kale waxaa madaxwaynuhu uu aad ugu celcelinayey sida xooggan ee uu uga soo horjeedo kooxdii horay uga talin jirtay deegaanka ee Cabdi Ilay madaxda u ahaa. Wuxuu iyana si dadban u dhaliilay ururka ONLF (Ogaden National Liberation Front) oo uu sheegay inay wataan magic qabiil loona baahan yahay inay badalaan. Waa arrin ay marar badan si daah furan uga hadleen madaxda ururka ONLF iyagoo sheegay in magacan uu bixiyey gumaystihii Ingiriiska isla markaana meel walba lagu qoray, si loo baddalana ay u baahan tahay waqti dheer iyo dadaal dheeri ah oo adduunka looga dhaadhiciyo arrintaas.

Waxyaabihii uu aadka wariyaha uga qanciyey waxaa iyana kamid ahaa biya la’aanta deegaanka gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Jig Jiga. Arrintan ayaa aniga mucjiso igu noqotay iyadoo aan mar walba xilligii Cabdi Ilay deegaanka ka talin jiray maqli jiray cell biyood meel laga furay iyo mashruuc biyood meel laga hirgaliyey. Madaxwayne Cagjar ayaa sheegay in arrinta biya la’aanta tahay mid waligeed meesha ka jirtay intii karaankiisa ahna uu wax ka qabtay. Waxaa uu sheegay in dad badan ku soo jabeen magaalada Jig-Jiga, taasina keenayso biya yaraanta jirta. Waxaana gabagabadii su’aashay uu wariyaha u sheegay in macluumaadka biyaha la xiriira uu wax ka waydiiyo wasiirka Biyaha ee deegaanka gaar ahaan marka ay timaaddo cadadka iyo qiyaasta qoys walba isticmaali karo iyo inta hadda la heli karo. Waxay iila muuqatay howl uu waxna ka iftiimiyey intii hartayna uu qofkii ku shaqada lahaa u weeciyey.

Sawirka madaxwayne Mustafe Cagjar


Gaba gabadii waxaa uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu ka qeyb galo dood kasta oo furan oo uu qabanayo wariye cabdi-xaafid kuna soo dhawaynayo deegaanka haddii uu rabo inuu yimaado si uu ugu kuur galo xaaladda deegaanka.

Waydiimo kale oo uu si hufan uga jawaabay waxaan uga tagay si uusan qoraalku iila dheeraan.
Ugu danbayn waxaa muuqata in Dowlad Deegaanka Soomaalidu uu helay nin wax badan ka qaban kara haddii lala shaqeeyo una muuqda daacad wax soo kordhin kara.

Waxaan Alle uga rajaynayaa masuul kasta oo Soomaaliyeed ee raba inuu dadkiisa iyo deegaankiisa u shaqeeya in Rabbi la garab galo.
Dhammaad.

Waxaa qoray Saciid Khaliif
Nairobi, Kenya.
La wadaag saaxiibadaa adiga oo xigashada raacinaya.
Mahadsanidiin.

Comments