SAFARKAYGII MASAR AMA EGYPT....Qiimeyn Guud.

 

Marka aan qoraalkaan bilaabayo waxaan fadhiyaa qol aad u qurux badan oo ku yaalla magaalo xeebeedka loo dalxiis tago ee Sharmal Shiikh. Waa magaalo dhacda inta u dhaxaysa Badda cas iyo lama dagaanka Siinaay. Inta badan dadka yimaada waa dad dalxiisayaal ajnebi ah u badan. Illaa hadda dadka indhahaygu qabteen waxaa u badan Hindi aan umalaynayo inay ladan yihiin iyo caddaan ingiriis ah oo kooxo kooxo u socda. Waxaa ii sawiran koox Green Tea la baxday oo aan garoonka diyaaradaha Sharmal Sheekh ku kullannay. Malaha waa kuwa diet ama is caatayn ku jira. Waxaa yaab lahayd inay hoggaaminaysay islaan yara buuran oo surwel daba gaab ah xirnayd. Niyaddaan iska iri tani malaha koox is caataynaysa madax uma noqon kartee amay lacag leedahay oo ay niyadda u dhisayaan.

Safarkeenii koobaad ee soo galitaanka Masar waxaa uu ka bilowday Cairo International Airport. Waa mid kamid ah meelaha ugu fudud eel aga gudbi karo garoomadooda diyaaradeed. Itoobiya ayaa Iyana iila mid ahayd oo aan wax su’aal lay waydiin. Mar danbe baa la ii sheegay in Soomaalida ay xoogaa dhibaan Masaaridu yihiin kuwa ku safraya baasaboorka Soomaaliga ah gaar ahaan dhalinyarada da’dayda ah. Aniga iyo saaxiibkayga ila socda waxaan wadannay oo ku safarnaa baasaboor Keenyaan ah. Waana sababta aanan su’aalo naloo waydiin, inkastoo aan wadannay dal ku galkooda oo aan Nairobi ka soo qaadannay.

NOLOSHA IYO MACIISHADDA MASAR.

Qaahira waa mid kamid ah meelihii ugu nolol raqiisana ee aan noloshayda tago. Waan u qaadan la’hay illaa hadda. Inkastoo sarifka suuqa doolarka ee dowladda jaan goysay uu mar walba ka hooseeyo kan loo yaqaan suuqa madaw haddii uusan ku soo laban laabnayn. Tusaale ahaan 100-ka doolar ee bangiyada dalka waxaa lagu sarifayaa 3,100 Juneeh ama Egypt Pounds halka suuqa madaw uu ka yahay 5,100 Juneeh. Waa farqi waalli ah. Waa halka ay kala simman yihiin sarifka Itoobiya oo iyagu farqi laban laab ah uu u dhaxeeyo.

Sababta sarifkaas kala duwan ayaa maciishadda aad ugu raqiisinaysa ajaanibta wadata doolarka caddaanka ah ama iskugu diri karta applications-ka ay iyagu gaarka u wataan sida soomaalida oo isticmaalaysa app-ka Waafi. Laakiin sida kale dadka deegaanka waa ku qaali maciishaddu sidaan ay hadda tahayna waa ka sii raqiisanaan jirtay.

Kirooyinka guryaha ayaa ayaguna aad u jaban. Guriga goglan ee ka kooban labo qol iyo fadhigooda ama saddex qol oo dhamaystiran ayaa lagu kiraynayaa wax ka yar 150 doolar. (Waa marka aan ku qiimaynayo sarifka suuqa qarsoon).

Cuntooyinka ayaa aad u jaban gudaha Masar. Gaar ahaan kuwa dhaqameedka ee digirta ama fuulka oo noocyo badan loo sameeyo. Waxa kaloo aad looga cunaa Meesha qudaarta cagaaran ama fawaakihda kala geddisan oo laguu soo raacinayo noocyada kala duwan ee cuntooyinka. Waxyaabaha la shiilo ayaa Iyana aad looga xiiseeya sida doorada (chicken) ama hilibka la solay oo kale. Aniga iyo saaxiibkayga safarka waxaan aad uga helaynay fuulka ama digirta la habeeyey ee Suudaantu la wadaagto. Ma aqaan sababta. Cabitaanada qudaarta laga sameeyey ayaa Iyana laga helaa kuwaas oo aad iila jabnaa maadaama  ay dalka gudihiis ka soo go’do.

Gizza, Qaahira, Egypt.
Ila sawiran saaxibkay Bashiir.


Dhanka waxbarashada ayaa dhib weyn ka qabsan karaa qofka raba inuu masar dago. Waxbarashada caalamiga ah ama iskuulada raacsan manaahijta dalalka galbeedka ayaa xoogaa yara qaalli ah waxaana intooda badan lacagtooda loo bixiyaa si sanadle ah. Sida nin masaari ah oo aan saaxiib nahay ii xaqiijiyey, iskuuladadaas ayaa lagu dhigtaa lacag u dhaxaysa kun illaa laba kun oo doolar. Qiimahaas waa iskuulada aan sida aadka ah u diyaarsanyn ama habka waxbarasho ee ay isticmaalayaan uusan aad casri u ahayn. Dhanka macaahida, lacagtu waa jaban tahay ama si bilaash ah baad ku heli kartaa haddii aad haysatid kaarka qaxootiga ee qaramada midoobay bixiso. Dhanka luuqadaha ayaa Iyana aad u jaban gaar ahaan kuwa ay leeyihiin maamulada masaarida, waxaana aad loo galaa macaahida hoos timaadda jaamacadda Azhar oo dowladdu aad u taageerto. Sida uu ii xaqiijiyey arday Qaahira daggan, waa yar yahay mac-had aan hoos imaan jaamacadda Azhar.

Dhanka gawaarida dadwaynaha ayaa Iyana aad ii cajabiyey sida ay raqiiska u yihiin. Waa qiimo ku dhow si bilaash ah. Waxaan xasuustaa in maalintii koobaad ee Qaahira aan gaari dadwayne ka raacnay meel u dhow hoteelkii aan daganayn kuna tagnay meel u dhow xaafadaha soomaalida. Waxaan gaarigaas saarnayn waqti ku dhow saacad ama ka badan, waxaana ku qiyaasayey inaan jarnay masaafo 15 kiilo mitir lamid ah ama ka badan. Waxaan bixinay kaliya lacag u dhiganta 0.23 Doolar ama 12 Juneeh oo lacagtooda ah. Markaas waa dareemi kartaa sida ay raqiiska u yihiin gawaarida caamka ah ee bulshadu adeegsato.

 

DHANKA DALXIISKA

Sharma Alsheekh waa mid kamid meelah ugu wacan ee uu tagi karo qof dalxiisaya oo nafta nasinaya. Waxaa Iyana jirta dhowr meelood oo laga aadi karo magaalada Qaahira iyo magaalada Alexandaria ama Iskandariya sida dadkeennu u akhriyaan ama carabi ahaan loogu dhawaaqo.

Qaahira meelaha la  booqan karo waxaa ugu caansan Ahraamta ama Pyramid-ka masar oo ah dhisme qadiimi ah oo ka kooban dhagaxuun waaweyn oo lays kor saaray. Waxaa maamusha oo gacanta ku haysa dowladda Masar waxaana lagu galaa lacag yar ooh al doolar iyo santiyo ah haddii aad haysato baasaboorka Soomaaliga ama baasboor carbeed ee kale ama toban doolar lacag u dhiganta haddii uusan dalkaagu ku jirin jaamacadda Carabta.

Mid kamid ah xeebaha Sharma Sheekh


Sharmal Sheekh ayaase ugu wacan meelaha loo dalxiis tago, inkastoo maciishaddu sarrayso maadaama ay caan ku tahay in dadka xoogaa ladani tagaan. Sidoo kale dhaqanka dadka masaarida ayaaba ah in wax walba lagugu qaaliyeeyo haddii lagaa dareemo inaadan aqoon luuqadda iyo lahjadda waddanka. Carabiga caadiga kama shaqeeyo waxaana fahma dad aad u tira yar.

WAXYAABAHA AY KU LIIDATO MASAR

1.     Halista waddooyinka la marayo oo waxaa ku badan gawaarida oo si xawli ah ku soconaya.

2.     Malaha meelaha dadku ka goyn karaan waddooyinka. Sida aan ku arkay waddooyin aad u yar baa leh waxaana ay isku jiraan masaafo aad u dheer.

3.     Dadka deegaanka ah ama masaarida malaha akhlaaq fiican. Sigaarka meel walba lagu cabbayo, beenta, khiyaanada iyo luggooyada ayaa caadi ka ah dalka Masar.

4.     Masaajidda ayaa aad loo xakameeyaa waana la xirayaa marka salaad walba la tukado. Sidoo kale dadka masaajidda soo galaya ayaa aad u yar. Qaahira oo 22 milyan oo qof ku nooshahay waxaa masaajidda meelaha camiran ku yaalla ku tukanaya labo ama saddex saf.

5.     Mad-habta ashcariga xag-jirka ah ayaa hormuud ka ah meelaha loo aado barshada cilmiga diiniga ah. Qofka aan mad-habtaas ictimaadin aad buu ugu rafaadayaa.

6.     Ganacsiga waddanka ayaa aad u xir xiran waana adag tahay inaad ganacsi ka furato maadaama ajnebiga aad looga taxadaro. Waa jiraan dad soomaali ah oo ganacsiyo kooban ku haysta.

7.     Haddii aad wadato baasaboor Soomaali ah waa adag tahay inaad hesho dal ku galkooda iyadoo aysan kaaga bixin lacag badan. Laakiin gudaha haddii aad gasho wax badan baa kuu sahlan.

8.     La qabsiga bulshada ayaa aad u dhib badan muddana kugu qaadanaysa gaar ahaan luuqadda ama lahjadda gaarka u ah. Qofkii aan carabiga aad u aqoon asagu waqti badan buu u baahan yahay.

Si guud marnaba kulama taliyen in qof ka guuraya bariga Afrika uu deegaan ahaan u dago waddanka Masar, haddii aad baashaal ama dalxiis yar aad u aadayso wax dhib ah ma leh waana meel ku habboon gaar ahaan magaalada Sharma Sheekh oo leh goobo cajiib ah.

Comments